Takhsiinta ii sii hay !

Naf yaakhii ah, oo Jabuuti ka yimid, ayaa habeen balaayo ku dhigay askari ka mid ah askarta ilaalisa huteelka Maansoor, wax kale iyo kuma garatide askarigaasi indhahaa casaaday cadho darteed.

Dhacdadaasi waxay u dhacday sidani:
Ninkan yaakhiida ahi, wuxuu u yimid xaflad ka dhacaysay Huteelka Maansoor.

Gaadhigii uu la socday markii uu albaabka huteelka soo gaadhay, isaga oo takhsiinsan, oo canka qaad uga buuxo, ayuu ka soo degay gaadhigii.

Naftii yaakhiida ahayd isaga oo degdeg ka muuqdo, ayaa wuxuu u dhaqaaqay xagii uu fadhiyay askarigii birta albaabka ka qaaday, oo kursi meel halkeer ah fadhiya, intii uu ku sii socday askariga, wuxuu bac-miiko ku riday takhsiintii canka ugu jirtay, qiyaastii wuxuu doonayay malaha inuu hadhaw marka xafladdu dhamaato uu takhsiinta ku ceshado.

Kadibna bac-miikadii inta uu afka ka guntay, oo bac kale oo nadiif ahna ku sii riday, oo ka sii sareysiiyay, ayuu u tagay askarigii.

Kuye hoo ii sii hay alaabtani, imikaba waan soo noqonayaaye!

In kasta oo bacda siddayaasha leh, ee uu doonayo inuu askariga u dhiibo, aan laga arkeynin wax gudaha ugu sii jira, hadana ileyn askariga oo arkaya ayuu bacda package-gareeyay, oo moorinayaye, waa kaa askarigii cadho is-maray, ee ku yidhi “Waar nagala tag doqoniimada…

Yaakhiidii waabu soo indho-cad yahay, kuye “Yaakh walaahi kuma raagayo, meesha madaxa uun baan soo yar galinayaa, oo waan isa soo tusayaa uun inaan joogo, oo imid xafladda, markaaba waan ka soo baxayaa… kuma raagayo yaakh walaahi…

Askarigii waa taa naftii shalay maahee doraad ka baxday, ee cadho indhihii casaadeen, markii uu arkay in aanay ninkan yaakhiida ah kaba qasnayn, oo uu weli isla sii quman yahay.

Dhacdadaasi sii wadid ma laha’e, waxa noogu war dambeysay, askarigii oo qoriga soo rogtay, oo dadkii meesha ka ag-dhawaa ay qaban kari la’a yihiin, askarigaas waxa hadalkii kaga gudhay “Walaahi hadaan toogan waayo… waar siduu aniga calyadiisa iigu dhiibaa… walaahi in aanan deynayn, waar ma ninka gefkaa iyo doqoniimadaa iila yimid ayaan daayaa…

Naftii yaakhiida ahayd, waxa laga dhaadhicin kari waayay “Waar maxaad ku keentay hoo calyadayda ii hay, waar ninka raali geli, waad ku khaldantaye…

Ninkii yaakhiida ahaa wuxuu taagnaaba “Yaakh! waxa gudaha ku jira iska daaya’oo, yacni moorka/package-ka gudaha hoose ku sii jira ha eegina’e, laakiin bacdan sare ee dhalaalaysa, ee sidayaasha la qabanayo na leh, dusheeda maxaa ka muuqda ama kaga ba’aya, hadii uu sidan uun u qabto, ma waxbaa ka soo maraya, yaakh sawtan bacda sare nadiifta ah maaha…

Nafarkaa reer Jabuutiga ah si’i ay habeenkaa ka noqotay la garan waa, ma wax buu cabsanaa, mise habqan ka dhashay degdeg iyo xafladu yay ku dhaafin ayaa sidan ku kaliftay? mooji…
Malaha sidii uu u qayilayay, ayuun baa lala soo hadlay, oo la yidhi “way bilaabantaye dhakhso u soo gaadh xafladda…

error: Fadlan Lama Ogola !!