{"id":7963,"date":"2026-06-21T12:56:22","date_gmt":"2026-06-21T12:56:22","guid":{"rendered":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?p=7963"},"modified":"2026-07-07T13:13:57","modified_gmt":"2026-07-07T13:13:57","slug":"itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/","title":{"rendered":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika"},"content":{"rendered":"\n<p>Aqoonsiga Itoobiya ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland, xaqiiq wuu ka macno weyn yahay aqoonsiyadda ay JSL ka hesho wadamada kale, maxaa yeelay; aqoonsiga Itoobiya waxa ku xidhan degenaanshaha iyo nabadda geeska Afrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Akhristoow; si aan kuu fahamsiiyo, oo kuugu faahfaahiyo ujeedada qodobkan sare iyo macnaha uu xambaarsan yahay ciwaanka qormadani, aan ku yar xasuusiyo woxogaa taariikh ah, oo ka mid sooyaalkii nololeed ee geeska Afrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii ay reer yurub warshadaha waaweyn sameysteen, ee ay kheyraadkii dhulkooda ku jiray arkeen inuu ka madhanayo, oo ay dheeraad u baahan yihiin, waa kuwii hindisay inay soo qaataan kheyraadka qaaradaha kale ku jira, oo xoog iyo xeelad ba ku soo daldashaan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" width=\"447\" height=\"447\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-7969\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image.png 447w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-300x300.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-150x150.png 150w\" sizes=\"(max-width: 447px) 100vw, 447px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Shirkii iyo kulannadii ka dhacay magaalada Berlin 1884-1885, waxay reer yurub ku qaybsadeen qaaradda Afrika, qorshahoodii qaybsiga wuu ka hirgalay guud ahaan 55-ka dal ee Afrika, marka laga reebo laba dal oo iska diiday qorshahaasi iyo dal si gaar ah loo soo raaciyo, markaa guud ahaan afrika sadex dal ayuun baanu uga hirgelin sidii ay ugu talogaleen reer yurub:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Dalka 1aad waa Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, Ingiriisku wuxuu ogaa qabsasho in aanay suuragal ka ahayn Somaliland, maxaa yeelay; reer Somaliland waxay qaybsigii afrika kahor weerareen, oo qabsadeen doonidii Ingiriiska ee Mary Anne iyo hantidii saarneyd, kadibna dagaal aad u adag ayaa magaalada Berbera ku dhex maray reer Somaliland iyo Ingiriiska markii ay taariikhdu ahayd  January\/10\u201311\/1827, taasi waxay sababtay in Ingiriisku uu heshiis nabadeed ku yimaado dhulka Somaliland.<\/li>\n\n\n\n<li>Dalka 2aad waa Itoobiya, markii uu Talyaanigu doonay inuu qabsado, Itoobiya dagaal adag ayay kaga hortagtay, waxaanay talyaanigii ku jabisay dagaalkii caanka ahaa ee Adwa March\/1\/1896, guushaasi oo ilaa maanta ay Itoobiya sharaf badan kaga kasbatay qaaradda Afrika.<\/li>\n\n\n\n<li>Dalka 3aad waa Liberia, dhulkaasi oo xeebta galbeed ee qaaradda Afrika ku yaala, waa dal waagaa laga dhoofin jiray adoomaha la geynayo Amerika, kolkaa reer yurub dhulkaasina may qabsanin.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<p>Hadaba libintii waagaas, ee dadkeenii hore iyo awoowayaasheen inoo soo hooyeen, ee aynu maanta sida Itoobiya qiimo kaga dhex lahaan lahayn qaaradda Afrika iyo adduunkaba, waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay si-xun-wax-u-sheegyadii waagaa Somaliland joogay, kuwaasi oo ay ka sii farcameen argagixisadii waagaas jirtay ee Daraawiishta.<\/p>\n\n\n\n<p>Bal u fiirso; sanadkii 1935-kii ayaa baarlamaankii boqortooyada Biritishku ay weydiiyeen Ra&#8217;iisal-wasaarahoodii xilligaas su&#8217;aashan &#8220;<em>Dalka Somaliland ma colony aynu leenahay baa?<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu ugu jawaabay &#8220;<em>Maya, waa dal si&#8217;i inooga madax banaan<\/em>!