Fahamkooda Hayska Leh, Side Loo Dabiiba?

Qof kasta oo muslim ah waa u muhiim inuu ogaado, marka aynu diinteena Islaamka ku dabaqayno noloshan maanta ee casrigan taal, waxaynu adeegsanaynaa oo kala soo baxaynaa diinteena, qaaciidooyinka la xidhiidha qaybaha kala duwan ee nolosha, kuwaasi oo Alle inoogu soo gudbiyay waxyiga.

Waxa kale oo aad muhiim u ah in la ogaado, qaaciidooyinka nololeed ee ku jira waxyigu, iyaga oo qidci ah ama mutuxan ma dhex yaalaan Qur’aanka, laakiin qaaciidooyinkaasi waxay ku dhex jiraan waxyiga iyaga oo wata tusaaleyaal, si Alle uu inoo fahamsiiyo qaabka qaaciidadaasi loogu adeegsanayo nolosha, waana ta keenaysa iyaga oo muslimiintu kala nool casriyo iyo qarniyo kala duwan, in hadana mid waliba isaga oo qaaciidooyinkaa adeegsanaya, uu casrigiisa nolosha taal muslimnimo ku noolaado.

Fahamka Qaaciidada (Formula)

Maadada Xisaabta(Math) marka la baranayo, waxa jira wax loo yaqaano Qaaciido ama Formula, taasi oo ah seeska laga dul dhiso xisaabta, iyada oo qaaciido kasta gaar u tahay nooc xisaabta ka mid ah.

Waxaynu ognahay; Xisaabta marka macalimku uu barayo ardeydiisa, nooca xisaabta iyo waxa loo adeegsado kadib, macalimku qaaciidada xisaabtaasi ayuu ardeyda fahamsiiyaa, kadibna wuxuu ardeyda siiyaa tusaale isaga oo adeegsanaya qaaciidadii, si ardeydu u bartaan qaabka qaaciidadaasi loogu adeegsanayo nolosha iyo nooca xisaabtaasi.

Imtixaanka maalinka la gaadho, macalimku si uu u ogaado fahamkii ardeydiisa, wuxuu weydiiyaa qaaciidadii uu tusaalaha ku siiyay, oo loo adeegsanayo ama lagu xallinayo wax ka duwan wixii tusaalaha ay ku soo barteen.

Eeg; hadii macalimkaasi uu ardeydiisa ku baray qaaciidada Area of a Rectangle=length * width, kuna fahamsiiyay in ay ku ogaadeen bedka uu ku fadhiyo fasalka ama classroom-kii ay wax ku baranayeen.

Bal ka waran; hadii macalimkaasi uu ardeydiisa weydiiyo maalinka imtixaanka, su’aal nooceedu yahay:

  • Raadi bedka uu ku fadhiyo dhismaha iskuulku?

U Fiirso; ardeydu si ay u helaan bedka iskuulka, waxay adeegsanayaan qaaciidadii ay tusaalaha ku soo qaateen, laakiin cabirka dhinacyada ama variables-ka uun bay kaga duwan tahay.

Bal qiimee; hadii ardey ka mid ah ardeydu uu su’aashaa imtixaanka la weydiiyay kaga jawaabo, inuu soo koobi-gareeyo ama uu soo qaato tusaalihii casharka ay ku qaateen, ee ahaa raadinta bedka fasalkooda, ardeygaasi imtixaanka miyuu gartay, mise wuu khalday? runtu waxa weeyi in ardeygaasi uu garan waayay imtixaankii.

Bal hadaba ka waran; hadii aynu tusaalahaa sare ee qaaciidooyinka xisaabta iyo ardeydii baranaysay, aynu dhex keeno waayaheena Islaamnimo ee casrigan maanta.

Eeg; diintan Islaamku waa middii ay Nebi Muxamad csw iyo asxaabtiisii haysteen, innaga oo maanta joognaana isla diintaasi uun baynu haysannaa, waxaynu se ku kala duwan nahay waxa weeyi:

  • Nebiga iyo asxaabtiisii waxay nasiib u heleen inay ahaayeen kuwo noolaa casrigii ay diinta Islaamku soo degtay, kolkaa xikmadaha iyo axkaamta waxyiga ku duugan si uu Alle dadka muslimiinta ah u fahamsiiyo, wuxuu Illaahay tusaaleyaal nool oo la fahmi karo uga dhigay ama u soo qaatay noloshii casrigaasi taalay, iyo dhacdooyinkii dhaqan-dhaqaale ee ay muslimiintu casrigaasi la noolaayeen.
  • Halka innaga oo maanta nool iyo dhamaan muslimiinta aan casrigii waxyigu soo degayay jirin, aynu ka haysanno uun waxyigii oo tusaaleyaasha la socdaa yihiin ama ka waramayaan, dhacdooyin nololeed oo aan ku jirin ama ka mid ahayn nolosha aynu casrigeena la nool nahay.

Hadaba marka aad tahay muslim nool casri ka duwan casrigii diinta Islaamku soo degtay, su’aasha ugu muhiimsan Islaamnimadaadu waxa weeyi, sidee ayaynu xikmadaha iyo axkaamta ku duugan waxyiga, u dhex keennaa nolosheenan ka duwan nolosha waxyiga tusaalaha u ah, si aynu innaguna casrigeena ugu noolaanno muslimnimo?

  • Innagu si aynu u xaqiijino Islaamnimadeena, ma waxaynu ka jawaabnaa Imtixaan-nololeedkii uu Alle weydiiyay Nebiga scw iyo asxaabtiisii, oo noloshii(imtixaankoodii) ay la noolaayeen xilligoodii ayaynu soo rarnaa, oo keenaa casrigeenan maanta?
  • Mise waxaynu garawsannaa xaqiiqada, oo innagoo adeegsanayna qaaciidooyinka waxyiga ku duugan, ayaynu ka jawaabnaa nolosheenan maanta, oo ah imtixaan inoo gaar ah, oo Alle weynaa oo wanaagsanaaye uu innaga ina weydiiyay?

