Saaxiibkii ayuu gaaleysiiyay

NIN DHALINYAR OO GAALEYSIIYAY KII AY WADA CIYAARAYEEN

Waxaan habeen habeenada ka mid ah u daawasho tagay, garoomadan kubadda cagta lagu ciyaaro mid ka mid ah.

Waxa kolka wada ciyaarayay laba kooxood, oo dhallinyar 18-jir ilaa 25-jir aan ku qiyaasi karo da’dooda inay badankooda u dhaxeysay.

Laakiin markii aan garoonka galay, buuq iyo sawaxan ayaa ka baxayay, oo nin dhalinyar ah ayaa la sasabayay, waxay iila muuqatay in khalad dhacay, oo siidhi-waluhu(Garsoore) uu markaas uun xaliyay khaladkaasi, kolkaa weli hadalo khaladkii dhacay khuseeya, ayaa ciyaartoyga qaarkood laga sii dareemayay.

Markii ciyaarta dib loogu noqday, ee woxogaa kubadii ay isu dhiib-dhiibeen, ayaa ninkii dhalinyarta ahaa ee markii aan soo galay la sasabayay, wuxuu bilaabay ciyaar-xumo, iyo inuu khaladaad badan kolba sameeyo, oo uu siidhi-waduhu na kolba khaladkii ku qabto.

Laakiin arrinta yaabka igu noqotay ayaa waxay ahayd, inankan ciyaarta xumi, ciddan uu kolba ku khaldamayaa waa hal inan oo qudha, oo kooxda ka soo horjeeda ah, mar wuu laagaa, mar feedh ayuu ku dhuftaa, mar waa bu sabaaxadeeyaa, mar kasta inankaasi ayuun buu ku gefayaa.

Kadib markii aan u sii fiirsaday kan dagaalamaya iyo hadalladiisa, mar ay saaxiibadii ku lahaayeen: “Aar niyaw kubadaada uun iska ciyaar, waxan aad sheegayso iska daayoo…

Waxaan maqlay inankii dagaalamayay oo ugu hal-celinaya: “Aar waa gaal… waa gaal… walaahi inaanan deynayn maanta… anigu isaga uun baan eeganayaaba…

Shabaga xayndaabka ah ee garoonka ku wareegsan, ayaa aan kala hadlay ku yar oo ciyaartoyga ka mid ahaa, oo mar ii soo dhawaaday, waxaan weydiiyay “Muxuu inanku ula dagaalamayaa inankaa kale?

Kadibna wuxuu iigu jawaabay “Ma garanayno’e… diinta ayuu caayay iyo wax ayuu leeyahay…

Markii aan woxogaa daawanayay, ee aan hadallo kale na ka maq-maqlay, waxaa ii soo baxday, in inanka dagaalamaya iyo kan uu la dagaalamayaa, ay ehel iyo qaraabo dhaw isu yihiin, kolkaa kan dagaalamayaa uu iska bari yeelayo inankan kale ee ehelka ay yihiin, oo malaha mar inta uu yar xanaaqay, kadibna saliida iyo biyaha isku daray, kolkaa kan dagaalamayaa wuxuu doonayay inuu u cadeeyo saaxiibadii, ciyaartoyga kale iyo daawadayaasha ba, in uu bari ka yahay wixii uu yidhi kan kale, markii uu saliida iyo biyaha isku daray, yacni woxogaa is-tusnimo ah, oo weliba talaxtag ahayd ayaa arrinkiisu ahaa.

Waxa se aad ii soo jiitay, nin daawedayaasha ka mid ahaa, oo markii uu ka yaabay ciyaar-xumadiisa ugu galay garoonka mar, waxa kamid ahaa hadalladii uu ku waaninayay inankii dagaalamayay “Waar heedhe! adigu ma joogtid da’dii aad qofka gaal ku xukumi lahayd, walaalkaa wixii ka dhacay, inaad uga nasteexayso weeyi, inaad ku laydhiso, oo durbaan daba qaadato maaha, midda kale wixii uu doono ha sameeyo, mar hadii aanu adiga dhibaato naftaada u geysanin, xaq uguma lihid inaad dagaasho, hadii markhaati lagu weydiiyo uun baad wixii aad arkeysay sheegaysaa, kolkaa inamada ciyaarta ha ka xumeyne, ama uga soo bax oo gurigiinii qabo, ama caadi u ciyaar dee! waa maxay waxan aad sameynaysaa…