&#8221; Yacni maaha dhul aynu qabsanay oo ka mid ah boqortooyadda Britain ayaa ra&#8217;iisal-wasaaraha jawaabtii uu baarlamaankiisa siiyay ahayd.<\/p>\n\n\n\n<p><a href=\"https:\/\/api.parliament.uk\/historic-hansard\/commons\/1935\/jul\/08\/british-somaliland\">Lifaaqan ka akhriso doodii waagaa dhex martay baarlamaanka Ingiriiska<\/a>: <a href=\"https:\/\/api.parliament.uk\/historic-hansard\/commons\/1935\/jul\/08\/british-somaliland\">Link<\/a><\/p>\n\n\n\n<p>Laakiin gudaha Somaliland sidee xaalku ahaa? iyada oo waagaa la wada ogaa in Ingiriisku uu ku joogo Somaliland heshiis ilaashiimo ah, oo ay wada galeen madaxdii qabaa&#8217;ilka Somaliland, ayaa hadana bulshadii reer Somaliland waxa loo sheegi jiray &#8220;<em>In ay gumeysi ku jiraan, oo Ingiriisku gumeysto&#8230;<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<p>Sida oo kale waagaa waxa iyana bilaabmay, oo si xawli ah uga dhex socday muslimiinta adduunka ururkii Ikhwaanul-Muslimiin iyo fikirkii uu xambaarsanaa, taasi oo sababtay in ay Somaliland yimaadaan rag badan oo wax ku soo bartay Cadan iyo Qaahira, oo fikirkii Ikhwaanu-Muslimiinka haysta.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadibna waxa cirka isku shareeray gumeysi la-dagaalankii la faafinayay, taasi oo keentay in dadkii ay la qabsadeen beentii lagu celcelinayay ee ahayd &#8220;<em>Ingiriisku wuu ina gumeystaa&#8230;<\/em>&#8221; waxaana bulshadii ka dhex bilaabmay dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoono gumeysi-diid ah, oo bulshada lagu guubaabinayay.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa isaguna dagaal toos ah ka waday dalka, ururkii Daraawiishta ee Maxamed Cabdile Xasan hogaamin jiray.<\/p>\n\n\n\n<p>Ina-Cabdile Xasan oo sita Kitaab iyo Weyso, ayaa Berbera ka soo degay, waloow uu fikirka xagjirka aaminsanaa, oo culimadii reer Berbera uu markiiba khaadyaan ka dhigay, hadana wax hadal iyo dood dhaafsiisan muu lahayn markaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Laakiin mid ka mid ah madax-dhaqameedkii aaminsanaa &#8220;<em>Ingiriisku waa gaal ina gumeysta&#8230; aynu iska kicinno&#8230;<\/em>&#8221; ayaa siiyay Ina-Cabdille Xasan taakuleyn mug iyo miisaan lahayd, taasi oo ahayd boqolaal faras iyo kumanaan geel ah, oo Ina-Cabdille Xasan ku bilaabay ururkiisii argagixisada ahaa ee Daraawiishta, rag badan oo kalena dagaalkii ayaa bay kala qayb galeen, oo way garab istaageen.<\/p>\n\n\n\n<p>Daraawiishtu muddo aad u badan ayay Ingiriiska iyo reer Somaliland ba kula dagaalamayeen fahamkooda diineed, ugu dambeyntiina Ingiriisku wuxuu u adeegsaday diyaarado, oo sidaasi ayay ku soo af-meerantay Daraawiishtii.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii ay Daraawiishtu meeshii ka baxday, waxa lala soo baxay kaadhkii labaad, oo ahaa inay dadka ku kiciyeen Ingiriiskii, kacdoonkaasina ay uga faa&#8217;iideysteen qadiyad markaa taagneyd, oo ahayd khiyaamadii Ingiriisku sameeyay oo markaa la ogaaday, bixintii dhulka Hawd iyo Reserve Area.<\/p>\n\n\n\n<p>Sanadkii 1945-kii ayaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay urur la magac baxay Xisbullaahi, kaasi oo hadana mar kale magacaa laga bedelay, oo loo bixiyay SNS(Somali National Society) ururkaasi shaqadiisa ugu weyni waxay ahayd gubaabinta dadweynaha iyo abaabulka kacdoonadii gumeysi-diidnimada.<\/p>\n\n\n\n<p>Sanadkii 1951-kii ayaa magaalada Burco shirweyne ka dhacay, kadibna ururkii SNS(Xisbulaahi) ayaa xuub-dhacsaday, oo noqday urur-siyaasadeedkii SNL(Somali National League) waxaana ku soo biiray siyaasiyiin iyo aqoonyahanno uu ka mid ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHU, oo hogaan u noqday ururkii SNL.