Hadaba muslimiinta qaarkood iyaga oo doonaya inay ka jawaabaan su’aashan sare, waxay yidhaahdeen: “Waa in aynu nolosheena ka dhigno noloshii Nebiga scw iyo asxaabtiisii…

Bal u fiirso xikmaddan odhanaysa “Kabtanka ama Naakhuuduhu awood uma laha inuu maamulo dabaysha iyo socodkeeda, laakiin wuxuu awoodaa inuu shiraaca doonidiisa maamulo, oo kolba la eegto dabeysha iyo dhanka ay u socoto, kuna dhaqaajisto doonidiisa si ay u gaadhsiiso halkii uu rabay…

Xikmadaasi hadii aynu is-dul taagno, eeg! dabeyshu waa wax awooda bini-aadamka ka baxsan, oo Alle awoodihiisa iyo maamulkiisa ka mid ah, kolkaa naakhuudaha/kabtanka doonidu ma awoodo inuu maamulo dabaysha’e, wuxuu awoodaa inuu shiraaca doonidiisa maamulo.

Waxa taa la mid ah casri/seben kasta nolosha taal ama jirtaa, waa wax ka baxsan awooda bini-aadamka, oo ka mid ah awoodaha Illaahay, kolkaa qofka ama bulshada muslimka ahi, casriga ay nool yihiin nolosha taala ma bedeli karaan, laakiin waa in iyaga oo noloshaasi Alle u dooray adeegsanaya, ugu dhex noolaadaan qaabkii ay aakhiro wanaageeda ku gaadhi lahaayeen.

Ogow; casri kasta nolosha taala iyo halka ay noloshaasi maraysaa, waa wax ka yimid ama ka dhashay soo-socodka sooyaalka nololeed ee bini-aadamka, tan iyo xilligii Nebi Aadam iyo Xaawa uu Alle keenay adduunyadan, kolkaa waa nolol aynu ku tusaaleyn karno sida daadka oo kale.

Yacni daadka dooxyada maraa, waa biyo isku soo dardarsamay, oo ka kala yimid biyayaw kala du-duwan oo ka soo kala qulqulay buuraha iyo dhulka taagaga ah, oo qayb kastaa ay kaga soo biirtay meel iyo mar gooni ah, iyada oo biyahaasi qayb kastaa ba ay ku soo dartay muggii iyo laxaadkii ay lahayd daadka, saameynna ku yeelatay baaxadda iyo xawaaraha qulqulkiisa, kadibna daadkaasi ay biyihiisu meelaha iyo mararka kala duwan isku soo dardarsameen, oo wata awooddii iyo saameyntii ay biyihiisa qayb kastaa keentay, waxay jeexdeen oo isugu tageen dhulka ugu godan ee dooxyadda loo yaqaano.

Bal hadaba akhristoow waxaad ka warantaa; qof beer ka sameystay dooxa uu daadku marayo agtiisa, oo beertaasi doonaya inuu ku soo leexiyo daadkan dooxa maraya, iyada oo halkan ay beertiisu ku taalo na ay u jirto halka dooxani ka soo bilaabmay qiyaastii 1400km.

Bal ka waran hadii qofkaasi uu iska muraaqoodo, oo yidhaahdo “daadkani waa wada wasakho beertayda ku sii wada deyn maayo, oo anigu ma wada doonayo biyihiisa oo dhame, waxaan rabaa oo kaliya uun biyihii ka yimid ama kaga soo darsamay deegaankaygii Hebel ee nadiifta ahaa, ee aan jecelahay dadkiisa iyo duunyadiisaba, kolkaa waxaan beertayda ku sii deynayaa uun inta ka timid ama ka soo qulqulshay deegaankayga, intaasi uun baan ka soocanayaa!…

Akhristoow qofkaasi ma leeyahay awood uu damaciisaa ku fuliyo, oo ku kala sooco biyahaa butaacaya ee is dhex galay, ee noqday daadka maraya dooxa, se ka kooban biyayaw ka soo kala qulqulay meelo kala du-duwan, oo deegaankiisii uu jeclaana ka mid yahay?

Jawaabtu waa maya?

Maxaa yeelay; halka beertiisu ku taalo markaynu eegno, daadkaa butaacaya dooxa, ee masaafada uu soo socday, iskuna soo dardarsamayay ay tahay 1400km, kolkaa qofkaasi kama soocan karo biyihii ka soo qulqulay deegaankiisii oo kaliya.

Bal ka waran hadii uu qofkii kuugu jawaabo sidani: “Ok! Beertayda ayaaban rarayaa, oo geynayaa ama ka samaysanayaa halka ay biyaha deegaankayga ka soo qulqulaa kaga darsamaan dooxa, kolkaa hadii aan sidaa sameeyo, miyaanay beertaydu markaa helayn biyihii deegaankayga ka yimid oo qudha?

Sidaasi na waa sacabkoo timo yeeshoo, maba suuragali karto, maxaa yeelay qofku casriga uu Illaahay u dooray, ee uu Alle abuuray ma bedelan karo, oo casriga uu taariikhdiisa iyo nolosha taala jeclaado ma tegi karo.

Akhristoow; waxaad horta ila fahamtaa sheekadan waxaynu uga jeedno, qofkan doonaya in daadka dooxa maraya uu biyihiisa kala sooco, waxaynu uga jeednaa qof nacay noloshan maanta taal casrigan aynu nool nahay, kadibna wuxuu qofkaasi jeclaaday 1400 oo sanadood ka hor noloshii xiligaa taalay, wuxuu markaa doonayaa intuu nolosha maanta taala kala sooco, in uu la soo hadho uun 1400 oo sanadood ka hor halkii ay noloshu marayaysay, oo waxyaabaha kale oo dhan uu iska tuuro.

Fiiro Gaara:

  • Daadka dooxa maraya waxaad ka soo qaadaa Nolosha casrigeena taala ama jirta.
  • Biyaha uu doonayo inuu daadka ka soocdo na, waxaad ka soo qaadaa, 1400 sanadood kahor noloshii Nebiga scw iyo asxaabtiisu halkii ay markaa maraysay, ama sidii ay ahayd.
  • Beerta uu biyaha gaarka la doonayana waxaad ka soo qaadaa, dadka ay wadaadada iyo urur-diineedyadu ay afkaarahooda ku shubtaan, ee iyagu ay caqliga u yihiin.

