Qardhaastii Hadalka Yaabka Lihi ku Qornaa !

Waxay isku dhaceen oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay nin tuulada u ahaa sheekhii wax dabiibayay, kadib ninkii wuu xanuunsaday, inuu sheekhii ay isku dhaceen u tagaana way ku adkaatay, dadkii tuulada ay wada deganaayeen ayaa kula taliyay inuu sheekha soo raaligaliyo oo u tago, maxaa yeelay; ninkii marba marka ka dambeysa xanuunku wuu ku sii badanayay, maalintii dambe ayuu goโ€™aan ku gaadhay inuu sheekhii ay isku dhaceen u tago, kadib sheekhii markuu arkay ninkii ay coloobeen, oo ugu yimid inuu dabiibo, wuu u qaadan waayay, sheekhii intuu qardhaas u sameeyay ayuu ku yidhi โ€œXidho Qardhaastaasi waad bogsanneโ€ฆโ€, ninkii markii uu qardhaastii xidhay, xannuunkii hayay ee uu la itaalka darnaa wuu ka baโ€™ay, in muddo ah ayuu ninkii qardhaastii xidhnaa, berri dambe ayay qardhaastii ka duugowday, oo waxa ka debcay xadhigii ku marnaa, kadib wuxuu goโ€™aansaday inuu bal arko qardhaasta waxa ku jiray, markii uu furfuray wuxuu ugu tagay warqad, warqada waxa ku qoran โ€œAabahaa iyo Inantiinabaโ€ฆ Ma iga maarmi weydayโ€, ninkii wuu u qaadan waayay, waxaanu isweydiiyay โ€œWaar malaha caydani kumaad bogsanโ€ฆโ€

error: Fadlan Lama Ogola !!