𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚 𝐃𝐇𝐀𝐁𝐎𝐎𝐋𝐀𝐐

Waxa Qoray: Mohamed Yassin Abdirahman

Qoraalkani waa xog-kooban oo ku saabsan taariikhda magaca deegaanka Dhaboolaq iyo halka uu salka ku hayo. Xogtan oo jawaab u ah weydiin ka timid Ustaad Ahmed Ibrahim Awale iyo Mahdi Sheekh , waxa aan qadhiidhi doonaa in yar oo kamid ah taariikhda iyo xidhiidhka ka dhexeeya magaca goobta iyo noloshii miyiga ee xilligii hore.

Ugu horeyn, Magaca Dhaboolaq waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay biyaha uu deegaanku hodanka ku yahay iyo duruufihii farsamo ee lagu waraabin jiray xoolaha xilliyadii hore.

Sida caadada ahayd, ceel-gacmeedyadii hore ma lahayn darar (mandiil) waara oo xoolaha loogu shubo biyaha. Marka laga reebo Okholaha (weelka biyaha lagu soo saaro ee ay isku dhiibaan raga ceelka ku jira oo bir ka sameysnaa ama geed la qorey ahaa), sidoo kalena, dadku ma haysan qalab kale oo biyaha lagu shubo si ay xooluhu uga cabaan. Sidaas darteed, waxay samayn jireen dar-ku-meel-gaadh ah oo laga dhisay Dhoobo.

Maadaama darka xoolaha lagu waraabiyaa uu ka samaysnaa dhoobo, waxaa dhici jirtay laba arrimood:

  1. Qoobabka xoolaha ayaa dhoobadii darka ahayd burburin jiray, taas oo keeni jirtay inay dunto.
  2. Biyaha xoogga looga soo tuurayo ee okholaha ku jira ayaa dhoobadii duntay iyo biyihii isku walaaqi jiray, iyadoo markaa xoolunaha meeshaa qoyan jiidh jiidhi jireen inta ay cabayaan.

Walaaqankaas dhoobada iyo biyuhu wuxuu wasakhayn jiray ragga ceelka ku jira, kuwa xoolaha kala horaya iyo agagaarka ceelkaba. Sidaas darteed, magacu wuxuu ka dhashay isku-darka labada kalmadood ee:

𝐃𝐇𝐎𝐎𝐁𝐎 + 𝐖𝐀𝐋𝐀𝐀𝐐 = 𝐃𝐇𝐀𝐁𝐎𝐎𝐋𝐀𝐐

Waxa jira Hees Hawleedyo Odayaasha Reer Dhaboolaq ay ii sheegeen oo arintan adkeynaya, oo ay raga ceelka ku jira iyo kuwa darka joogaa ku heesi jireen, waxaana ka mid ah:

  • Kaymo Dhidar Galay
  • Oo dhurwaaguna
  • Dhal ku leeyahay
  • Dhaboolaqayow

Mar kale waxa ay odhan jireen:

  • Diimiskaan galay
  • Dad Galbeed iyo
  • Dugaag la imood
  • oo Dadkuna Yaab

[Hees Hawleed – Okholaha marka la shubayo taabanaysa, …. Diimiska waxa looga jeedaa Dhoobada.]

Dhoobada iyaga oo ka heesaya mar kale waxa ay odhan jireen:

  • Walee Dhoobooy
  • Dhoobo Ceelay
  • Dhuraad noqotayoo
  • Jeeroon Dhaadhaco
  • Kaama Dhawrsado
  • Walee Dhagaxow
  • kaa iskuma dhigo

Lo’da oo inta badan darka jiidhi jirtay waxa ay odhan jireen:

  • Waa Naftaadee
  • Naanida ha jabin
  • Oo Ninka ha dilin

[naanidu waa darkii Jilicdasanaa oo ay Lo’da ugu heesi jireen Naanida/darka ha jabin, ninka biyaha kuu shubayana qoobka ka ilaali!]

Mar kale Lo’da ninkii lahaa waraabin waayey ee uu maqaaxiyaha ku leexday ee marka ay dadka kale u waraabinayaan waxa ay ugu heesi jireen:

  • Naagi maashow
  • oo Nin malahoow …..

[Iyagoo sacii la hadlaya ayey odhan jireen Naagi maashow ] 😃😃

FG: Tixraaca xogtan waxa aan ka ururiyey Odayaasha Deegaanka oo uu ugu Horeeyo Awoowo Abdi Mohumed Aw Dhuub!

#GeedBeer🌳💚

#Hargeysa 19 December 2025


error: Fadlan Lama Ogola !!