Ninkan ayaa Jinac-Duulaha cuna !

Nin reer miyi ah, oo meel magaalada Hargeysa ka baxsan ku haysta woxogaa adhi ah iyo beer, ayaa wuxuu bishii mar ama laba goor yimaadaa Hargeysa, si uu tacabkii u soo go’ay todobaadkaasi magaalada ugu iibiyo.

Gelinka hore marka uu magaalada yimaado, wixii tacab uu sidtay ayuu soo iibiyaa, kadibna lacagta qayb ayuu ku soo iibsadaa wixii adeeg uu uga baahnaa miyigii.

Gelinka dambe na wuxuu ku soo qayili jiray, maqaaxiyaha ama majlisyada u dhaw istaanka, si uu u arko marka uu dhaqaaqayo gaadhigii deegaankiisa u baxayay.

Marka laga soo baxo salaadda casar, ayuu ka amba-baxaa magaalada gaadhigu na.

Ninkaasi wuxuu ku qayili jiray, oo uu lugta laaban jiray, maqaaxi ay haysato gabadh reerkooda ah, sida oo kale; ragga maqaaxida ku qayilaana waxay u badnaayeen jufadiisa.

Ilaa salaadda casar laga eedaamayo, ayuu maqaaxidaasi ku mirqaami jiray.

Ragga ay isku jufada yihiin, ee maalintaa uu maqaaxida ku helo na, wuxuu ka soo wareysan jiray, hadba wixii war iyo wacaal reerkooda ka jira, ee ay uga xog-ogaalsan yihiin.

Hadaba jab ba waa kan dambeeya’e, ninkani waa reer miyigii iska daacadda ahaa, oo qaadka uu ku qayilayo, falaasta shaaha ah, jeeg biyo ah iyo mar mar uu midh sigaar ah shito mooyee, wax kale intaa uma dheera.

Maqaaxidan uu ku qayilaa na waa maqaaxi weyn, oo ay ku wada qayilaan raggu, qaar joogto ugu qayila, oo mar kasta uu ugu yimaado, iyo qaar aragoodu ku cusub yahay ba way yeeshaan.

Hadaba intii uu xagii miyiga ku maqnaa, ayaa jamacii maqaaxidu u shidneyd, waxa ku soo biiray, nin khamriga caba.

Ninkani wuxuu cabaa khamriga Itoobiya ee Gin-ka, wuxuu na ku soo qaataa caagadahan sharaabka ama mooyo-saxada, oo laga dareemi maayo.

Ninkani caadi ayuu isaga qayilaa, oo kolba sheekada majliska ka socotana qaybtiisa ayuu ka qaataa, laakiin marka uu rabo inuu soo kabbado khamriga, inta uu kaco, oo caagadiisii yareyd na uu sii laalaadsado, ayuu u baxaa sidii qof xamaamka/suuliga u xaajo tagaya oo kale, kadibna dhowr goor markuu soo firiqsado, ayuu soo noqdaa.

Hadaba sida uu sheegay, qofkii sheekadan aan ka soo weriyay, khamriga Itoobiyaanka ee Gin-ku, waa mid aad iyo aad u ur kulul, urtiisuna waxay u eeg tahay urta Jinac-Duulaha ๐Ÿœ, yacni urta uu sameeyo jinaca waaweyn ee soo baxa marka roobku da’o, ee loo yaqaanno Noole-Ure ama Jinac-Duule ๐Ÿœ.

Ninkii reer miyiga ahaa, ayaa sidii caadadiisu ahayd yimid magaalada, markii uu woxogaa ka maqnaa.

Kadibna markii uu gelinkii hore ka soo muraadsaday magaalada, wuxuu caadigiisii u qayilaad yimid maqaaxidii.

Gabadhii maqaaxida ee ay isku reerka ahaayeen, inta uu ka qaatay qaadkii iyo shaahii, iyo dhamaan adeegii uu qayilaaddiisa uga baahnaa, ayuu galay makhsinkii ama waabkii qayilaadda, kadibna golihii qayilaada ayuu ka fadhiistay, halkii banaanaan iyo strategy ugu muuqatay.

Laakiin nasiib-xumo; wuxuu ag fadhiistay ninkii khamriga cabi jiray, oo isaga wejigiisu ku cusub yahay, se maalmahaa ba jamaca maqaaxidda ka mid ahaa.

