๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฆ๐ข๐๐ค๐š ๐ก๐ฎ๐›๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐›๐›๐š๐๐๐ฎ ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐š๐ง

Dagaalku ma bilaabmo marka rasaastu dhacdo; taas waa wejiga ugu dambeeya. Ka hor waxa jira dagaal kale oo aad u khatar badan oo ujeeddadiisu tahay in la wiiqo awooddaada, isku-duubnidaada, iyo adkeysigaaga. Dagaalkan hore waxa loo yaqaan Dagaal Siyaasadeed iyo Diblomaasiyadeed (Political & Diplomatic War), waxaana lagu beegsadaa nidaamka, bulshada, iyo hoggaanka si loo daciifiyo inta aan dagaal muuqda la gaarin.

Dagaalkan waxa uu ku shaqeeyaa dhowr hannaan oo waaweyn:
โธป
๐Ÿ. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š (๐Œ๐ž๐๐ข๐š ๐๐ซ๐จ๐ฉ๐š๐ ๐š๐ง๐๐š)
Warbaahinta ayaa loo adeegsadaa in lagu faafiyo:
โ€ข Warar been abuur ah
โ€ข Macluumaad jahawareer dhalinaya
โ€ข Farriimo cabsi gelin ah
โ€ข Warar dareenka bulshada carqaladeynaya
Ujeeddadu waa in bulshada lagu mashquuliyo, lagu kala fogeeyo, ama lagu qasbo inay shaki ka qabto awooddeeda iyo hoggaankeeda.
โธป
๐Ÿ. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š (๐ˆ๐ง๐Ÿ๐จ๐ซ๐ฆ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐ซ๐ž)
Dagaalka casriga ahi waxa uu ku dhisan yahay xog. Haddii xogtaada laga helo si fudud, waxa la ogaanaya:
โ€ข Tirada iyo habdhiska ciidanka
โ€ข Nooca hubka la hayo
โ€ข Dhaqaalaha iyo sahayda
โ€ข Meelaha muhiimka ah ee aad joogto
โ€ข Qorshahaaga dagaal (War Strategy) โ€” kaas oo ah waxa ugu qaalisan ee la beegsado

Marka xogtaadu furto, awooddaadu way furmaysaa.
โธป
๐Ÿ‘. ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ข๐๐๐š (๐ƒ๐ข๐ฏ๐ข๐๐ž & ๐‘๐ฎ๐ฅ๐ž)
Tani waa farsamada ugu khatarta badan ee lagu jebiyo xoogga ummad:
โ€ข In bulshada la isku diro
โ€ข In kooxo calooshood-u-shaqaystayaal ah loo adeegsado kala jabinta
โ€ข In qof walba laga tuso dan gaar ah si loo iloobo danta guud
โ€ข In Midnimada, isku duubnida iyo kalsoonida la burburiyo

Marka dadku kala tagaan, awoodoodu si weyn ayay u lunto.
โธป
๐Ÿ’. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ค๐š๐ฑ๐๐š (๐๐ฌ๐ฒ๐œ๐ก๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐ซ๐ž)
Ujeeddadu waa in la wiiqo niyadda guud ee bulshada iyo ciidamada:
โ€ข In lagu abuurayo cabsi joogto ah
โ€ข In lagu muujiyo in aad guuldaraysanayso ama aad daciif tahay
โ€ข In shakiyo lagu abuuro hoggaanka iyo goโ€™aamadiisa
โ€ข In la dhaawaco kalsoonida dadku u hayaan hogaankooda, ciidankooda iyo madaxooda

Dagaalka maskaxdu waa midka ugu awoodda badan ee sabab u noqon kara burbur gudaha ah iyada oo aan hal xabbad la ridin.
โธป
Gunaanad

Walaalayaal, aynu ka feejignaanno dagaalladan qarsoon ee maanta inagu socda โ€” kuwaas oo mararka qaar qofku uu qayb uga noqdo isaga oo aan ogayn.
Midnimada, wacyiga, iyo isku duubnida bulshada ayaa ah difaaca ugu xoogga badan ee lagu joojin karo dagaalladan aan muuqda ahayn.

Mahadsanidiin.

Waxa Qoray: Mustafa Elmi

error: Fadlan Lama Ogola !!