Waxay isku dhaceen oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay nin tuulada u ahaa sheekhii wax dabiibayay, kadib ninkii wuu xanuunsaday, inuu sheekhii ay isku dhaceen u tagaana way ku adkaatay, dadkii tuulada ay wada deganaayeen ayaa kula taliyay inuu sheekha soo raaligaliyo oo u tago, maxaa yeelay; ninkii marba marka ka dambeysa xanuunku wuu ku sii badanayay, maalintii dambe ayuu goโaan ku gaadhay inuu sheekhii ay isku dhaceen u tago, kadib sheekhii markuu arkay ninkii ay coloobeen, oo ugu yimid inuu dabiibo, wuu u qaadan waayay, sheekhii intuu qardhaas u sameeyay ayuu ku yidhi โXidho Qardhaastaasi waad bogsanneโฆโ, ninkii markii uu qardhaastii xidhay, xannuunkii hayay ee uu la itaalka darnaa wuu ka baโay, in muddo ah ayuu ninkii qardhaastii xidhnaa, berri dambe ayay qardhaastii ka duugowday, oo waxa ka debcay xadhigii ku marnaa, kadib wuxuu goโaansaday inuu bal arko qardhaasta waxa ku jiray, markii uu furfuray wuxuu ugu tagay warqad, warqada waxa ku qoran โAabahaa iyo Inantiinabaโฆ Ma iga maarmi weydayโ, ninkii wuu u qaadan waayay, waxaanu isweydiiyay โWaar malaha caydani kumaad bogsanโฆโ
Qardhaastii Hadalka Yaabka Lihi ku Qornaa !