Ninkii reer miyiga ahaa wuxuu iska qayilo, oo kaftanka iyo sheekooyinka ay raggu kala roganayaan na uu iska dhageysto ba, waa kaa hal mar kor u booday, ee jiidhay falaastii shaaha iyo jeegii biyaha ee hor yaalay, ee shaadhkii intu la baxay uu hurgufay, hadana surwaalkii intu ku xigsiiyay isna hurgufay.

Kadibna halkii uu fadhiyay, ee uu ka booday, ayuu kolba dhan isha sidaa iyo sidaa ugu biniiniyay, barkimadii uu jiqilaysnaa iyo furaashkii/cawdii uu ku fadhiyay ayuu wada baadh-baadhay.

Kolkii uu woxogaa taagnaan ku hawlaysnaa, isaga oo indhaha iyo gacmaha ba wax ku baadhayay, wax na uu arki waayay, isla markaa na raggii ay wada qayilayeen qaarkood, uu mid ba meel kaga soo yidhi “Waar hebel waa sidee? Waar maxaa ku helay? Waar ma wax baa ku galay? Olaxโ€ฆ Waxaa saa mirqaanaโ€ฆ

Kadib waxa yaraaday ama baaba’ay wixii uu dareemay, ee ku kalifay inuu fadhiga ka boodo.

Kadibna intu dhakada yar xoqday, oo ileyn wadhi baa heshaye, uu yar khajilaad-talaabsaday, ayuu iskaga noqday fadhigiisii iyo qayilaadiisii, kuwii wax weydiiyayna wuxu ugu jawaabay “Waxba ma jiraaneโ€ฆ bahal yar baaโ€ฆ eenโ€ฆ waar dee! inoo wada waxba ma jiraaneโ€ฆ

Gabadhii maqaaxida oo maqashay in wax dhaceen, ayaa la soo carartay maryo iyo tuwaal, oo biyihii iyo shaahii uu daadiyay, golihii qayilaadda ka nadiifisay.

Ninkii reer miyiga ahaa, markii uu woxogaa qayilayay, ayuu hadana mar kale kor u booday, oo sidii hore oo kale kala fatashay dharkiisii iyo halkii uu fadhiyay ba, oo kolba meel isha sidaa ugu biniiniyay.

Wuxuu kolba meel baadho ba, markii uu waxba arki waayay, ayuu hadana qayilaadiisii iskaga noqday.

Dhowr goor oo kale, ayuu hadana sidii oo kale sameeyay, oo kolba kor u booday, kadibna intu woxogaa gab-gableeyay, uu hadana qayilaadiisii ku noqday.

Ninkii reer miyiga ahaa, wuxuu maalintaa magaalada ka amba-baxay, isagoo qayilaadu ay maalintan ka xumaatay, isla markaa raggii uu la qayilayayna yaab uu ku dilay, oo uu qayilaadii iyo sheekooyinkoodii ba ka xumeeyay.

Ninkanoow; marka la weydiiyo siday wax u heleen? wuxuun buu hadalka ugu soo koobaa “Waar niman yahaw; bahalkii qaniinyada xumaa ayaa meel dhaw iiga uray, kolkaaโ€ฆ ka carar inta aanu ku qaniinin, ayaa kolba aan la boodayaaโ€ฆ

Dhowr door oo kale, oo uu yimid maqaaxida, ayaa sidii oo kale ku dhacday, oo qayilaadii ka xumaatay, ragii kalena ka xumeeyay, ragga qaarkoodna ay maqaaxidii ba uga guureen, qaarkoodna ay naaneys iyo kaftan uga dhigeen, marka uu soo galo maqaaxida “Hayaay! Ninkii mirqaanka xumaa ayaa yimidโ€ฆ Oolax! waa kan legend-kii mirqaankiisu another level-ka ahaaโ€ฆ

Ninkii reer miyiga ahaa, sidii caadada u ahayd, maalin uu yimid maqaaxidii, ayaa wuxuu ku tashaday, hadii uu bahalkii u uro maanta, aabihii la-kudka inuu soo qabto, oo aanu ka hadhin doon-doonkiisa, ilaa uu bahalkaasi ka helayo, si ay uga hadhaan naaneysahan uga baxay, iyo kaftanka bahalku u horseeday.

