Ma ogtahay inuu muslim yahay, oo uu aayihii Islaamnimo hayo, qofka si niyad ah u aaminsan Illaahay sw illaahnimadiisa, oo aan wax shaki ahi kaga jirin aaminaadaasi, isla markaana Nebi Muxamad uu u rumeysan yahay Rasuul uu Illaahay sw u soo diray dadka, intaasi uun hadii qofku si dhab ah u rumeysan yahay, oo aanu wax kale ku darin, sida (tukasho ama soon amaba cibaadooyinkii kale) yacni qofkaasi asalkii ama Jiriddii Islaamnimada wuu haystaa, waxa ka dhiman uun faracii Islaamnimada, ama wixii ka sii farcamayay labadaa uu aaminsan yahay.
ูู ุตุญูุญ ู ุณูู ูุบูุฑูุ ูุงู ุงููุจู ๏ทบ ูุฃุจู ูุฑูุฑุฉ: ยซู ู ูููุช ู ู ูุฑุงุก ูุฐุง ุงูุญุงุฆุท ูุดูุฏ ุฃู ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงููู ู ุณุชูููุงู ุจูุง ููุจู ูุจุดุฑู ุจุงูุฌูุฉ

Kolkaa qofka Illaahay sw iyo Rasuulkiisii ba aaminsan, ee waxa ka maqani yihiin uun waajibaadkii iyo awaamirtii ka sii farcamaysay aaminaadaasi, sababta maqnaanshuhu ha noqoto waxay doonto (Wahsi, dhayalsi, aqoon-daro, culeys, diidmo, iwm) qofkaasi waa muslim dhab ah, markaa ma lagu xukumi karaa dil ama murtadnimo, tusaale ahaan:
- Qofka salaadda diida ama aan tukanin (taariku salaad),
- Qofka soomka diida ama aan soomin,
- Iyo wixii acmaal ah ee la mid ah, ee faracyadda Islaamnimada ah ka wada taga, ama qaarkood ka taga,
Sida ka muuqata aayadahaa sare, Illaahay sw wuxu Nebiga scw u sheegay shaqada uu u xilsaaray (Job Description), oo ah:
- Waxaad tahay waaniye’eh, waani dadka,
- Ma tihid mid dadka lagu diray si uu ugu khasbo diinta,

Ma ogtahay; xadiiska loo daliishado dilka murtadka, ee ah inuu Nebigu scw yidhi: “qofka diintiisa bedela dila…“, in xadiiskaasi uu yahay mid ku dhex jira Khabar oo aan dhameystirnayn.

Yacni hadalkaa Nebiga scw wuxu ku dhex jiraa, khabar ka waramayay mar uu Cali Binu Abii Daalib dad laayay, oo uu gubay, kadibna Ibnu Cabaas ayaa isaga oo ka waramaya dhacdadaasi yidhi: “Anigu hadii aan isaga [Cali] ahaan lahaa maan gubeen dadkaasi, laakiin waan dili lahaa uun, anigoo u cuskanaya dilkooda hadalkii Nebigu scw yidhi ee ahaa dila qofka diintiisa bedela…“
Eeg; marka hore xadiiska Nebigu scw la mid maaha Qur’aanka, maxaa yeelay Qur’aanku waa hadal si toos ah uga yimid Illaahay sw, laakiin Xadiisku waxa weeyi dhacdooyinkii maalinlaha ahaa ee uu Nebigu scw la noolaa, iyo sidii uu dhacdooyinkaasi uga falceliyay Nebigu scw, oo ay asxaabtii goobjooga ahayd inooga warameen ama inoo soo gudbiyeen, kolkaa marka dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii waagaasi iyo sidii uu Nebiga scw uga falceliyay aynu rabno inaynu dabaqno ama xukun ka soo saarno, waa in dhacdadaasi iyo falcelintii Nebigu scw ay si dhameystiran u hayno, markaasi uun buu xukun xaqqi ka soo bixi karaa, hadii kale wixii ka soo baxaa waa uun xukun kala dhiman, oo gef iyo dulmi horseeda.