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadibna hawshii ururku waxay isku bedeshay siyaasad nidaamsan, oo qalinka iyo dooda macquulka ah ayaa loo wareegay, arrinkii na wuxuu noqday in laga guuro habkii hore ee ahaa caadifadda iyo kacdoonadda bulshada ee Ingiriis la-dagaalanka ah, <\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu BBC-da u sheegay Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib &#8220;<em>markii la ogaaday in ciidamo Itoobiyaan ahi joogaan dhulkii hawdka, ardeydii reer Somaliland oo Cumar Carte na ku jiro ayaa Ingiriiskii ka codsaday inuu dalxiis ahaan u geeyo dhulkoodii Hawdka, si ay u soo bartaan, kadibna ilaa Wardheer iyo Walwaal ayay gaadheen, markii ay soo noqdeen na ay Ingiriiskii weydiiyeen:<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Maxaa ardeydayada ka imanaysa Hawdka, ee imanaysa dugsiga Sheekh, ay ilaa halkaasi u soo soconayaan, oo ay Wardheer iyo Walwaal iyo halkooda aad iskuulo Ingiriisoow ugu sameyn wayday?<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Dhulkaa Hawdku waa dhulkayagiiye, maxay ka qabanayaan ciidamadii Itoobiyaanka ee joogay?<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<p>Halkaa aad ugu fiirsada, Itoobiya xoog kumay qabsanin Hawd, laakiin hadyad ahaan ayaa Ingiriisku ku siiyay, cidda khiyaamada sameysay ee heshiiskii ilaashiimada ahaa ee Somaliland ay kula jirtay ka baxday waa Ingiriis, markaa reer Somaliland cidda ay qadiyadaasi kala xaalayaan waa Ingiriis, laakiin maxaa dhacay?<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-default is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"684\" data-id=\"8016\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-10-1024x684.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-8016\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-10-1024x684.png 1024w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-10-300x200.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-10-768x513.png 768w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-10.png 1131w\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img decoding=\"async\" width=\"673\" height=\"1024\" data-id=\"8001\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-7-673x1024.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-8001\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-7-673x1024.png 673w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-7-197x300.png 197w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-7-768x1168.png 768w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-7.png 868w\" sizes=\"(max-width: 673px) 100vw, 673px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n\n\n\n<p>Iyaga oo ka faa&#8217;iideysanaya qadiyadaa taagneyd, waxay si-xun-wax-u-sheegyadii dadkii ku abuureen cabsi iyo kacdoon habowsan, oo halku-dhig looga dhigay &#8220;<em>Itoobiya mar hadii ay Hawd qabsatay, Hargeysa iyo Berbera ayaa ku xiga, waar bi&#8217;i waayee ka kacaay&#8230;<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<p>Cumar Carte wuxuu yidhi: &#8220;<em>Shacabkii reer Hargeysa oo budad iyo baangado sita ayaa xaruntii baarlamaanka Hargeysa ku soo xoomay, waxaanay khasab kaga dhigeen baarlamaankii, in Soomaaliya lala midoobo&#8230;<\/em>&#8221; yacni in gaashaanbuur la sameeyo si Itoobiya aynu isaga celin karno.<\/p>\n\n\n\n<p>Eeg; waxa dhacay wuxuu ahaa khiyaamo sharci, oo Ingiriis oo ay reer Somaliland heshiis ugu dhiibeen dhulkooda (full-authority) ayaa khiyaameeyay reer Somaliland, Itoobiya hadal inoogamuu banaanayn ileyn waxba inagamay dhaxeynine, waa ta keentay in madaxdeenii waagaasi Alle ha u naxariisto dhamaantoode ay London ugu tageen madaxdii boqortooyada Ingiriiska.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-default is-cropped wp-block-gallery-2 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"533\" height=\"484\" data-id=\"8013\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-9.