Nasiib wanaag; wuxuu maalintan ku beegmay, iyada oo ninkii khamriga cabi jiray agtiisu banaan tahay, kadibna halkaa dhinaciisa ayuu iska jiqilaystay, oo qaadkiisii la kala baxay.

Ninkan uu ag-fadhiistay, maadaama oo uu isagu ba san wax uriya leeyahay, isla markaana uu nin maangal ah ugu muuqday, ninkii reer miyiga ahaa inta uu ninkii aad ugu dhawaaday fadhi ahaan, ayaa waxa uu ku sii tashaday, inuu maanta ninkan ag-fadhiyaa uga garaabi doono bahalkaasi, marka uu soo baxo ee ay uriyaan, ileyn waa kuwan isku dhaw’eh, yacni marka uu bahalkii dareemo, wuxuu doonayaa intaanu fadhiga ka boodin, inuu horta ninkan markhaati gashado, oo ku yidhaahdo “Waar bal eeg! waa kaa soo baxayeโ€ฆ miyaanu bahalkii๐Ÿœ kuu ureyn? waar wuu inagu hoos jiraaye inaga cararsi bahalkaโ€ฆ” kadibna ay wada baadhi doonaan, oo uu sidaa ninkani na la caawin doono baadhista.

Kadibna ninkii reer miyiga ahaa, wuxuu iska qayilo ba, bahalkii๐Ÿœ baa u uray, weliba markani aad iyo aad ayay u xooganeyd urtiisu, qiyaastii waxaaba aad moodaa, in bahalkiiba ๐Ÿœ uu sankiisa meel u dhaw fuushan yahay.

Wixii uu ku sii tashaday, iyo ninkii uu doonayay inuu markhaati-gashado ba intu ilaaway, waa kaa sidii sii kor u booday, ee is-wada hurgufay.

Ninkii reer miyiga ahaa, aad ayuu markan u cadhooday, go’aan degdeg ah ayuu qaatay, inta aanu bahalku godkiisa dib ugu noqonin, ee aanay urtiisu gu’in ama baaba’in, hore u gaadh, oo hore u qabo bahalka, go’aankaasi ayuu gaadhay.

Kadib waa kaa xusul-duubtay, jilbaha na dhulka dhigay.

Inta uu sidii xoolaha iyo xawayaannada uu wax u uriyay, oo uu sanka๐Ÿ‘ƒ sidaa u taagay, ayaa uu kolba meel sanka๐Ÿ‘ƒ u dhaweeyaa, kolba meel uu sidaa sanka๐Ÿ‘ƒ u saaraa, urtii ayaa hageysa, oo meesha urtu ku yar tahayna wuu ka soo noqonayaa, meesha ay ku badan tahayna hore ayuu ugu socdaa.

Raggii maqaaxida uu kula qayilayay, intoodii garanaysay umay joojine, sheekadoodii ayay iska sii wateen, oo waxay arrinkiisa ku soo koobeen “Mirqaan-weyneโ€ฆ waa wixii sii!

Ninkii reer miyiga ahaa, isaga oo gurguuranaya, oo sankana๐Ÿ‘ƒ sidaa u taagaya, wuxuu urtii raac-raaco, oo ay urtu sidii GPS-ka u hagto ba, wuxuu dhabarka kaga yimid ninkii khamriga cabi jiray.

Kadibna mar ba marka ka dambeysa, ee uu u soo dhawaado ninkani, urtu way sii xoogaysataa ama badataa, marka uu xagiisa ka jeesto ama ka noqdana, urtu way baaba’daa.

Ninkii reer miyiga ahaa, wuxuu soo gurguurtaba, urtii waxay soo joojisay ninkii khamriyo-cabka ahaa hortiisa.

Ileyn cadho ayuu bakhtiisan yahay, oo war isuma hayo’e, inta uu ninkii khamriyo-cabka ahaa si xoogan ugu dhagay labada daan iyo dhegaha, oo uu kor na uga soo kiciyay jiqilaysigii uu ninku u fadhiyay, waa kaa bilaabay inuu sankii๐Ÿ‘ƒ kolba meel sidaa uga saaro, kolba meel sidaa uga saaro, kadib waxa u soo baxay halkii ay urta jinac-duuluhu ugu xooganeyd, oo noqotay ninkii khamriyo-cabka ahaa afkiisa.