Kolkaa meesha aanu xadiiskaasi ka dhameystirnayni waxa weeyi, ma jiro xadiis si gaar ah uga waramaya maalinkii uu Nebigu scw yidhi “dila qofka diintiisa bedela…“, kolkaa mar hadii aan la haynin munaasibadii uu hadalkaasi Nebigu scw ka yidhi, iyo wixii ku kalifay hadalkaasi dhihitaankiisa, xadiiskaasi ma dhameystirna, su’aalaha ku gedaaman ee aan jawaab loo haynin waxa ka mid ah:
- Markii uu Nebigu scw hadalkaa yidhi, ma dad gaaloobay ayaa loo sheegay…
- Hadii Nebigu uu arkay ama maqlay muslimiin gaaloobay, oo taasi ka keentay hadalkaasi, Nebigu scw ma dilay dadkaasi gaaloobay…
Ma Ogtahay; in Nebiga scw oo nool, uu gaaloobay ama kiristaan noqday asxaabigii Cubeydulaahi Ibnu Jaxash, oo ka mid ahaa asxaabtii u hijrootay Itoobiya ama ardul-xabash, isla markaana aanu Nebigu scw dil iyo deelqaaf kale toona u geysan.
Ma Ogtahay; in xadiiskan sheegaya “qofka diintiisa bedela dila…” uu ka soo horjeedo ama lid ku yahay macnaha iyo nuxurka uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye aayadahan soo socda inoogu soo gudbinayo.


Ma Ogtahay; in ay Qur’aanka ku jirto Aayad aynu si waadix ah uga dhex ogaanayno, in aan la dilaynin qofka diinta ka baxa, bal u fiirso aayadan soo socota…
( ุฅูููู ุงูููุฐูููู ุขู ููููุง ุซูู ูู ููููุฑููุง ุซูู ูู ุขู ููููุง ุซูู ูู ููููุฑููุง ุซูู ูู ุงุฒูุฏูุงุฏููุง ููููุฑูุง ููู ู ูููููู ุงูููููู ููููุบูููุฑู ููููู ู ููููุง ููููููุฏูููููู ู ุณูุจููููุง )
Aayadan sare macnaheeda guud wuxuu noqonayaa “Dadka iyaga oo Islaam noqday diinta ka baxay, hadana ku soo noqday Islaamnimadii, hadana mar kale ka baxay, hadana ku soo noqday, hadana ka baxayโฆ Illaahay dembigooda ka dhaafi maayo, jidka toosanna ku hanuunin maayo” Illaahay ayaynu ka magan galnay kuwaasi…

Aayadani waxa ku cad, oo ay sheegaysaa, qof muslim ahaa oo diinta ka baxay, kadibna ku soo noqday Islaamnimadii.
Eeg; marka uu qofku ka baxo diinta, hadii la dilayo, aayada kamay muuqateen noolaansho, yacni inuu qofkaasi isaga oo gaal noqday uu hadana noolaa, kadibna mar kale uu ku soo noqday diinta.
SHEEKH IYO GAAL ISUGU KAY TAGAY, OO SU’AALO IGU ABUURAY !
Waagii facebook-gu aanu jirin, ee forum-yada ay bulshadu mawduucyada kala duwan ku falanqayn jireen, ayaa waxaan booqday bar forum ah.

