Horta hadal bay kala deysan weydee, Isticmaarka hortii, yaa Somali ahaan jiray? Yaase ku soo biiray Somali? (Maqaalkan waxaan qoray 2018-kii)
Labada Buug ee halkan ku sawiran ayaa kala horeeyay xgga daabacaadda. Iyaga oo haddana isla buuggii iyo isla qoraagii uun ah. Mid baa ah kii asalka ahaa. Ka kalen waa faracii ka dambeeyay. Malahayga Talyaaniga ayaa wax ka beddal codsaday.!
Buugga asalka ah, oo la qoray ka hor 1830kii, waxaa ku cad khariidadda, in Somaliland jirtay, oo ay ahayd dhulka Somalida. Waxaana laga tarjumay uun magacii Af Carabiga ahaa ee jiray berigaas ee ahaa “Bilaada Al-Somal”. Kaas oo Carabtu u taqaanay uun dhulka immika loo yaqaan Somaliland.

Daabacaaddii dambe, magacii baa laga beddalay dhulkii isna Carabtu u taqaanay “Bilaadal Cajam”. Kaas oo ahaa dhulka immika loo yaqaan Somalia ama bari loo yaqiin “KOONFUR”. Labadaas magac ka eega khariidadda Asalka ah, ee ka horaysay tan daba-ka-keenka ah, oo ahayd daabacaaddii dambe. Taas oo soo baxday wixii ka dambeeyay 1860-kii (Qarni hortii Xoriyaddii).

Waxaa murugo leh, Caamada daa oo, Siyaasiyiinteenu ma kala yaqaaniin labada magac ee Af Faranjiga ku qoran ee kala ah; “Somali Republic” iyo “Republic of Somalia”. Haddaba lixdankii Magacii ay ku midoobi lahaayaan Somaliland iyo Somalia wuxuu ahaa “Somali Republic”. Waxaana si dadban ku wehelinayay labadaas xoroobay:
- Jabuuti
- Ogadenia iyo
- NFD da Somalida ah.
Ka dambana oo ah “Republic of Somalia” Aadan Cadde ayaa Kawdii July 1960-kii sheegtay, oo isku diiwaan geliyay Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa. Magacaas oo ilaa maanta aan laga beddalin UN ta. Taasi miyaanay khiyaamo cad ahayn?
Maafiyada Muuqdisho dadka Somaliyeed waxay u sheegaan in dawladdoodu tahay Jamhuuriyadda Somaliyeed. Adduunkase waxay u sheegaan inay ku kooban yihiin dalkii Talyaanigu gumaysan jiray, ee magaciisu ahaa “Somalia”.
Waxaas ayaa Munaafaqad la yidhaahdaa. Tolaw yaw sheega! Tolaw yaw sheega! Tolaw yaw sheega!
Waxa Qoray: Maxamed Cabdi Daa’uud


