40 Sano ka hor caqligii yaalay Villa Somalia iyo kan maanta waxba iskama badalin:
Aan xog yar idinla wadaago si dhalinyaraddu taariikhda lasoo maray iyo dhacdooyinka maanta isugu gaysan karaan, kadibna caqligooda ula kaashadaan si ay u fahmaan caqliga Xamar yaala.
1986 markii xoogaga SNM xoojiyeen gulufka dagaal ee taliskii Siyaad Barre, ayay xukuumadda Xamar bilawday inay goβa ka lusho madalalaha caalamiga ah ee duniddu ku shirto si SNM loo mijo xaabiyo.
18 Feb 1987: waxa qabsoomay shirkii 45-aad ee OAU ( Organization of African Unity) now AU, waxa Ethiopia lagu eedeeyey inay marti galisay SNM iyo in la laalo xuduudihii gumaystaha.
8 Sept 1987: Waxa lagu qabtay Tunis shirka Wasiiradda Arimaha Dibadda dalalka Carabta waxaana laysla qaatay in SNM loo aqoonsado xoogag gooni-goosato ah iyo in wadajirka dhul ee Soomaliya yahay Muqadas.
15 Sept – 18 Dec 1987: waxaa la qabtay shirwaynihii Qaramadda Midoobay ee UNGA 42nd (New York), Soomaliya waxay loobi ka gashay inaanay SNM fursad ka helin madalaha UN Forums, sidoo kale waxay golaha u gudbisay in rabashadaha ka socda waqooyi loo arko arimo gudaha oo aan khusayn aduunka.
13 Mar 1988: waxaa ka qabsoomay Camaan, Urdun. Shirkii Wasiiradda Arimaha Dibadda Islaamka (OIC), Somalia waxay horgaysay in SNM khatar ku tahay dunidda Muslimka iyo in wadjir looga hortago.
3 April 1988: waxaa ka qabsoomay Djibouti shirkii lagu heshiisiiyey Mohamed Siyad Bare iyo Memgistu Haile Mariam, waxaana laysla qaatay in SNM laga saaro saldhigyadda ay ku leedahay xuduudka Ethiopia.
22-24 May 1988: waxaa qabsoomay shirkii OAU-da ( Organization of African Unity) now AU ( African Union), shirkaa waxay Somalia xoog saartay inaan wax cambaarayn ahi kasoo bixin shirka madaama dagaalku ku fidayey jiidaha hore ee deegaano ku dhow magaalooyinka wayn, waxa shirkii kasoo baxay in wada jirka dhuleed ee Soomaliya yahay lama taabtaan. ( waxa sixid igu baraarujiyey Bashiir Diiriye)
Waxa intaa dhinac socotay taageero military iyo mid dhaqaalo oo lala garab istaagay Villa Somalia, waxaa saanad hub usoo dirtay Muqdisho dalalka, Liibiya, Iraq, Kuwait Iyo Masar, sidoo kale waxaa si gooni-gooni (bilateral) dhaqaale maaliyadeed ku deeqay dalalka Khaliijka.
Hadaba 40 sano kadib markii Somaliland heshay aqoonsi maxay Villa Somalia kaga fal celisay, maxaanu isu badalin dhololka beenta ah ee midnimo Soomaliyeed, maxay tahay colaada iyo xumaha gaamuraya ee Villa Somalia u qabto bulshada Somaliland.
Sida u yidhi Madaxwaynaha Somaliland β Taariikhdda ayaa ka marag kacaysa inaanay bulshadani aqoon dibu noqosho iyo isdhiib toonaβ .
Gunaanadka, dhacdooyinka kor ku xusan iyo waaqaca maanta isu gayso kadibna la kaasho caqligaaga, kadibna raadi intee in leeg bay dhab ka tahayay Villa Somalia midnimo iyo walaaltinimo Soomaliyeed.