Wuxuu illaaliyaa guri ka mid ah, guryaha waaweyn ee magaalada ku yaala, wuxuu I arkay, aniga oo ku dhaygagsan meel guriga albaabkiisa ah, oo ay riโ joogto, ridu hareeraha ayaa ay eeg-eegaysaa, iyada oo gaajaysan, oo wax ay cunto raadinaysa, halkan albaabka hortiisa ee ridu joogto waxa ninkani ku beeray khudrad, inta ay kolba soo duljoogsato, oo ay ursato ayay dhaafaysaa, mana cunayso, hadana waxay cunto ayaa ay raadinaysaa, ninkii isaga oo dhoola-cadaynaya ayuu igu yidhi: โMa waxaad la yaaban tahay ridanโฆ ma cuni karto khudradani aan beerayโฆ khudrada waan dabiibayโฆโ, waan u qaadan waayay waxan uu ninkani sheegayo, ma runbaa mise beenโฆ wuxuu ii raaciyay hadalkii โMarkaanu itoobiya joognay, dameerka lagu soo dhaansado waanu dabiibi jirnay, markaa hadii uu kaa lumo waraabaha iyo xayawaanku ma cunayaan, dameerkii oo nool ayaad soo helaysaaโฆโ
Ma waxaad la yaaban tahay ridan!