Wuxuu illaaliyaa guri ka mid ah, guryaha waaweyn ee magaalada ku yaala, wuxuu I arkay, aniga oo ku dhaygagsan meel guriga albaabkiisa ah, oo ay riβ joogto, ridu hareeraha ayaa ay eeg-eegaysaa, iyada oo gaajaysan, oo wax ay cunto raadinaysa, halkan albaabka hortiisa ee ridu joogto waxa ninkani ku beeray khudrad, inta ay kolba soo duljoogsato, oo ay ursato ayay dhaafaysaa, mana cunayso, hadana waxay cunto ayaa ay raadinaysaa, ninkii isaga oo dhoola-cadaynaya ayuu igu yidhi: βMa waxaad la yaaban tahay ridanβ¦ ma cuni karto khudradani aan beerayβ¦ khudrada waan dabiibayβ¦β, waan u qaadan waayay waxan uu ninkani sheegayo, ma runbaa mise beenβ¦ wuxuu ii raaciyay hadalkii βMarkaanu itoobiya joognay, dameerka lagu soo dhaansado waanu dabiibi jirnay, markaa hadii uu kaa lumo waraabaha iyo xayawaanku ma cunayaan, dameerkii oo nool ayaad soo helaysaaβ¦β
Ma waxaad la yaaban tahay ridan!