Hadaba waxaynu wada ognahay; noloshani maaha mid imika bilaw ah, waa se mid ka timid sooyaal dheer oo nololeed, oo soo socday tan iyo Nebi Aadam, waana mid ka kooban isku-soo-dardaran-nololeed oo tognaanta iyo tabnaanta ba leh, kana kala yimid nolosha qaybaheeda kala duwan, sida:

  • Afkaaraha iyo falsafadaha kala du-duwan ee ka soo butaacayay caqliga bini-aadamka, lana soo kala dhaxlayay ogaalkooda, oo mid kastaa uu kolba wixii horee yaalay ama la yaqaanay, uu ku sameynayay isbedel wata muggiisa iyo laxaadkiisa gaarka ah.
  • Dhaqamadda iyo caadooyinka bini-aadamku ogaalkooda ama qabatinkooda ay soo kala dhaxlayeen, oo badankoodu ka dhashay fahamka uu keeno caqliga iyo garaadka bini-aadamku kolba heerka uu joogo, iyo sida uu fahamkaasi uga fal-celiyay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah, ee kala du-duwan, ee adduunyada yaalla.
  • Aqoonta diiniga/maadiga ah iyo kolba heerka ay joogto, iyo aqoontaa adeegsigeeda oo kolba si u dhigta ama wax cusub ku soo kordhisa, wixii horee yaalay ama la yaqaanay.

Kolkaa qofka raba inuu biyo gaar ah ka soocdo daadka waxa la mid ah, maanta wadaadada iyo urur-diineedyada intay iska muraaqoodaan yidhaahda “Nolosheena waa in aynu ka dhigno noloshii Nebiga scw iyo asxaabtiisii…

Eeg; muslimiinta sidan sare ku jawaabay, waxay la mid yihiin tusaalaha sare ee qaaciidada xisaabta, ardeygii imtixaanka la waydiiyay bedka iskuulka, ee kaga jawaabay tusaalihii macalinku siiyay ee ahaa bedkii fasalka.

Yacni! qofka ama kooxda aaminsan “In nolosheena maanta aynu ka dhigno noloshii taalay casrigii nebi Muxamad scw…“, wuxuu doonayaa in dhacdooyinka nololeed ee casrigan maanta aynu waajahayno, uu mid kasta dul dhigo ama xal uga dhigo, dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii nololeed ee dhacay 1400 sanadood ka hor.

Taaganta iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale ee maanta dhacaya, ayay rabaan inay kutubta siirada iyo axaadiista uga raadiyaan dhacdo u eeg, oo dhacday casrigii Nebigu scw noolaa iyo sidii uu Nebiga scw iyo asxaabtiisu uga falceliyeen, dadka sidaa sameeya waxaa loo yaqaanaa TAQLIIDIYIIN, macnaha noloshii Nebiga scw ayay matalayaan ama taqliidinayaan.

Taqliidiyiinta waxaad ku garan kartaa, iyaga oo muuqaalkooda guud u eekeysiiya muuqaalkii ay lahaayeen Nebi Muxamed scw iyo asxaabtiisa, ee ku xusan kutubta siirada iyo axaadiista.

Maadaama oo ay taqliidiyiintu fahamkooda ku socodsiiyaan khasab iyo jujuub, oo ay dagaal adag ugu jiraan in tooda ay noqoto, waxa marba marka ka dambeysa sii tiro badanaya dadka daad-nololeedka kala soocaya, taasina waxay saameyn taban ku yeelatay muslimnimadii, oo waxay noqotay mid adag oo culeys leh, muslimiintii na waxay u yeeleen laba midab iyo laba magac oo kala duwan:

  • Muslim magaciisa laga horeysiiyo Sheekh ama Wadaad, kaasi oo muslimnimadiisa laga ogaan karo muuqaalkiisa iyo dharka uu xidhan yahay, kuna labista dharkii Nebiga scw iyo asxaabtiisu xidhan jireen, ee ku xusan kutubta siirada iyo axaadiista.
  • Iyo Muslim caadi ah, oo magaciisa gaarka ah uun loogu yeedho, isla markaana inuu muslim yahay aan muuqaalkiisa iyo labiskiisa laga garan karine, u baahan in la arko hab-dhaqankiisa ama la weydiiyo inuu muslim yahay.

Laakiin sheekhnimadaasi maaha wax ka mid ah diinta Islaamka, waa uun ardeygii xisaabta baranayay, ee imtixaanka ku jawaabay tusaalihii casharka loogu dhigay, oo sidii aynu soo sheegnay, waxay qaab-labiskooda ku beegayaan qaab-labiskii tusaalaha u ahaa muslimiinta.

Maxaa yeelay; xaqiiqda aan qofna is-diidsiin karin waxa weeyi, dharka uu qofka muslimka ahi xidhanayo waxa go’aamiyaa waxa weeyi Cimilada iyo Shaqadda:

  • Dharku marada uu ka tolan yahay {nooceeda, midabkeeda, harqadeeda iyo dunta lagu tolay ama laga sameeyayba} cimilada deegaanka uu qofkaasi joogo ayaa go’aaminaysa, yacni qofka deegaan qabow jooga, waxa huran oo uu xidhanayaa, dhar asturnaan iyo qurux leh, oo qabawga ka celiya, qofka deegaan kulul joogana, waxa huran dhar asturnaan iyo qurux leh, oo fudud dhididkana nuuga, oo kulaylkaasi aan qofka ur iyo nadaafad xumo u yeelin, ama aan jidhka culeys iyo xanibaad ku noqonin.
  • Sida oo kale; dharku qaabka uu u tolmayo ama u tolan yahay na, waxa go’aaminaya nooca shaqada qofkaasi hayo, ee joogtada u ah, yacni hadii uu qofku ka shaqeeyo shaqo muruq-maalnimo ah, khamiis iyo cumaamad baro-baro leh xidhan maayo’e, waxa huran oo uu xidhanayaa, dhar qaab-tolniinkiisu xanibaad ku ahayn shaqadiisa, sida; isku-joog ama surwaal adag iyo shaadh/garan, iyo koofiyadii badqabka, iwm…

Kolkaa qofka muslimka ah qaaciidada uu u adeegsanayo labiska iyo dhar-xidhashadu, waxa weeyi dhar muuqaalkiisa looga go’aan qaadanayo cimilada deegaanka iyo nooca shaqada qofka, weliba mararka qaarkood waxa ku soo biiri kara dhaqanka/caadada deegaanka ee dharka, laakiin dharkaasi mar walba waa in aanay ka maqnaanin labadan shuruudood, ee kala ah:

  • Dharku inuu yahay mid cawrada asturaya
  • Dharku inuu yahay mid qurux leh, iyada quruxdaasi na tahay mid aan qaydnayn, ee ku xidhan dookha iyo haynta qofka.

