Laba nin oo xamaaliin ah ayaa waxa ay dhex seexdeen makhsin ay dhex taalo gabdad sonkor ah, kadib tuug ayaa u soo dhacay habeenimadii, tuugii wax kale oo uu qaato wuu waayay, wuxuu arkay gabdadii sonkorta aheyd, wuu qaadi kari waayay, wuxuu iska bixiyay shaadkiisii si uu sonkorta badh ugu shubto, markii uu shaadhkii dhulka goglay ee uu xagii sonkorta u kacay, ayaa labadii xamaal mid ka mid ahi isaga oo gamaโsan inta uu shaadhkii tuuga soo jiitay ayuu barkimo ka dhigtay, tuugii ayaa markii uu sonkortii soo daray waayay shaadhkii, tuugii oo yaaban ayaa meel walba ka eegay shaadhkii, kadib labadii xamaal mid ka mid ah ayaa shanqadhii tuuga ku toosay, markaas ayaa uu ku yidhi xamaalkii kale, waar shanqadhbaa baxaysee aqalka ma tuug baa ku jira, xamaalkii kale oo hurdada sii macaansanaya ayaa yidhi: โwaar tuugna kuma jiroโe naga seexoโ, kadib tuuggii oo shaadhkiisii ka quustay ayaa isaga oo yaaban yidhi: โHadaanu aqalka tuug ku jirin hadaa maxaa shaadhkaygii qaatayโฆโ, waa kuwa labadii xamaal mar kaliya kor u soo fadhiistay โOo Kumaad Aheydโ
Shaadkeygii Yaa Qaatay?