Kadib aniga oo baadh-baadhaya mawduucyadii forum-kaasi ku jiray oo af-carabi ku qornaa, ayaa waxa i soo jiitay mawduuc ay dadka ka falceliyay aad u badnaayeen.
Kadib markii aan mawduucii sii furay, inkasta oo mawduucaasi inuu diini af-carabi ku qoran ahaa mooyee, aanan imika sii xasuusanin wixii uu mawduucaasi ku saabsanaa, waxa se i soo jiitay ee aan u furay wuxuu ahaa fara-badnida dadka ka falceliyay mawduucaasi.
Waxaan sii furay falcelinnadii dadka, waxaan ku arkay qof mawduuca ka soo jawaabay, oo ay u sii jawaabeen dad kun ku dhawaa ilaa 900 iyo woxogaa.
Kadib qofkii dadka badani u jawaabeen ayaan eegay wixii uu soo qoray, waxa qoraalkiisu ahaa mid kooban oo sadar/line iyo woxogaa ah, oo af-ingiriisi ku qoran, qasdiga qoraalkiisu na wuxuu ahaa “Diinta Islaamku ceeb ayay leedahay, qofkii ceebtaasi ogaadana way dilaan muslimiintuโฆ“
Aniga; waxa uu qoraalkaasi iila muuqday uun, qof aan diinta Islaamka aaminsanayn, oo waxa uu aaminsan yahay ee kale amaanaya, amaba naceyb Islaam hayo, oo waxaa ba aan la yaabanaa dadkaa tirada badan ee u jawaabay, oo qoraaladoodu ay 80% isku mid ahaayeen, iyo inay u qorayeen hadallo cadho ka muuqato oo u dhignaa “Beenaale, car sheeg ceebta ama scam-ka faahfaahiโฆ” iyo qaarkood oo isku dayayay inay u nasteexeeyaan, oo hadallo degen wax ugu sheegayay ba way lahaayeen.
Hadaba beri dambe, ayaa aniga oo fadhiya masaajid cashar diini ah lagu dhigayo, oo casharkaasina ahaa kutubta xadiiska nebiga scw, gaar ahaan markii uu wadaadku marayay xadiiska sheegaya in qofkii diinta ka baxa la dilayo, ee xukunka riddada ama murtadka.

