Xataa hooyadiisii dhashay ayuu habar-yar ugu yeedhaa!

Dukaan weyn ayuu galay si uu wax uga iibsado.

Waxa uu arkay haweenay gees kasta oo uu u dhaqaaqo daba socota.

Wuu istaagay.

Waa uu eegay.

Hooyo maxaa Kuu daran buu yidhi?

Waxa ay ku tidhi raalli noqo, waxa aad u eegtahay wiil aan dhalay oo dhintay.

Erayga โ€œhooyoโ€ ee aad I tidhina dareen gaar ah buu ii sameeyay!

Wuu ka naxay!

Markaas buu daymo naxariis leh buu ku eegay.

Waaba indhihii gabadha oo ilma ku joogsatay!

Iyada oo albaabkii laga baxayay u dhow ayaa ay wiilkii ku tidhi: hooyo I dheh markii ugu danbaysay aan inankaygii xasuustee!

Inta uu dhawaaqay ayuu ugu naadiyey โ€œhooyooyโ€!

Ma ay soo eegin! Saddex jeer oo kale ayaa uu cod Aad u dheer ugu dhawaaqay โ€œhooyooyโ€ โ€œhooyooyโ€โ€œhooyooyโ€!

Wiilkii oo qiiraysan Inta ay soo eegtay bay gacan haadis nabad gelyo ah u taagtay, oo iyana ay albaabka ka boodday!

Markii uu maqalhayihii dul yimid si uu xisaabtii u bixiyo, ayaa lagu yidhi $15 waa adiga, $250 hooyadaa ayaa kugu reebtay! Iyo hooyadee?

Dee tii aad tobanka jeer hooyada haysay! Iyada ayaa tidhi inankayga ayaa bixinaya!

Yarkii wixii maalintaa ka danbeeyay, xataa hooyadiisii dhashay ayaa uu โ€œ habar yarโ€ ugu yeedhaa!โ€

Waxa Qoray: Cabdiraxmaan Alkheyraat

error: Fadlan Lama Ogola !!