Nidaamka mucaariddadu waa sunne ama xukun samaawi ah, waana qayb ka mid ah waxyaabaha badbaadiya umadda iyo dawladnimadooda.
Waxaynu ognahay; oo Illaahay Qur’aanka inoogaga waramay, mar kasta oo xumaha iyo xume-wadeyaashu badtaan, talada umaddana ay hantiyaan kuwaasi, in Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu umadda u soo diri jiray rasuul mucaaridda xumaha, oo umadda ka badbaadiya xume-wadeyaasha, isla markaana wanaaga iyo xaqqa u tilmaama dadka.
Hadaba maanta mar hadii Nebi Muxamed scw inoo sheegay in isagu uu ugu dambeeyo Anbiyadii iyo Rusushii Illaahay umadda u soo diri jiray, oo aanu jiri doonin rasuul iyo nebi dambe oo Alle inoo soo dirayo, isla markaana dadku dhamaantood aanay ahayn macsuumiin (madax iyo mijo ba ama mid xil haya iyo mid aan xil hayninba), markaa habka qudha ee umaddu ay xumaha iyo xume-wadeyaasha uga badbaadi karaan, waa in ay helaan dawlad wanaagsan, oo dhamaan qaybihii ay dawlad-wanaagsani lahayd u dhameystiran yihiin.
Si umaddu u hesho dawlad wanaagsan, oo siyaasadeedu tahay mid umadda waxtar u leh, waa in la dabaqo sunnahaa samaawiga ah, mar kasta waa inay jiraan xisbiyo mucaarid ah, oo leh sharciyad/jiritaan qaanuuni ah, oo u taagan ama heegan ugu jira, in ay dawladda iyo siyaasadeedaba ku ilaaliyaan sharciyadda iyo waxa ay umaddu ku heshiisay.
Hadaba waxa in muddo aheyd ba soo jiray faham iyo fikir odhanaya “Waxaynu nahay umad Islaam ah, markaa diinteenu ma ogola in dadka loo kala qaybiyo mucaarid iyo muxaafid is-eryada⦓
Fikirkaasi runtii kuma fadhiyo xaqqa iyo xaqiiqooyinkii sooyaalka nolosha bini-aadamka, waa se faham ay dabada ka riixayaan wadaaddada qaarkood, una muuqda inuu sanadkan si xawli ah ku socdo, iyada oo la doonayo in la baabiiyo ama magac-u-yaal laga dhigo xisbiyadii mucaaridka ahaa ee Jamhuuriyadda Somaliland, si loo yareeyo saameyntii ay ku lahaayeen saaxadda siyaasadda, isla markaana ay noqdaan kuwo jaal la noqda xukuumadda, oo is-kala shaqeysta, taasi na waxay halis weyn ku tahay dawlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda.
Eeg; mar hadii dhamaanteen culimo iyo caamo ba aynu isku waafaqsannahay, in qofka xilka madaxweynaha loo dhaariyay iyo dhamaan xubnaha uu madaxweynahaasi u xushay xukuumadiisu, si kasta oo ay u dul iyo dabeecad wanaagsan yihiin amaba si kasta oo ay u aqoon iyo garasho badan yihiin:
- In ay yihiin bini-aadam,
- Oo aanay rusul iyo anbiyo waxyi ku soo degayo ahayn,
- Isla markaana aanay macsuumiin ka ahayn dembiga, khiyaamada, wax-is-daba-marinta iyo xumaan noocyadeeda,
Bal hadaba sawiro madaxweynaha iyo xukuumadiisa, oo ku kaliyaystay saaxaddii siyaasadda iyo awoodii dawladnimo ee umaddu lahayd, oo waayay ama aanay jirinba cid haysata sharciyad qaanuuni ama dastuuri ah, oo la mid ah ta ay xukuumaddu ku fadhido, oo xukuumadda ku ilaalisa sharciga iyo dastuurka umadda u dhexeeya, oo bulshada u soo bandhiga wixii taban ee ku jira siyaasadda xukuumadda iyo wax kasta oo ay xukuumaddu qaloociso.