Fiiro Gaara:

Xaqiiqdu waa intaa uu ninkaa waxgaradka ahi ku waaniyay inankii istuska ahaa, maxaa yeelay; hadii ay noqoto in bulshadu gefaf-diineedyada ay isku xukumaan, oo uu midiba mid gefkiisa farta ku fiiqo, waxay taasi keenaysaa fawdo iyo colaad-sokeeye, iyo inay lunto walaalnimadii iyo wadajirkii bulshadu.

Walaalnimada iyo wada-jirkuna diinta Islaamka meel adag ayay kaga jiraan, waxaad ku garan, oo daliil kuugu filan, in Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu nebi Muxamad csw ugu mano-sheegtay arrinkaasi, oo Illaahay ku yidhi Nebiga “Waxaan kuu mideeyay quluubtii dadkaaga, oo aanad adigu mideyn karteen, xataa hadii aad ku bixin lahayd xoolo adduun dhamaantood…

الآية الكريمة “لَوْ أَنفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَّا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ” [الأنفال: 63]

Bal hadaba qiyaas dhibaatada uu geysto qofkii kala dila bulshada, dadka ehelka ahna ka dhex abuura colaad-sokeeye, wuxuu qofkaasi ka luminayaa bulshada, wax aan la soo celin karayn, oo xataa Nebi Muxamad csw Alle u sheegay in aanu sameyn kareen, innaga oo xaalkeena aad ogtahayna maxaad u malayn, ma karaynaa?

Markaa inkaar-qabaha bulshada ka galaafanaya wada-jirka, bal xukunkiisa hadii laguu dhiibo akhristoow, maxaad ku xukumi lahayd?

FALANQEYNTA DHACDADAN INANKA ISTUSKA AH

Dhacdadaasi habeenkii aan la kulmay, waxay iyaduna igu abuurtay su’aalo kale, oo igu kalifay in aan baadhisteydii sii libin-laabo.

Horta inankaa dhalinyarta ahi khalad ma leh, waxa se khaladka leh kuwii sidaa wax u soo baray, maxaa yeelay; waa wiil noloshu bilaw u tahay, qalbigiisuna xaashi cad yahay, kolkaa ficiladan uu sameeyay ama kula kacay walaalkii, waxay inoo yihiin shaashad aynu ka daawanayno, waxa lagu barto madarasadaha wadankeena qaarkood, iyo nooca ay yihiin macalimiinta waxaa iyo wax ka daran ku feegartay qalbigiisii xaashida cad ahaa, kolkaa wixii lagu shubay uun baa ka soo burqaday.

Tani waxay ka mid tahay amaba ugu weyn tahay, waxyaabaha aan anigu shakhsiyan ku dhaliilo kooxaha budhcad-diimeedyada ah iyo madaaristooda, dhaliil qudhana maahee waa gef weyn oo ay kooxahaasi bulshada ay dhex joogaan u geystaan, oo sida looga soo kabtaa ay adag tahay.

Kooxaha budhcad-diimeedyada ahi, waxay ku dhaqmaan ama adeegsadaan inta badan, nidaam aad ugu xun wada-jirka bulshada, xubnaha kooxda budhcad-diineedka ahi ka kooban yihiin, waa ashkhaas kala duwan oo bulshada ka mid ah, oo ka mideysan fikirka iyo fahamka waxa ay rabaan.

Sida caadiga ah; xubnahaasi mid kasta wuxuu ka yimid ama leeyahay qoys, qoyskii xubinta budhcad-diimeedka ahi na wuxuu ka kooban yahay dad kala duwan, oo caruur iyo waayeel iyo dumarba leh.

Dhibaatadoodu waxa weeyi dhamaan dadkaasi waxay ciidan u yihiin kooxdaa budhcad-diineedka ah.