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-8013\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-9.png 533w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-9-300x272.png 300w\" sizes=\"(max-width: 533px) 100vw, 533px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"640\" height=\"465\" data-id=\"8011\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-8.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-8011\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-8.png 640w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/image-8-300x218.png 300w\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n\n\n\n<p>Laakiin shacabkii reer Somaliland meel kale ayaa looga fad-gudiyay, oo waxa lagu abuuray cabsi Itoobiya, oo aan sharciyan markaa hadalba xageeda inooga furnayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Reer Somaliland maanta waxay xaqiiq u arkeen, in cabsidii waagaa lagu abuuray na ahayd khiyaamo labaad, oo looga gol lahaa uun in aynu tuurno gobonimadii aynu helnay oo kaliya, kolkaa waagaa laba dhirbaaxo oo waaweyn ayaa inagu dhacay.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Ingiriiskii oo ina khiyaameeyay, dhulkii aynu u dhiibaneyna hadyad u siiyay dal kale, taasi oo aan anigu u malaynayo inay ku kaliftay, markii uu arkay in reer Somaliland ay yihiin dad qab leh, oo aan la gumeysan karin, isla markaana uu ka dhigi kari waayay Colony uu Ingiriisku iska leeyahay, in cadhadii uu ka qaaday ay khiyaamadan u horseeday.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Iyo gobonimadii aynu helnay oo aynu tuurnay, gobonimadii ahayd in Ingiriisku inoo soo celiyay maamulkii dhulkeena ee aynu heshiiska ugu dhiibnay, oo si-xun-wax-u-sheegyadii waagaa jiray inagu yidhaahdeen tuura, oo meel daran geeya.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<p>Cabsidii waagaa la inagu khiyaameeyay, ee ahayd <em>Itoobiya ayaa ina qabsaneysa<\/em>, waxay keentay in ay reer Somaliland ku dhacaan godkii balaayaysnaa, ee reer Somaliland uu dhiiga badani kaga daatay, ee libintii awoowayaasheenna ay ku gabnowday.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"693\" height=\"691\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Shalay.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-7992\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Shalay.png 693w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Shalay-300x300.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Shalay-150x150.png 150w\" sizes=\"(max-width: 693px) 100vw, 693px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Hadaba ibtilada reer Somaliland haysataa waxay tahay, dhacdooyinka waayaha cashar kama bartaan, maxaa yeelay; ilaa maanta cabsidii waagaa la innagu khiyaameeyay weli way taagan tahay, waxaanay mar kale soo cusboonaatay dhawaan markii Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen heshiiskii badda ee MOU-ga, taasi oo siyaabo kala duwan loo xusayay, in Itoobiya heshiiskani uga gol lahayd inay dhulkeena iyo baddeena ku qaadanayso.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyada oo aynu wada ognahay, in Itoobiya dhulka iyo kheyraadkuba aanu ku yareyn, oo ay ka mid tahay 10ka dal ee afrika ugu dhul weyn, iyo dalka 27aad ee ugu dhul weyn adduunka, hadana weli dadkeena qaarkood cabsidii way ku jirtaa, budhcad-diineedyadu na sidii waagii uun bay kaadhkaasi u ciyaaraan, oo uga qortaan argagixisada, oo markay soomaalida argagixisanimada u qurxinayaan, waxay u adeegsadaan uun isla cabsidii waagii ee ahayd &#8220;<em>Itoobiya ayaa ina qabsaneysa&#8230;<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"701\" height=\"691\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Maanta.