Bal hadda yar sawiro muuqaalka ay yeelanayso talada umaddaasi, ileyn madaxweynaha iyo xubnaha xukuumadiisu waa bini-aadamkii daciifka ahaa abuur ahaan, oo u nugul nafta iyo shaydaankaba’e, kolka ay awoodaa iyo arrimahaa dawladnimo ee isku-qoofalan ku kaliyaystaan, saw kolkaa madaxweynaha iyo xukuumadiisu ma noqon karaan:
- Kuwo is-mahadiya sidii Fircoon iyo xukuumadiisii, oo ku baraaruga uun iyadoo daadku dhan walba ka maray, oo naftu ku daba yar tahay.
- Ama kuwo sidii Maxamed Siyaad Barre iyo xukuumadiisii, orod iyo baxsasho miciinsada goor talo faro ka haaday.
- Ama kuwo sidii Mucamar Qadaafi iyo xukuumadiisii, is-arka uun iyadoo shacabkoodii ay moodayeen inay jecel yihiin, ay kab la dhacayaan.
- Amaβ¦ wad uun, tusaaleyaal nool-nool ayaad ka heli waaqica maanta’e.
Ma ogtahay; madaxweynaha iyo xukuumadiisa in faa’iido weyni ugu jirto, mucaaridadda lagala hor yimaado siyaasaddooda iyo go’aannadooda.
Ma ogtahay; in mucaaridaddu ay madaxweynaha u tahay, muraayad uu ka dhex arkayo qiimaha uu ku dhex leeyahay dadkiisa iyo heerkiisa waxqabad.
Kolkaa wadaadada iyo dadka wada, fikirkaa lagu ceebaynayo in dawladdu yeelato Mucaarid, ee yidhaahda: “Dawladda Islaamku ma banaana inay mucaarid yeelatoβ¦ ama mucaarid iyo muxaafid waa dhaqan gaalaad oo bulshada lagu kala qaybinayo⦓
Hadaladaasi waa uun dhiirigelinta burburka bulshada iyo dawlad-xumada, iyo inay bulshada dhigaan dawlad-la’aan, waana mid ka mid ah wixii dumiyay dawladii dhexe ee muslimiinta waagii hore.
Dawlad-wanaagga waxyaabaha xoojiya waxa ka mid ah:
- Mucaaridadda adag ee togan, ee ay xisbiyadda mucaaridku la daba joogaan xukuumadda talada haysa,
- Iyo shacabka soo jeeda, ee ilaashanaya dalkooda iyo dawladnimadooda.
Go’aannada marka uu gaadhayo madaxweynuhu, waxa jira waxyaabo qaabeeya go’aannadaasi, oo sees u noqda go’aanka madaxweynaha, waxyaabahaasi way badan yihiinoo, hadba go’aanku waxa uu khuseeyaa dhinacyada uu leeyahay ayaa ka mid ah, waxaynu se ka xusi karnaa kuwa ugu muhiimsan, oo ah:
- Shacabkiisa oo ah kuwo baraarugsan, oo la socda siyaasada iyo arrimaha dalkooda,
- Iyo xisbi-siyaasadeedyo mucaaridad adag la daba jooga siyaasada madaxeynaha iyo xukuumadiisa,
Eeg; hadii aanay labadaa qodob ee sare jirin, madaxweynaha iyo xukuumadiisu kolka ay go’aan gaadhayaan, go’aankaasi waxtar iyo waxyeelo kuu yahayba, maskaxdiisa kuba soo dhici mayso cabsi uu ka qabo shacabkiisa iyo cid kale toona, hadaba ogow madaxweynahaasi xaqiiq jar ayuu ka laalaadaa, waxaanu halis u yahay in taariikh xumi diiwaanka u gasho.