Caruurahoodu waxay colaadinayaan, oo ay la xafiiltamayaan caruuraha aan kooxdooda ahayn, dumarka kooxdu waxay colaadinayaan oo la xafiiltamayaan dumarka aan kooxdooda ahayn, ragga iyo waayeelka kooxdu iyaguna waa sidaasi oo kale, oo bulshadii aan kooxdooda ahayn ayay shaadhka la xidhan yihiin.

Kolkaa ma kala laha siyaasiyiin iyo raciyad, yar iyo weyn ama rag iyo dumar waa wada siyaasiyiin iyo ciidan kooxdooda ah, taasina waxay gebi ahaanba meesha ka saaraysaa, oo ay dhaawac weyn u geysanaysaa wada-jirkii iyo walaalnimadii, u dhexeysay bulshada ay kooxdaa budhcad-diineedka ahi dhex joogaan.

Sida saxda ahi waxay ahayd, inay yeeshaan siyaasiyiin ama hogaan ama hormuud, iyagu fikirka iyo fahamka kooxdooda kula xafiiltama siyaasiyiinta ama hormuudka dadka ka fahamka duwan, laakiin bulshada raciyadda ah, ee aan iyagu siyaasiyiinta ahayn may ahayn in xanafta siyaasadoodu gaadho, taasi waxay keeni lahayd in ay mar kasta jirto bulsho mideysan oo aan godob shakhsi ah u qabin cidna, oo u diyaarsan in la maamulo, oo kolba ciddii fikirkooda siyaasadeed ama fahamkooda dawladnimo ku guuleystaa, ay bulshadaasi u hogaamin karto, una wadi karaan.

Eeg; nidaamka dawladnimo wanaagiisu maaha mid meel loogu hagaago leh, maadaama oo uu yahay mid dunyawi ah, oo masaaliixda adduunyo sidii lagu wanaajin karo uun khuseeya, Nebiguna scw wuxuu inoo sheegay “Arrimihiina adduunyo idinkaa yaqaan sidaad ku hagaajinaysaan…

Kolkaa xaqiiqdu waxa weeyi, arrimaha dawladnimo waa dunyawi, waana kuwo ku xidhan:

  • Xilliga ama Casriga lagu jiro nolosha taalla,
  • Wacyiga dadka nool iyo waxay rabaan ee u wanaagsan,
  • Deegaanka dawladu ka dhismayso iyo xaalkiisa nololeed,
  • Iwm…

Diinta Islaamku maaha mid gudashadeedu ay qofka uga baahan tahay, in uu dawlad Islaam helo ama deegaan Islaam joogo, 100% qaybaha diinta Islaamka waxa uu qofku gudan karaa, oo dabiqi karaa dawlad Islaam la’aanteed, ama ba qofku isaga oo aan joogin dhul Islaam, isla markaa su’aalaha aakhiro uu Illaahay weydiinayo qofka, kuma jirto su’aasha ah “Dawladii Islaamka ma dhistay ama ma ka qayb gashay dhismihii dawlada islaamka…

Laakiin sida aynu maanta aragno, kooxaha budhcad-diineedyada waxaad ka dhadhansanaysaa hadaladooda iyo ficiladooda, kuwo dadka u muujiya in aanay diinta Islaamku qofka kaba fulayn/gudayn dawlad Islaam la’aanteed, taasi oo ah xeelad ay ku harawsadeen inbadan oo bulshada ka mid ah, oo maanta ciidan muraaqaysan u ah.

Ciidankoodaasi kolka aad qiimeyso xagarka ku go’an, iyo ficiladooda ku dhisan is-maqiiqa wada turxaanta ah, waxaad garan in laga dhaadhiciyay, dawlad-Islaam la’aanteed qofku muslim ba ma ahaan karo, taasina waxay keentay oo ay ku kaliftay, inay aafeeyaan dad iyo deegaanba.

Kolkaa budhcad-diineedyadu dadkaa ay sida qaldan wax ugu sheegeen, meesha ay galaan iyo bulshada ay ku dhex beeraan ba way aayo beeshaa, oo kabtood-ma-iilanto, Illaahay ayaynu ka magan galnay inkaar-qabayaashaasi iyo sharkoodaba.

error: Fadlan Lama Ogola !!