Xisbiga Kulmiye iyo Dooda Gudihiisa

Xisbi-Siyaasadeedku waa dallad ay ku wada hoos jiraan siyaasiyiin badani, xisbiguna waxa uu xisbi-siyaasadeed ku noqdaa ama uu guulo siyaasadeed ku gaadhaa waa taageerayaashiisa badan, hadii aanu taageerayaal lahayn ururnimada ba kama soo gudbo, kolkaa xisbi-siyaasadeedku kama soo hadho tirada taageerayaashiisa.

Siyaasiyiinta dallada xisbiga ku wada jirana, caadiyan waxa loo qaybiyaa laba, labadaasi waxay kala yihiin;

Political Leader
  • Siyaasi hogaamiya tiro badan oo taageerayaasha xisbiga ah, ama haysta taageerayaasha xisbiga qayb badan.
Political Figure
  • Siyaasiyiin ama xubno dallada xisbinimo uun la hadhsada siyaasiyiinta taageerayaasha xisbiga haysta, sida kuwa haya xilalka kala duwan ee gudaha xisbiga.

Hadaba khilaafyada ama doodaha ka dhex dhaca xisbi-siyaasadeedyada, waxa ugu caansan, khilaafka ka dhex dhasha xisbiga political_leaders-kiisa iyo political_figures-kiisa.

Xisbi-siyaasadeed si uu u gaadho guul-siyaasadeed, wuxuu u baahan yahay inuu political_leaders-ka xisbiga ku jira xaga hore soo mariyo, oo uu hogaan ka dhigto, maxaa yeelay; guulaha siyaasada oo ah kuwa uu xisbigu ka gaadho doorashooyinka, waxa xisbiga u soo hoyn kara uun political_leaders-ka uu haysto iyo halka uu dhigo, maxaa yeelay; hadii ay taageerayaasha xisbigu hogaanka xisbiga ku arki waayaan siyaasiyiintii ay ku daba-fayshanaayeen, waxa suuragal ah inay codkooda siiyaan xisbi kale, oo dusha soo mariyay siyaasiyiintoodii.

Laakiin xisbiga political_figures-kiisu waxba kama taraan kolka ay noqoto gaadhida guul-siyaasadeedyada xiliga doorashooyinka, wixii credit iyo wanaag ah ee siyaasiga political_figure-ka ahi uu gashado xisbiga, sida;

  • Siyaasi hebel xisbiga wuxuu kala soo bilaabay ururnimo, oo kaadidiisa ayuu u soo cabay…
  • Ama siyaasi hebel waa aqoonyahan gaamuray…
  • Ama siyaasi hebel waaba ninka ku sawiran logo-da xisbiga, oo wuu ku suntan yahay…
  • Amaba siyaasi hebel waaba dhakada dejisay habka xisbugu u shaqeeyo…
  • Iwm…

Waxaas oo credit iyo amaan ah, wuxuun baa u og saaxiibadiisa ay xisbiga ku wada jiraan, mar hadii uu siyaasigaasi yahay political_figure, yacni amaanta iyo wanaaga uu siyaasigaasi ku leeyahay gudaha xisbugu, u goyn mayso xisbigaasi inuu cod kaga helo codeeyayaasha ama taageerayaashiisa.

error: Fadlan Lama Ogola !!