Maxaa yeelay; hadii aanay xisbiyo mucaarid jirin, isla markaana shacabku noqdaan dheg-weyn aan dalkooda iyo dawladnimadooda danaynayn, oo iska nool uun, waa taasi waxa sababaya in ay madaxweynaha go’aankiisa ka mid noqon waydo “Armaa lagaa diidaa, oo lagugu kacaa“, oo ay maskaxdiisa kuba soo dhici waydo mucaaridaddu, kolka uu go’aan gaadhayo, taasina waxay u qurxinaysaa ama u fudeydinaysaa ama u sakhiraysaa madaxweynaha, inuu mararka qaarkood gaadho go’aano aanay dalka iyo dadka midkoodna mahadin.
Waxaynu ognahay in ay jiraan culeysyo waaweyn, oo aan u muuqan dadka kale, in madaxweyne kastaa la tacaalo, maadaama oo uu madaxweynuhu hayo xil culus.
Hadaba waxa jira dad yaqaana sida madaxda loo maalo, dadkaasi waxay daraaseeyaan culeysyadaasi, kadibna waxay madaxda u soo bandhigaan xal(offers), iyo inay ka kafaalo qaadayaan culeysyadaa madaxweynaha haysta qaarkood, taa bedelkeeda iyagana uu u fuliyo waxyaabo danahooda gaarka ah.
Eeg; madaxweynihii wuu khasban yahay, oo culeyskan haysta in laga kafaalo-qaado wuu jecel yahay, laakiin hadii dantaa gaarka ah ee ay dadkaasi kaga bedelanayaan madaxweynaha culeyskaa haysta, uu yahayba wax dalka iyo dadka halis ku ah, badbaadada qudha ee uu haysto madaxweynahaasi xaaladaa iyada ah, waa hadii uu dalkiisu leeyahay shacab baraarugsan oo soo jeeda iyo xisbiyo mucaarid oo adag, taasi oo keenaysa marka madaxweynaha offer-kaa loo soo bandhigo, inay markaaba maskaxdiisa ku soo dhacaan shacabkiisii soo jeeday iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa.
Kadibna dadkii daneystayaasha ahaa, ee dantooda gaarka ah madaxweynaha uga faa’iideysanayay culeyska haysta, wuxuu ugu jawaabayaa “Arrinkani mucaaridad adag ayuu igu kicinayaa, oo Shacabkaygu waa dad soo jeeda, oo iga yeeli maayaan inaan dantiinaa gaarka idiin fuliyo ama sidaa iyo sidaa idiin sameeyo, waanay igu kacayaane iga daaya ⦓
Ogow hadaba shacabka noocaasi ah, ee ka mid noqda go’aannada madaxweynahoodu, waxay madaxda u yihiin kuwo sharaftooda dhisa, oo ka ilaaliya godadka iyo boholaha daneystayaashu u qodaan madaxda, isla markaana waa shacab dalkooda iyo dawladnimadooda ka ilaaliyay burbur iyo baaba’a.
Xisbiyadda Mucaaridka ahi marka ay yihiin kuwo nidaamsan, oo ku shaqeynaya sharciyad dastuuri ah, waa inay xoghayeyaashooda ku jaan-gooyaan qaybaha xukuumadu ka kooban tahay, oo xoghaye kastaa uu wasaaradda iyo hay’adda uu la magac yahay si dhaw ula socdo sida ay wax u wadaan, kolka uu qalad ama qalooc ku arkana, uu aad uga qayliyo oo bulshada u faahfaahiyo qaladkaasi iyo halistiisa.
Maadaama oo xisbiga mucaaridka ahi uu yahay mid raba inuu talada umadda markiisa qabto, ilaalinta iyo daba-galka uu la daba joogo xukuumaddu xilka haysaa, waxay u leedahay xisbigaasi faa’iidooyin ay ka mid yihiin:
- In uu hantiyo kalsoonidii bulshada, oo bulshadu ay ku qancaan in xisbigaasi yahay mid lexo-jeclo ka qaba dadkiisa iyo dalkiisa, oo ilaalinaya dawladnimada umadda.
