Laba nin oo wada socda, ayaa waxa ka soo horbaxay nin sita Waran fiican, gaar ahaan noocii loo yaqaanay KAAL.

Labadii nin mid ka mid ah, ayaa damcay inuu ninka waranka ka qaato, kadibna wuxuu saaxiibkii ku yidhi: waar waan kaga murmayaaye, adigu markhaati uun ii noqo,

Saaxiibkiina wuu ka ogolaaday markhaati been ah inuu u furo,
Waxay iskula tageen odayo u gar qaada, waxaanay u bilaabantay gartii sidan:-
ODAYO: maxaad isku haysataan.
DAMAACI: ninkani Warankan uu sito anigaa leh, waxaana ii markhaati ah ninkan (saaxiibkii ayuu sheegayaa).
ODAYO: waar adna Waran-sitoow bal hadalโฆ
WARAN-SITE: horta warankani anigu ma lihi, aan se idiin sheego sidii uu igu soo galay, maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka daba imid aabahay oo geellayaga la socday, kadib waxaan arkay aabahay oo meyd ah, oo geed hoos yaalla, oo warankani wadnaha kaga taagan yahay, markaa hadii uu ninkani sheegay inuu leeyahay warankani, dee ha la ii qabto wuxuu dilay aabahayeโฆ



