Waxay isku dhaceen oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay nin tuulada u ahaa sheekhii wax dabiibayay, kadib ninkii wuu xanuunsaday, inuu sheekhii ay isku dhaceen u tagaana way ku adkaatay, dadkii tuulada ay wada deganaayeen ayaa kula taliyay inuu sheekha soo raaligaliyo oo u tago, maxaa yeelay; ninkii marba marka ka dambeysa xanuunku wuu ku sii badanayay, maalintii dambe ayuu goβaan ku gaadhay inuu sheekhii ay isku dhaceen u tago, kadib sheekhii markuu arkay ninkii ay coloobeen, oo ugu yimid inuu dabiibo, wuu u qaadan waayay, sheekhii intuu qardhaas u sameeyay ayuu ku yidhi βXidho Qardhaastaasi waad bogsanneβ¦β, ninkii markii uu qardhaastii xidhay, xannuunkii hayay ee uu la itaalka darnaa wuu ka baβay, in muddo ah ayuu ninkii qardhaastii xidhnaa, berri dambe ayay qardhaastii ka duugowday, oo waxa ka debcay xadhigii ku marnaa, kadib wuxuu goβaansaday inuu bal arko qardhaasta waxa ku jiray, markii uu furfuray wuxuu ugu tagay warqad, warqada waxa ku qoran βAabahaa iyo Inantiinabaβ¦ Ma iga maarmi weydayβ, ninkii wuu u qaadan waayay, waxaanu isweydiiyay βWaar malaha caydani kumaad bogsanβ¦β
Qardhaastii Hadalka Yaabka Lihi ku Qornaa !