- In uu ogaado xukuumadda uu rabo inuu talada kala wareego gaabiskeeda, iyo awoodeeda siyaasadeed heerka ay gaadhsiisan tahay, kadibna taasi waxay u horseedaysaa inuu soo bandhigo siyaasad ka mug iyo miisaan weyn, ta ay xukuumaddu la timid talada, iyo inuu xog-ogaalnimadaasi ku dejiyo xisaabtii ama qorshihii uu xisbigaasi kaga guuleysanayay xukuumadda xilliga doorashada.
- In xisbigaasi marka uu talada ku guuleysto aanay taladu uga baahin, ama aanay taladoodu u noqonin Jug-Soo-Dhacday, se xog-ogaalnimada xisbigu ka helo daba-galka uu xukuumadda la daba joogaa, waxay keenaysaa in wixii horumar iyo wanaag ah ee socday, ay bartii uu marayay ka sii amba-qaadaan, si ku haboon sii-socoshada waxaasi, iyo in ay noqdaan xubnaha xisbigaasi kuwo tababaran, oo la haysta qaabka iyo hanaanka hawlaha qaran u socdaan ama loo wado.
FG:
Qodobkan u dambeeyaa qodobada sare ku xusan, waa mid ka mid ah, waxyaabaha nidaamka dawladnimadan casriga ah ka dhigay, mid ka jiritaan iyo waaritaan badan nidaam-dawladeedyadii hore, maxaa yeelay; nidaam-dawladeedyadii hore marka uu dhinto qofka talada soo hayay, nidaamkaasi inta badan wuu burburi jiray, amaba cidda uga dambeysa xilkaasi, taladu way ka baahi jirtay, oo way ku adkaan jirtay in ciddaasi ay dawladaasi u sii waddo, sidii uu u waday qofkii talada ama xilkaasi uga horeeyay, taasina waxay soo gaabin jirtay cimriga dawladaasi ama nidaam-dawladeedkaasi.
NASTEEXO:
Qof kasta oo aaminsan ama riixaya fikirkan qaldan, ee burburinta qaybihii dawlad-wanaagga iyo dawladnimada casriga ah, waxaanu ugu nasteexaynaynaa oo aanu leenahay “Waar ka daaya maalin aan maanta ahayn, oo aydaan waxba ka qaban karayn, taladiina isku cayn iyo bayd go’day, ayaad garan doontaan, oo fikirkiinani idiin soo uri doonaa, oo aad odhan doontaan [Alloow yaa harageedii nagaga celiyaβ¦]“
Waxa jira iyaguna wadaado yidhaahda “Waa in aynu nolosheena ka dhigno noloshii Nebiga scw iyo asxaabtiisii“, dadaalna ugu jira sidii ay noloshii Nebiga scw u keeni lahaayeen nolosheena maanta, waxaynu kuwaana ugu nasteexaynaynaa xikmadda odhanaysa “Kabtanka ama Naakhuuduhu awood uma laha inuu maamulo dabaysha iyo socodkeeda, laakiin wuxuu awoodaa inuu shiraaca doonidiisa maamulo, oo kolba la eegto dabeysha iyo dhanka ay u socoto, kuna dhaqaajisto doonidiisa si ay u gaadhsiiso halkii uu rabay⦓
Xikmadaasi hadii aynu is-dul taagno, eeg dabeyshu waa wax awooda bini-aadamka ka baxsan, oo Alle awoodihiisa iyo maamulkiisa ka mid ah, waxa taa la mid ah casri/seben kasta nolosha taal ama jirtaa, waa wax ka baxsan awooda bini-aadamka, oo ka mid ah awoodaha Illaahay, kolkaa qofka ama bulshada muslimka ahi, casriga ay nool yihiin nolosha taala ma bedeli karaan, laakiin waa in iyaga oo noloshaasi Alle u dooray adeegsanaya, ugu dhex noolaadaan qaabkii ay aakhiro wanaageeda ku gaadhsi lahaayeen.