Diintan Dadka Gacmaha iyo Lugaha Jareysa…

Waa ku aan wali dhadhamin macaanka iyo wanaaga ay Diinteenu leedahay, waxaa uu yidhi: โ€œWaar Diintani dadka gacmaha iyo lugaha jaraysa, ee badhna dhagaxa ku dilaysa, badhna shaanbuuga la dhacaysa, miyaa โ€ฆโ€,

Kadibna waxa la weydiiyay: Ma Gaal baad tahay, oo wax baad hoosta ku qarinaysaa?

Inta uu cadhooday Kuye! Mayee Muslim baan ahay, Ma adiga ayaa gaal naga dhigayaโ€ฆ

Hadaa miyaad sinaysataa, oo tumashada ayaad taqaannaa?

Inta uu sii cadhooday ayuu yidhi: Waar oori xalaal ah ayaanu haysanaa, maxaanu sinno uga baahan nahayโ€ฆ

Hadaa ma tuug baad tahay, oo wax-qaadka ayaad taqaan?

Kuye! Jawโ€ฆ Illaahayba iimuu baahinin wax dad kale leeyihiin, arsaaqda uu I siiyay ayaa iga badanโ€ฆ

Hadaa ma khamriga iyo xashiishada ayaad cabtaa?

Kuye! Waligayba afkaygaa ma saarinโ€ฆ

Hadaa ma cayda iyo af-lagaadada ayaad taqaannaa?

May! qof dhib iga sheegtay wali maan arag, cayna hadalkeedaba daaโ€™aโ€ฆ

Illaahay cilmigiisu badanaa, hadaa maxaad diinta uga soo horjeedaa? Islaamku waa Diintii wanaaga, horumarka, farxada iyo walaalnimada abuuraysay, qof xun oo xumaan isku og, oo is-leh xumaantaasi ayaa xeer-ciqaabeedkeedii lagugu fulini, ayaa uun baa Diintani nacaya ama ka soo hor jeedsanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!