Inkasta oo aan cidiba weydiinin sheekha sababta loo dilayo murtadka, hadana sheekhu wuxuu dareemay in su’aashaasi kolley ba ay soo bixi karto ama la is-weydiin karo, kadibna wuxuu sheekhii yidhi:
“Eenโฆ sababta loo dilayaana waxa weeyi, kolay dee murtadku waa qof cadheysan oo, inuu wax sheeg-sheego ayaa la diidan yahay, markaa fitnadiisa ayaa umadda laga aamusiinayaaโฆ“
Hadalkaasi oo uu sheekhu u yidhi hab kaftan ahayd, jamacii masaajidka badankoodu way qos-qosleen, qaarkoodna way yar muusoodeen, laakiin hadalkaa sheekha ee jamaca ka qosliyay, aniga wuxuu igu abuuray ba su’aalo kale, oo aanan ilaa maanta jawaab waafi ah oo ku haboon u haynin’e maskaxdayda Pending ku ah, si kasta oo aan u baadh-baadhayna waayay! Sheekhaasoow! waa inoo qiyaamaha…
Maxaan kutub baadhay, oo sheekh google baadhay, oo aan boqolaal saacadood ku lumiyay, in aan jawaab waafi ah u helo, su’aashii igaga dhalatay hadalkii sheekhu sida kaftanka ah u yidhi.
Intii ay jamacu ku qos-qoslayeen hadalkii sheekhu ku sababeeyay murtadka dilkiisa, aniga wuxuun baa la i hor keenay, qoraalkii uu forum-ka ku soo qoray ninkii gaalka ahaa, ee aan kor ku soo xusay.
Yacni ninkii gaalka ahaa, waa kii yidhi “Diinta Islaamku waxay leedahay ceeb, qofkii ogaada ceebtaasi, muslimiintu way dilayaanโฆ“
Sheekhuna waa kan dilka murtadka ku sababeeyay “Qofka diinta ka baxa waxa loo dilayaa, inuu wax sheeg-sheego ayaa la diidan yahayโฆ” bal adba!
Waxa uu shaydaankii xumaa i soo hor dhigay su’aashani: “Diinteenan wanaagsan ee Islaamka, ma waxa ku jira wax la qariyo, oo hadii la sheego dadku kaga firdhanayaan, ama keeni kara in uu qofku kaga baxo diinta, taasi oo kadibna qofkii ka baxay loo diidan yahay, inuu wixii dadka u sii sheeg-sheego? dee mooyiโฆ hadaa qofka yidhaahda kuma qanacsani diinta Islaamka maxaa loo dilayaa? dee huuno moojiโฆ“
Bal adba! baadh uun, oo hadana baadh, oo hadana baadh, weli xageyga jawaabtaasi tan iyo waagaa waa pendingโฆ
Inkasta oo su’aashaa igu abuurantay, ay aniga kheyr badan ii soo kordhisay, oo ay ii horseeday inaan diinta Islaamka aad u dhex galo, maxaa yeelay; markii ay su’aashani igu dhalatay, masaajidkii casharka lagu dhigayay ee aan fadhiyay, cilmi-dhagood ahaan uun baan la dhex fadhiyay, oo waan iska dhageysanayay uun, kolkaa su’aashaa si aan ugu helo jawaab, waxa khasab igu noqday in aan diinta Islaamka horta barto, kadibna taasi waxay ii horseeday, qaybaha diinta barashadeeda khuseeya, in aan badi kitaab ama laba kitaab ka marsado (Qur’aanka iyo Tafsiirkiisa, Xadiiska iyo Usuushiisa, Fiqhiga iyo Usuushiisa, Caqiidada iyo Tawxiidka, Luuqadda Carabidda iyo Naxwaheeda).
Su’aashii se weli si waafi ah jawaab uguma helin, kolkaa intaa aan diinta ka bartay, waan ka waayay inuu jiro waxaa la qarinayo ee murtadku inuu sii sheego la diidan yahay, markaa ma jiro waxaasi ayaan qabaa mise mooyi…
Dee! waayahaye… hadaa maxaa qofkii ka baxay diinta loo dilayaa? waxan se uu sheekhu yidhi wuu sheeg-sheegayaa waa maxay? Mooji! shaydaanoow su’aashaa aniga mar dambe ha i weydiinin, pending-ka waan ka saarayaa, aabahaa la kudye.
SU’AASHII OO AAN U BANDHIGAY SHEEKH TABLIIQI AH:
Waxay su’aashii pending igu ahaataba, mar ay muddo ka danbeysay, ayaa nafar tabliiqi ah, oo aan masaajid qaybtiisa weysada aanu ku kulanay, oo aad bulshaawi u ahaa, faraxaanna ah, oo aanu markiiba sheekooyin isugu jiibinay, nin weynna ahaa, oo aan ku tuhmay inuu waayo-arag yahay wax badan u soo joogay, ayaan weydiiyay su’aashii pending-ka igu ahayd, oo weliba aan yar macaaneeyay, ileyn iyada oo bilaa iidaan ah, oo sidaa u qalalani, kamay degteen, oo wuu ku margan lahaaye.