Kadibna isaga oo weli labadii daan iyo dhagihii ku dhagan khamriyo-cabkii, ayuu kor ula istaagay oo xoog ku istaajiyay.

Ninkii khamriyo-cabka ahaa oo yaaban, in uu gacmaha ninkan reer miyiga ah iska furfurana ay ka xanibtay, macawistii oo uu xajinayo si aanay uga dhicin, ileyn waa nin qayilayay, oo macawista guntigeeda wuu furtay ama debcistay, si uu nafis ugu qayilo’e.

Ninkii reer miyiga ahaa, inta uu khamriyo-cabkii sii daayay daamankii, ayuu hadana ku dhagay kaladhka ama shaadhka labadiisa dacal ee cunaha u xiga.

Wuu qoslayaa, oo aad ayuu u faraxsan yahay, ileyn hawlgalkiisii helitaanka jinac-duuluhu guul ayuu ugu soo dhamaadaye.

Kadibna isaga oo qosol-kaftamaya, ayuu kolba cod dheer kula hadlayaa raggii fadhiyay majliska qaarkood, wuxuu ku celcelinayaa “Inantooda*** weeyi ninka jinac-duulaha soo cunaa, bal kaalay hebeloowโ€ฆ kaalay bal halkan ursoโ€ฆ walaahi been ha iga moodine, kaalay oo bal horta ursoโ€ฆ

Kadibna raggii majliska fadhiyay, ayaa mid ba meel ka soo cararay, gaar ahaan kuwii ay isku reerka ahaayeen, waxaana laga wada xumaaday, sida uu ninkan reer miyiga ahi u bahdilay ninka, waxaanay ka furfureen kaladhkii khamriyo-cabka ee uu ku dhaganaa, iyaga oo ku lahaa “Waar waad edeb-daran tahaye ninka sii daa, ur iyo caliyo lahaane badaw yahaw, waa maxay waxan bilaa dhaqanka ahiโ€ฆ waar sii daa ninka nacas yahayโ€ฆ

Ninkii khamriyo-cabka ahaa, la muu dagaalamine, markii laga furfuray, aayar uun buu qaadkiisii iyo xamaantiisii gurtay, oo maqaaxidii iskaga baxay.


Qofkii aan sheekada ka soo weriyay, isaga oo aad u qoslaya, ayaa wuxuu yidhi:

Ninkani marka uu dibadda u baxo, ee uu soo qudhqudhiyo khamriga, ee kadibna uu ku soo noqdo golaha qayilaadda, waxa meesha qabsada urtii khamrigan uu soo cabay, oo kaarboonkiisa ayaa urtii khamriga yeesha, kolkaa ragga wax ogi na way u yar samraan uun, inta urtu ka go’ayso ama biyaha iyo shaaha iyo qaadku ay baabiinayso, ragga aan ogeyna waa reer magaaloo, dee durbaan qofka la daba qaato iyo, in ay ku laydhiyaan way ka dhacayaan, dee hadaba kan reer miyiga ah yaa u farsamo-sheegi, waxan urayaa inaanu jinac-duule ahayne, se uu yahay urtii khamriga uu ninkani soo cabay.

Waa tii la yidhi “Dab nimaan ku joogsanin, dambas kama fogaado’e
Jinac-Duulaha qaniinyadiisu kuma badna reer magaalka’e, dadka miyiga jooga qof aanu qaniinin wuu yar yahay, weliba xanuunka qaniinyada waxa ka sii daran, meesha uu qofka ka qaniino Jinacaasi, waxay noqotaa nabar loo yaqaanno Dhullax, oo waxa nabarkaa ka soo dhaca dirxi weyn, waa sababta ay dadka qaarkood jinac-duulaha ugu yaqaanaan Dhuxun-Ku-Reeb.

Kolkaa ninkan reer miyiga ahina ma qaldana’oo, wuxuu garanayaa xanuunka iyo nabarka dirxiga yeesha, ee ka sameysma qaniinyada jinacaasi, waana taasi sababta uu kor ula boodayo, kolka urtii jinacaasi ay u urto.


error: Fadlan Lama Ogola !!