Hadaba iyadoo aanay jirin wax diidaya xidhashada dharkii Nebiga scw iyo asxaabtiisu xidhan jireen, hadii ay cimilada deegaankaaga iyo nooca shaqadaadu kuu ogolaadaan, hadana khaladka ku jiraa waxa weeyi:

  • In wadaadada taqliidiyiinta ahi ay ka dhigaan ama ku sheegaan xidhashada dharkaasi qodob diini ah.
  • In dadkii xidhay ay ka muuqaal duwanaadeen muslimiintii kale, ee laga yaabo in cimilada deegaanka ay joogaan ama nooca shaqada ay hayaan, aanay u ogolaanin xidhashada dharkaasi, taasoo keentay in muslimiintii ay yeesheen, laba midab iyo laba magac, oo ay ku kala soocmeen.

Akhristoow ma ogtahay; dadkan taqliidinaya noloshii Nebiga scw, in faham daradaa ka haysata Islaamnimadu culeys weyn saartay, oo daad-nololeedkaa ay kala sooca is-leeyihiin u horseeday dhibaatooyin kala du-duwan, hadana iyaga oo dhibkaa iyo culeyskaa ay isu xambaariyeen og, oo dareensan, waxay niyada isugu dhisaan sabirka oo ay isku wacdiyaan (Walaalayaal aynu ku sabirno culeyska acmaasha saalixaatka ah…) kolkaa waxay u qabaan in ajar iyo xasanaad waaweyn ay Illaahay kaga helayaan.

Culeysyada ay isu-xambaariyeen taqliidiyiintu waxa ka mid ah:

  • Bal waxaad sawirataa gabadha kuwaa ka mid ah ama ku xidhan, ee ku nool deegaan cimiladiisu kulushahay, ee huwatay ama la huwiyay marada weyn ee Xijaabka aynu maanta u naqaano, ee aad aragtay qaradeedu inta ay leeg tahay, ee kaaga daranta midabkeeduna yahay madawga, kaasi oo kulaylka u nuqul oo soo jiita !
  • Bal waxaad isna sawirataa ninka kuwaa ka mid ah ama ku xidhan, ee ku nool deegaan cimiladiisu ay qabaw tahay, ee xidhay ama loo xidhay khamiiska aad aragtay marada laga tolay fudeydkeeda, ee qabawgaasi la dhex jooga dharkaasi !
  • Hadii Nebi Muxamed scw iyo asxaabtiisii ay xidhan jireen kabo jambal ah ama sandal ah, oo dhulkaa kulul ee saxaraha ah ay kabahaasi dhinacyada ka banaan ay cagta u haboon yihiin, bal sawiro dhulkeena cimiladiisu dhexdhexaadka tahay, dhulkuna wada dhagaxa iyo qodxaha miidhan yahay, ninka loogu xidhay kabo sandal ah, kadibna cagtiisa sidii ay dabeyluhu ugu dhacayeen ay ka dilaceen boholihii xargagnaa, oo inta ay safantii cidhbaha ka jeexjeexday, hadana sidaasi isagu u arka inuu sunihii Nebiga scw uu dabaqay, oo xidhashada sandalkaasi uu ajar iyo xasanaad ku helayo.

Akhristoow; dharku waxaabu ka mid yahay waxyaabaha kooban, ee culeyska uu doono ha ku ahaade, hadana ay isaga eekeysiiyeen casrigii Nebiga scw iyo asxaabtiisa, laakiin waxa jira marar badan oo uu waayuhu ku dhirbaaxo runta iyo xaqiiqada faham-daradooda, oo ay kas iyo maan u ogaadaan in taqliidintaasi aanay sax ahayn, oo aanay muslimnimadu sax ku ahayn, in noloshii Nebiga scw ee tusaalaha diinta aynu ku fahmayno inoo ah, aynu kaga jawaabno su’aalaha uu Illaahay imtixaanka casrigeenan inagu weydiiyay, bal u fiirso dhacdadan soo socota.

Habeen aniga oo fadhiya masaajidka Cali Mataan, oo dhageysanaya cashar diini ah oo masjidka ka socday, ayaa waxa i soo ag-fadhiistay nin dhalinyaro ah.

Markii uu i salaamay, aniguna aan salaantii ka qaaday, wuxuu yidhi: “Sheekh inaan su’aal ku weydiiyo ayaan doonayaa…

Waxaan ugu jawaabay: “I weydii…

Wuxuu yidhi: “Sheekh marka jihaadka lagu jiro, waa tii salaada loo tukan jiray laba qaab, imika se adduunyadu sidii hore way iska bedeshayoo, marka jamacii salaada galaan, hal madfac oo lagu soo tuuro ayaa ku filan, markaa su’aashaydu waxay tahay; bal fikirkaaga sidee ayaa salaadii jamaca ahayd loo tukan karaa marka jihaadka lagu jiro…

Sheekhaa dhalinyarada ahi taaga waa bu fiicnaa, mar hadii uu maxaynu-yeelnaadii? ka raadinayo caqliyadii dadka kale, laakiin bal waxaad ka warantaa, kuwooda xagjirka ahi marka xaaladaasi oo kale la soo deristo, kama labalabaynayaane waxay odhan “Sidii Nebigu scw uu yeeli jiray ayaynu yeelaynaaye, Xaya Calal Salaah… Xaya Calal Falaax” kadibna markaas ayaa goobtaa ay murduq iyo kabtay-meeday ku noqon ma-kastii iyo wax-ma-garatadii ay caqliga u ahaayeen, kolka madfac badhtanka loo dhigo iyaga oo Salaadii jamac ku tukanaya.

