Waa ku aan wali dhadhamin macaanka iyo wanaaga ay Diinteenu leedahay, waxaa uu yidhi: βWaar Diintani dadka gacmaha iyo lugaha jaraysa, ee badhna dhagaxa ku dilaysa, badhna shaanbuuga la dhacaysa, miyaa β¦β,
Kadibna waxa la weydiiyay: Ma Gaal baad tahay, oo wax baad hoosta ku qarinaysaa?
Inta uu cadhooday Kuye! Mayee Muslim baan ahay, Ma adiga ayaa gaal naga dhigayaβ¦
Hadaa miyaad sinaysataa, oo tumashada ayaad taqaannaa?
Inta uu sii cadhooday ayuu yidhi: Waar oori xalaal ah ayaanu haysanaa, maxaanu sinno uga baahan nahayβ¦
Hadaa ma tuug baad tahay, oo wax-qaadka ayaad taqaan?
Kuye! Jawβ¦ Illaahayba iimuu baahinin wax dad kale leeyihiin, arsaaqda uu I siiyay ayaa iga badanβ¦
Hadaa ma khamriga iyo xashiishada ayaad cabtaa?
Kuye! Waligayba afkaygaa ma saarinβ¦
Hadaa ma cayda iyo af-lagaadada ayaad taqaannaa?
May! qof dhib iga sheegtay wali maan arag, cayna hadalkeedaba daaβaβ¦
Illaahay cilmigiisu badanaa, hadaa maxaad diinta uga soo horjeedaa? Islaamku waa Diintii wanaaga, horumarka, farxada iyo walaalnimada abuuraysay, qof xun oo xumaan isku og, oo is-leh xumaantaasi ayaa xeer-ciqaabeedkeedii lagugu fulini, ayaa uun baa Diintani nacaya ama ka soo hor jeedsanaya.