Waxaan ku idhi: “Niyaw kolay diinta aad baad ugu dhex jirtaa, wax badanna waad u soo joogtayoo waan ku arkaa, waxaan ku weydiiyay; diinteenan Islaamka ee wanaagsan, ee aynu mahadinay, inna ma ku ogtahay wax u baahan in la yar qariyo, gaar ahaan dadka ku cusub diinta oo kale si aanay uga firdhan, amaba iska daayo wax aad dhibsato ma ku aragtay ama wax kugu adkaaday? ama soo koobo ba’e inna ma ku ogtahay wax aad is-tidhi qaybtaasi malaha diinta inay ku jirto kumay fiicnayn, oo dadka qaarkood way eryi kartaa? bal waanigaa hadalkiina kugu badiyaye horta ma fahamtay su’aashayda?“
Isaga oo qoslaya, ayuu yidhi: “Allaahu akbarโฆ mayโฆ mayee kuma ogi… kuma na maqal!“
Cajiib! weli i muu fahmin, waxaan se ku tashaday, inaan hore ugu yar durko qasdigeyga, kolkaa waxaan ku idhi: “Maashaa Allaahโฆ sheekh nuurkii diintu wuu kaa muuqdaaye, sheekh bal waxaad ka warantaa, hadii uu qof muslim ahi ku yidhaa diinta waan ka shakiyay, maxaad is-leedahay qofkaasi wuu ka shakiyi karaa?“
Tabliiqigii isaga oo qosolkii muusoodka ahaa ku ladhay woxogaa baalla-deymood ah, ayuu igu yidhi: “sheekh ma adigaa kaasi shakiyayโฆ kkkk?“
Anna ku idhi: “mayeโฆ waa qof kalee… waa iska su’aaluune… jawaabtaada ayaan rabaa…“
Wuxuu i weydiiyay: “markaa ma kuu sheegay waxaa uu ka shakiyay, ileyn markaasi uun baynu u sixi karnaayeโฆ“
Kadib waxaan ku idhi: “Adigu sheekh si guud, hadii aad waayo-aragnimadaada la kaashato, maxaad is-leedahay qof muslim ahoo tukanaya, oo cibaadeysanaya, diinta wuu kaga shakiyi karaa?“
Tabliiqigii inta uu yar fikiray, oo laakiin uu markan si fiican u fahmay qasdigayga, ayaa wuxu yidhi: “Wallaahiโฆ sheekhโฆ horta kolay wixii cilmul-qayb ah ee inaga maqan, sida Janada iyo Naaraha iyo Qiyaamaha iyo dee Illaahayba subxaanahuu watacaalaaye, dee waynu rumaysan nahay oo hadana maynaan arag, kolkaa meelahaa waa suuragal qofkii aanu iimaankiisu qawi ahayn, in shaydaanku uga faa’iideysto, laakiin mid baa jirta aan u malaynayo inay shakiga diinta keeni karto inta badan, Ducada! waa ducada ooโฆ eegโฆ sheekh qofkii wuxuun buu Illaahay wax weydiisanayaa marka ay hawli ku soo korodho, kadibna isla markiiba hawshii inay u hagaagto oo ducadii uu arko ayuu qofkii doonayaa, kolkaa waxa suuragal ah in ducadii Illaahay meel kaleba u galiyay, waxa suuragal ah in ducadii uu helayba, laakiin isagu halkii ay qodaxdu kaga mudnayd ayuu rabaa isla markaaba qodaxdii oo ka soo dhacaysa inuu arko, waxa suuragal ah in waxan uu ka ducaystay Imtixaanba ku yahay, oo Illaahay doonayo inuu qofku ducada joogteeyo, oo aanu xuska rabbi illaawinโฆ yaah! kolkaa anigu ducadaasi ayaan inta badan dadka muslimiinta ah ka maqlaa, iyaga oo leh nalagama aqbalin ducadii ama way naga raagtayโฆ yaah sheekhโฆ”
Kadib tabliiqigii wuxuu akhriyay aayadani:

Way dhici kartaa, in qof muslim ahoo yar hawlaysan, oo arrin ku soo kordhay uu culeys aad ah ku hayo, marka uu culeyskii ka duceysto, ee uu ducadiisii natiijo ka waayo, uu shaydaanku si qaldan wax u fahamsiin karo, sidii ninkii duceysanayay ee ka inkaarta qabaa helay oo kale.
Qodobkaa; Illaahay kheyr ha siiyo’e tabliiqigii waan ka guntay, laakiin Illaahay ayaynu ka magan galnaye, hadii ba uu qof muslim ahi uu ku ridoobo, inuu ducadiisii oo natiijadu ka rabay ka arki waayay, ma waxa loo dilayaa markaa si aanu meelahaa uga sheeg-sheegin, waar ducadii ba Illaahay wuu iga aqbali waayay? hadiiba uu intaa dadka ku yidh-yidhaa, oo uu meelahaa ka sheeg-sheego, maxaa dhibaato ah ee diinta ka soo gaadhi kara sheeg-sheega hadalkaasi?