Waxa taa kaba sii daran; wax-ma-garatadii ay ku laayeen talo-xumadaasi iyo fahamkoodaa guracan, hadana iyaga oo iska qiiraysiinaya marka ay ku wacdiyaan:

Walaalayaal aynu sabirka ogaano, oo qadarka iyo qoraalka Illaahay aynu ku sabirno, oo Ma… -ba ha odhanina, yacni ha is-weydiinina maxay waxani inoogu dhaceen, maxaa yeelay; ajarkii sabirka ayaa inaga nusqaamaya, oo Nebigu scw wuxuu yidhi إِنَّمَا الصَّبْرُ عِنْدَ الصَّدْمَةِ الأُولَى

Bal hada eeg, oo u fiirso wacdigan sare:

  • Marka 1aad dadkii ay tala-xumidooda iyo faham-daradooda ku laayeen, ayay suuxiso ku mudayaan, si aanay isu weydiinin waxa dhacay, oo aanay u ogaanin cida dhibta u geysatay, markaa wax-ma-garatooy iska adkeysta, oo dhex fadhiya dhibaatada, ajar ayaydin ka helaysaane weeyi wacdigani, yacni ha nagala xisaabtamina wixii idinka soo gaadhay talo-xumidayada,
  • Marna Illaahay sw ayay caayeen, oo dhibaatadii ay iyagu geysteen, ee taladooda iyo sababtooda ku timid, ayay ku eedeynayaan Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye, oo ay wax-ma-garatada uga dhigayaan dhibaato Illaahay sw u geystay, oo uu la doonay ama la jeclaaday.

Akhristoow; hadii aad yar qariibsatay wacdigan sare ee ay macruufka ku yihiin taqliidiyiintu, oo aad is-leedahay qoraagani wuu yar taraaray, ama woxogaa buunbuunin ah ayuu ku daray halkaasi,

Yacni, hadii aad aaminsan tahay, ma dhici karto in dhibaato ay taqliidiyiintu talo-xumidooda ugu geysteen ma-kastooda, ay hadana ku eedeeyaan Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye, oo ay la-xisaabtankeediina kaga gabadaan “Waa Qadar’eh aynu qadarta ku sabirno…” ma is-weydiisay maxaa ka dhacay deegaanka Qasa.

Ururka Xamaas oo ka mid ah kooxaha taqliidiyiinta ah, ayaa qabsaday deegaanka Qasa, kadibna waxay wadaadadaasi deegaankaasi ka sameeyeen nidaam xidhan, oo ku dhisan afkaaraha taqliidinta ee aynu kor kaga soo warannay.

Ururka Xamaas nidaamka ay Qasa ka dhiseen wuxuu noqday, mid aan ogolayn talo iyo faham ka duwan kooda taqliidiga ah, talada deegaankaasi na wuxuun bay ka go’aysay fikirkooda iyo fahamkooda taqliidiga ah oo qudha, yacni cid ka fikir iyo faham duwan oo tidhaa waar ka daaya sidaasi sax maahee… way ka ilaaliyeen deegaanka Qasa, kadib maxaa dhacay;

{Sawirkan hoose ayaa kaaga filan, inaad ogaato wixii Qasa ka dhacay, iyo heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada ay taqliidiyiinta Xamaas talo-xumadooda ugu geysteen shacabkii reer Qasa…}

Akhristoow; ma ogtahay in Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu Qur’aanka inoogu soo gudbiyay, laba qaaciido oo aad u qiimo badan, kuwaasi oo kala ah nuxurka labadan aayadood ee soo socda:

  • Qaaciidada 1aad: Illaahay dartii u bixiya wixiina, laakiin ha u badheedhina dhibaato aad arkeysaan, halaaga iyo dhibaatada ka doorta wanaaga ama sida ay wax idiinku hagaagayaan, Illaahay wuxuu jecel yahay kuwa mar kasta sida wanaagsan/hagaagsan yeela.
  • Qaaciidada 2aad: qofku wax kasta oo uu af ama addin ka sameynayo, waxa go’aaminaya kartida iyo itaalka qofku u leeyahay waxaasi, qofku isaga oo ka go’aan qaadanaya itaalkiisa wixii ay la noqoto inuu yeelo ama sameyn karo, dhib iyo dheef wixii uga yimaada isagaa sababteeda leh, cidna yuu ku eersan ama eedeyn, yacni wixii uu qofku sameynayo wuxuu u eegayaa karti ahaan iyo itaal ahaan waxaasi guul ama natiijo wanaagsan ma ka gaadhi kartaa.

Hadaba labadaa qaaciido ee ah nuxurka labadan aayadood ee sare, marka aad si fiican u dhugato, waxa kuu soo baxaya, Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye in uu si cad oo waadax ah inoogu sheegay, in aynu ku xisaabtanno aqoonta iyo ogaalka iyo awooda iyo itaalka inta aynu kolba leenahay uun, oo aynaan ku tashanin ama ku darin go’aanadeena aynu fulinayno awooda Illaahay, yacni in aad go’aan ku gaadho ama aad iska tidhaahdo “Itaalna uma hayside samee uun Illaahay ayaa awoodiisa kugu la qabane… ama ku dhaqaaq uun oo fuli waxaasi Illaahay ayaa jiree… ama is-miidaami oo isku maqiiq Illaahay ayaa kuu hagaajin doona’e…

Marka aad fulinayso go’aan ama talo aad u eegtay ama ku dhistay itaalkaaga ama wuscigaaga, kolkaa hadii uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu kuu garto inuu ku raaciyo naxariistiisa, dee waa Illaahay mahadiiyoo kheyrkii ayaa isugu kaa biiraya, iyo waxaagii wax laguugu dar, waana sida ay aayadani inooga waramayso ( وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ رَمَىٰ [الأنفال: 17] ), hadii kale na waa kuu Rabil Caalamiin, oo waxan aad fulinaysaa kolka horeba wuxuu ahaa go’aan aad ku sar jartay wuscigaaga iyo itaalkaaga.

Laakiin bal ka waran hadii uu qofku go’aanka uu fulinayo, isaga oo aan ku sar-goynin karaankiisa/wuscigiisa, uu Illaahay awoodiisa uun isku haleeyo oo ku go’aan qaato, ma sax baa sidaasi?

Maya! sidaasi diiniyan sax maaha, Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye waxaa bu inoo sheegay, in wixii dhibaato ah ee ka yimaada go’aanka aanu qofku u eegin itaalkiisa/wuscigiisa, isaga loo raacayo, oo lagala xisaabtamayo ( وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ )

Hadaba inaga oo wada og, farqiga aadka u weyn, ee u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo ciidamadii Ururka Xamaas, bal akhristoow waxaad is-weydiisaa;

  • Ururka Xamaas dagaaalkii ay ku galeen gudaha Israa’iil 07/Oct/2023, miyay ku sar-gooyeen wusciga/awooda ciidankoodu u leeyahay inuu ugu babac-dhigi karo wusciga/awooda ciidamada Israa’iil?
  • Mise Xamaas dagaalkaasi itaalkooda uma ba ay eegine, wuxuun bay ku galeen niyad-wanaagsan oo aheyd, in ay yihiin muslimiin la dagaalamaya yuhuud, iyo in Illaahay uu muslimnimadooda darteed uu awoodiisa iyo mucjisooyinkiisa ugu hiilin doono?
Source / Isha-Xogtani

Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye qofka muslimka ah miyuu ugu hiiliyaa gardarada iyo dulmiga, kan uu dulminayo ama uu ku gardaroonayaa haba noqdo gaal ama qof aan muslim ahayne? Jawaabtu waa Maya! oo Alle wuxuu waxyiga iyo Aayadan soo socota inoogu sheegay “Cadaaladda ogaada weligiin, oo cadhada iyo ciilka aad cid/dad u qabtaan, yaanay cadhadaasi idinka indho-saabin cadaaladda iyo xaq-soorka, Cadaaladda oo la oogo ayaa ugu dhaw Alle-Ka-Cabsiga…

( وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى )

Israa’iiliyiintu dhulka ay ka sameysteen dawlada Israa’iil, waa dhulkii Illaahay ku abuuray, ee ay ka awoow ka awoow ku noolaayeen, kolkaa in dagaal gardaro ah kolba lagu qaado, si loo xasuuqo ama dhulkooda looga eryo, sax maaha diiniyan, waa in muslimiinta deegaankaasi ay heshiis nabadeed oo ay ku wada noolaadaan la galaan Israa’iiliyiinta,

Aayaddaa sare ee cajiibka ah, waxa kale oo ku jirta Qaaciido weyn, oo ah qaabka aynu u ogaan karno, qofka muslimka ah heerka ay qalbigiisa ka joogto cabsida Illaahay sw, maxaa yeelay; faa’iidada inoogu jirta ogaanshiiyaha qofka muslimka heerka Alle-ka-cabsigiisu joogaa waxa weeyi, isku-halayntii iyo macaamilkii ayaa ku xidhan heerka Alle-ka-cabsiga qofka, kolkaa marka qofka muslimka ah uu Alle-ka-cabsigiisu meel sare joogo, oo aynu ka ogaanayno heerka uu cadaalada ka joogo, markaa qofkaasi waa qof aad la macaamili karto, oo aad ku halayn karto naftaada lana gali karto xidhiidhadii dhaqan-dhaqaale ee arrin iyo adduunba lahaa.

Aayadan sare xikmadda iyo qaaciidada ku jirta, ayay dadkeenii hore na ka sameeyeen maahmaah cajiib ah, oo odhanaysa “Gaalka Dil, Gartiisana Sii !” Yacni gaalka iska celi hadii uu kugu gardaroodo ama ku dulmiyo, laakiin marka uu gar kugu leeyahay, ha kaga duudsiyin gartiisa inuu gaal yahay darteed, ama gaalnimadiisa darteed ha ugu diidin garta uu kugu leeyahay.

Wadaadada iyo muslimiinta taqliidiyiinta ah, ee muuqaalkooda guud ka muujiya Islaamnimadoodu, waxa jira qaarkood oo ooya ama qiirooda marka ay muujinayaan cabsida Illaahay, gaar ahaan marka ay Qur’aanka akhriyayaan, siiba aayadaha aakhiro iyo cadaabka ka waramaya, laakiin Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye, wuxuu aayadaa sare inoogu sheegayaa, sida loo ogaan karo heerka Alle-Ka-Cabsiga qofka muslimka ah, oo ah heerka uu qofku ka joogo Cadaaladda.

  • Hadii qofka muslimka ah, ay cadaaladiisu gaadhsiisan tahay, heer uu awoodo inaanu duudsiyin wixii gar uu ugu leeyahay qofka ay is-hayaan ama uu u cadheysan yahay, oo aanu waxaa ka dhexeeya uga faa’iideysan inuu gartiisa u diido, qofkaasi Alle-ka-cabsigiisu wuxuu joogaa meel sare, waana qof la isku halayn karo qofkaasi.
  • Hadii qofka muslimka ahi aanu cadaalad lahayn, oo uu ku liito xaq-soorka, taa macneheedu waxa weeyi inuu yahay qof Alle-Ka-Cabsigiisu liito, oo aan la isku halayn karin, weligiiba ha gadhweynaado ama kolka uu Jahanama maqlo ilmadu indhihiisa ha ka da’dee.

Bal waxaad is-weydiisaa akhristoow, wadaadada dhulkeena jooga ee iyagu saaxadda arrimaha diinta jookaradda ka ah, ma ku jiraa wadaad cadaaladiisu gaadhsiisan tahay heerkaa ay aayadu ka waramayso, anigu u malayn maayo inuu dhulkeena joogo wadaad heerkaa cadaaladda ka jooga, hadii ay jiraanna waa dhif iyo naadir, maxaa yeelay; waxaan ogahay in badan oo ka mid ah wadaadada dhulkeena, iska daa gaalada’oo dadkeenaa muslimiinta ah, laakiin iyaga ka fikir iyo fahamka duwan, ayay wixii kaga xidhma ama gacantooda ku jira ay hub ahaan ugu adeegsadaan, bi-mujarad/kaliya in aanay kooxdooda taqliidiyiinta ah ka mid ahayn, kolkaa taasi na waxay kuu cadeynaysaa, in Alle-Ka-Cabsigoodu aad u liito, oo ay dul-ka-sheekhnimada iyo direys-wadaadleynta ku qariyaan naxliga iyo naceybka laabtooda jiifa.

Dhibaatooyinka Taqliidiyiinta Geeska Afrika ITTIXAAD ( Ictisaam + Alshabaab ):

Itixaadku waxay dagaal adag oo bi-ayi-dariiqa noociisu yahay ugu jiraan, taladii guud ee umadda sidii ay u qabsan lahaayeen, si ay fahamkooda ugu helaan awood ay ku socodsiiyaan, oo ku ilaaliyaan, iyaga oo adeegsada khiyaamo, sixir, lacag, af-miishaarnimo iyo colaado ay ka dhex huriyaan bulshada.

Waxay doonayaan inay geeska afrika u qabsadaan sidii urur-diineedka Xamaas uu u qabsaday deegaanka Qasa, waxay rabaan inay geeska afrika ka sameeyaan nidaam la mid ah nidaamkii ay Xamaas ka sameeyeen Qasa, iyo dawlad ay ku maamulaan fahamkooda hayska leh ee taqliidiga ah.

Taqliidiyiintu iyaga oo diidan dawladnimada casriga ah, oo raba in ay ku khasbaan dadka nidaam taqliidi ah, oo waafaqsan fahamkooda iyo fikirkooda, si ay taasi muslimiinta ka fahamka duwan ugu qanciyaan, waxay khudbadaha iyo wacdiga iyo muxaadirooyinka ugu sheegaan, inay talada iyagu xaq u leeyihiin, waxaanay yidhaahdaan “Walaalayaal… Illaahay wuxuu yidhi culimada iyo ehlu-dikriga wax weydiiya ( فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لا تَعْلَمُونَ ), iyaga talada weydiiya… walaalayaal cidda aynu talada u dhiibanaynaa waxa weeyi cidda Illaahay iyo Rasuulkiisa af-taqaan… Walaalayaal Illaahay wuxuu yidhi: ( {وَمَن لَّمۡ يَحكُم بِمَآ أَنزَلَ الله فَأُولَٰئِكَ هُمُ الكافرون} [المائدة: 44] ) “

Bal u fiirso wacdigaa sare isagana, horta taladu waa u dhex, dadka intii Alle is-baday, ee isku deegaan ah, kolkaa qof kasta oo ka soo bixi karaya talada umada ka dhexeysaa, xaq ayuu u leeyahay inuu talada markiisa qabto, ama wadaad ha noqdo ama aqoonyahannada maadiga amaba ha noqdo qof aan lahayn aqoonta nidaamiga se caqli weyn iyo garasho badan Alle siiyay ba’e, qof kasta oo ka mid ah dadkaa dantu ka dhexaysaa talada wuu geyaa, se wacdiga aan ku xusay baarigaraafka sare, waxa ku jira laba khiyaamo oo aad u waaweyn:

  • Khiyaamada 1aad: (Wadaad ma tihid, markaa talada umadda xaq uma lihid) – Wadaadada taqliidiyiinta ahi waxay wacdigaasi ama xeeladaasi ku duudsiyaan, xaqii ay u lahaayeen dadka aan wadaadada taqliidiyiinta ah ka mid ahayni, in ay markooda taliyaan, oo talada umada ka dhexeysa qabtaan hadii ay ka soo bixi karayaan.
  • Khiyaamada 2aad: (Wadaadadu caqligooda uguma talinayaan umada’e, sidii Illaahay iyo Rasuulkiisu yidhaahdeen ayay umada ugu taliyaan) – Eeg! waxaynu wada ognahay talada umadda ama dawladda qofka madaxweynaha ka ahi, kama talinayo Illaahay sw cibaadadiisa iyo dhamaan ba arrimaha macruufka ahee diinta ku xusan, Alle ayaa intaasi inaga xil-qaaday oo raacid uun baa inagala gudboon, laakiin madaxweynaha umadda waxa huran oo uu maareeyaa, oo uu la tacaalaa waa qadiyaddaha taaganta ah, ee maanta soo cusboonaada, nidaam-dawladeedyada casriga ahina arrimaha diinta maba fara-geliyaan, markaa khiyaamada hadalkaa/wacdigaa sare ku jirtaa waxa weeyi, iyado aynu wada ognahay in Nebi Muxamed scw uu dhintay 1400 sanadood ka hor, Illaahay na weynaa oo wanaagsanaaye uu Qur’aanka inoogu sheegay, in aanu Nebi ka dambayn doonin Nebi Muxamad scw, kolkaa wadaadku marka uu xallinayo ama maareynayo qaddiyad maanta taagan, hadii aanu caqligiisa u adeegsanin, ma Nebigii scw ayaa inta uu xabaasha ka soo baxay kadibna u sheegay xalka iyo sida loo maareynayo qaddiyadda maanta taagan, mise Illaahay sw ayaa Qur’aan cusub ku soo dejinaya qadiyadaasi xalkeeda, jawaabtu waa Maya! labadaasi midoodna dhici mayso, kolkaa wadaadada taqliidiyiintu iyaga oo caqligooda arrimaha ku xukuma, ayay hadana afka ka sheegaan inay wax u xukumaan sidii Illaahay sw iyo Rasuulkiisu yidhaahdeen, khiyaamadaasi ka sokow na taqliidiyiintu gooraha fahamkooda taqliidiga ah uu qaawismaa waxa weeyi, kolka ay dhex dabaashaan qadiyadaha maanta taaganta ah ee aanay ka heli karin casrigii Nebiga scw wax u eeg oo dhacay.

Nin gardaro badnaa, oo mar kasta dagaalami jiray, ayaa laga wareystay dagaalkiisa, kadibna wuxuu ninkii hadal ku soo koobay: “Waar niman yahaw; gacanta na cidi iiga ma horeyso, dhulka na cidi iiga ma horeyso…

Taqliidiyiintu gacantana iyagaa badanka ku horeeya, gardarada na Alle ayaa inoo sheegay oo [ {لَا يَنَالُ عَهْدِي الظَّالِمِينَ} [البقرة: 124]؛ ] guuli ka dheer daalim iyo qof gardaran…

DHACDO:

Wuxuu arkay niman dhalinyar ah oo meel ku ciyaaraya dubnad, goortuna waa casar liiqii, kadibna inta uu isa soo dul-taagay ayuu ku yidhi:

Waaryaadhaheen… deetana! oo waaba la iska fadh-fadhiyaa, oo la iska qosqoslayaa, oo la iska ciyaarayaa… yaah !

Mid dhalinyartii ka mid ah ayaa ugu jawaabay:Sheekh markaa in aanu maxay sameyno ayaad doonaysay?

Mid kale ayaa is-yidhi malaha saaxiibkaa si adag ayuu Sheekha ula hadlaye, adigu hadalka bal u qabooji, waxaanu ku yidhi: “… Dee Sheekh dhamaantayo salaadii casarna waanu soo tukanay, weliba anigu safxad qur’aan ahna waa ban soo akhristaye, hadaanu dubnadan iska yar ciyaarno inta ay salaadii makhrib ka gaadheyso, ma wax dhibaato ah ayaa ku jira?

Sheekhii kuye: Mee jihaadkii… ma idinkoo sidan u wada feedho-weyn ayaydin iska ciyaari, oo aydin halkan iska fadh-fadhiyi, waar ordoo Islaamka u hiiliya.

Dhalinyartii ayuu mid ku yidhi: Sheekh markaa yaanu ku jihaadnaa?

Mid kale ayaa yidhi: Bal horta Sheekh wax na fahamsiiyoo, Jihaadku ma camal sida salaada oo kale ah baa, oo ay tahay in mar kasta la oogo, oo qofka muslimka ahi u taagnaado, gaal ba hadii aad aragto waa lala dagaalamaysaa? mise waa duruuf ay sababi keentay, oo xiliyada qaarkood uun soo baxda?

Sheekhii: Waryaa Nebigu scw noloshiisii oo idil jihaad ayuu ku jiray, 63-jir ayuu ku dhintay, inyar mooyee noloshiisii oo dhan dagaal ayuu ku jiray, oo seefta ayuu sitay…

Dhacdadaasi oo ku dambeysay in dhalinyartii iyo sheekhii ay markii dambe is-af-dhaafeen, oo hadaladii ay ka xumaadeen, waxaan u soo qaatay waxa weeyi, taqliidiyiintu waxay Jihaadka ka dhigaan mid joogto ah, maadaama oo Nebi Muxamad scw uu noloshiisii in badan uu ku jiray Jihaad.

Ogow’oo ! marka ay noloshii Nebi Muxamed scw sidaa u taqliidinayaan ama matalayaan, waxa weeyi iyagaa bilaaba dagaalada ka socda dhulalka muslimiinta ah, maxaa yeelay; si ay u taqliidiyaan noloshii Nebi Muxamed scw ee jihaadka, waa inay helaan dagaal ay gaalada la galaan, xataa hadii aanay jirin ba gaalo uu khilaaf dhex yaalo muslimiinta, meesha ugu dhaw ee ay joogaan gaalo, ayay daandaansi iyo dagaal gardaro ah ula tagaan, kol ay dalxiisayaal ama dad meelahaa iska maraya soo af-duubtaan ba, kadibna sidaasi ayuu dagaal balaadhani ku curtaa.

Hadhawna marka uu Alle guusha siiyo gaaladaa sida gardarada ah loo weeraray, ee uu Illaahay sw badbaadiyo diintiisa la suurad-xumeynayo, ayay taqliidiyiintu iyaga oo iska oohinaya ay meel kasta ka yidhaahdaan “ka-kacaay… waar ka-kacaay… muslimiintii ayaa la xasuuqay, oo ay gaaladu dhibaato ku haysaaye…

Marka ay dagaalkaa gardarada ah ku jabaanna, ma-kastii iyo wax-ma-garatadii ay ku idleeyeen waxay ku wacdiyaan, oo niyada ugu qaboojiyaan “Walaalayaal… sabirku waa sadex, cibaadada iyo acmaasha saalixaatka ah oo lagu sabro, dembiyada iyo xumaanta oo laga sabro, iyo qaddarta iyo masiibooyinka oo lagu sabro… walaalayaal… aynu qaddarta ku sabirno, Nebi Muxamad scw dagaalkii Beder na wuu guuleystay, Uxud na waa laga guuleystay… walaalayaal… Nebigu scw wuxuu yidhi: إِنَّمَا الصَّبْرُ عِنْدَ الصَّدْمَةِ الأُولَى sabirka waxa ugu fiican, oo ugu ajar badan, midka markaa ba la qaato, ee aan hadalo laga daba tuur-tuurin! maxay… iyo maxaa… iyo… midka aan calaacalka lahayn… walaalayaal aynu qaddarta ku sabirno…

Waxa se taa kaba sii daran, waana sida maanta jirta ba’e, taqliidiyiintu marka ay awoodi kari waayaan inay daandaansi iyo dagaal ula tagaan gaalada u dhaw, waxay jihaadkii ka dhex sameystaan isla muslimiintii ay wada noolaayeen, oo muslimiinta qaarkood ayay madaxyadooda ula niyaystaan madaxii abu-jahal iyo cikrima iyo abulahab, gaar ahaan dadka aan iyagu ka mid ahayn taqliidiyiinta, ayay ku shaabadeeyaan Murtadiin iyo Gaalo-Raacyo, kadibna sidaasi ayay colaad iyo dagaal dulmi ku dhisan ku geliyaan ma-kastii iyo wax-ma-garatadii ugu xeraysnayd caqligooda, oo ay dagaal-sokeeye uga dhex bilaabaan bulshada.

Taqliidiyiintu dhibaatada ugu weyn ee ay ku hayaan Diinta Islaamka iyo Muslimiinta ka fahamka duwani waxa weeyi, bal hadii ay xukunkooda iyo taladoodan ku dhisan taqliidinta iyo fahamkaa hayska leh, ay ku koobayaan uun intoodaa isku-fahamka ah iyo dadka intii ku raacsan sidaasiye, waxay se doonayaan inay ku khasbaan muslimiintii kale, inay iyagu dawlad u noqdaan oo u taliyaan, kadibna sidii aynu hore u soo xusnay; su’aashii imtixaanka xisaabta ee ay kaga jawaabeen tusaalihii casharka, bal ka waran marka uu taqliidigii ku khasbayo muslimkii kale, inuu isna yeelo sidaa taqliidiyiinta, oo uu jawaabta imtixaanka ka dhigo tusaalihii casharka, oo aan sax ku ahayne khalad ah, miyaanay taasi mid subxaan Alle ahayn iyo wax Illaahay laga magan galo.

  • Marka aad taqliidiga ka diido taladaa caqligiisa ka timid, wuxuu kugu xukumayaa murtad, oo taladii caqligiisa ee aad diiday ayuu ka dhigayaa in aad Illaahay iyo Rasuulkiisii diiday,

error: Fadlan Lama Ogola !!