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-8002\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Maanta.png 701w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Maanta-300x296.png 300w\" sizes=\"(max-width: 701px) 100vw, 701px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Kolkaa aqoonsiga ay Itoobiya siiso Jamhuuriyadda Somaliland, wuu ka macno weyn yahay aqoonsiga ay dalalka kale siiyaan, maxaa yeelay; Itoobiya hadii ay aqoonsato Somaliland, waxa uu shacabka reer Somaliland uga dhigan yahay:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>In Itoobiya u cadeysay reer Somaliland, in ay ogoshahay oo ay ixtiraamayso xuduudaha dhulka Somaliland iyo kheyraadkiisaba, una yaqiinsan tahay in ay shacabka reer Somaliland leeyihiin, oo aan Itoobiya wax sheegasho ah ku lahayn.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>In shacabka reer Somaliland ay ka joogsato, cabsidii ay budhcad-diineedyada iyo si-xun-wax-u-sheegyadu muddada qarniga ku dhow ku cabsi-gelin jireen.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<p>Kolkaa waxaan aaminsanahay, hadii Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, in Itoobiyana ay si gobonimo leh kaga heli lahayd reer Somaliland badda ay u baahan tahay, si la mid ah sida umadaha kale ee aduunkuba ay u wada manaafacaadsadaan kheyraadka.<\/p>\n\n\n\n<p>Hadda ogow; cabsidan ah &#8220;<em>Itoobiya ayaa ina qabsanaysa&#8230;<\/em>&#8221; cidda loo jeedo in lagu dhibaateeyaa mar kasta waa Itoobiya, maxaa yeelay; <\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Waagii reer Somaliland cabsidaa lagu abuuray, ee kadibna ay gobonimadoodii tuureen, magacii Soomaaliwayn ee loogu bedelay, waa tii ujeedadiisii noqotay uun dagaalladii Itoobiya lala galay.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Maantana budhcad-diineedyadu cabsidan ah &#8220;<em>Itoobiya ayaa ina qabsaneysa&#8230;<\/em>&#8221; wuxuun bay uga jeedaan in iyaga oo adeegsanaya magac diineed, ay dagaal balaadhan ku qaadaan Itoobiya, dhamaan waxaa kale ee argagixisonimo ah, ee ay soomaalida ka dhex fuliyaan\/sameeyaan, waa uun wadadii ay u mari lahaayeen dagaal ay Itoobiya ku qaadaan, oo ay sii xaadhanayaan.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"559\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-1024x559.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-7990\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-1024x559.png 1024w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-300x164.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-768x419.png 768w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png 1408w\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Markaa cabsidan muddada badan soo jirtay, mar hadii cidda 1aad ee ku dhib qabtaa tahay Itoobiya, maxay Itoobiya meesha uga saari wayday cabsidaasi, si ay uga hortagaan dhibaatadaa ku soo maqan?<\/p>\n\n\n\n<p>Maxay Itoobiya albaabkaa argagixisadu ka soo galaan geeska afrika, ay inooga xidhi waayeen, si uu gobolkan geeska Afrika u noqdo meel nabdoon?<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"559\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_tte3x9tte3x9tte3-1024x559.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-7964\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_tte3x9tte3x9tte3-1024x559.png 1024w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_tte3x9tte3x9tte3-300x164.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_tte3x9tte3x9tte3-768x419.png 768w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_tte3x9tte3x9tte3.png 1408w\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Waxa kale oo iyana jirta; soomaalida kililka 5aad ee Itoobiya, iyagana argagixisada markay ka qoranayaan budhcad-diineedyadu, waxay ku yidhaahdaan &#8220;<em>Itoobiya ayaa idin haysata ama xabashi ayaa idin gumeysata&#8230;<\/em>&#8221; kolkaa gobolkaa soomaalida Itoobiya na si aan looga qoran argagixiso, waxa ku filayd in dawlada Itoobiya ay dib-u-eegis ku sameyso xaaladiisa, oo la siiyo status ama maqaam la mid ah ka kililada kale ee Itoobiya, iyo in la abuuro strategy-ad keenta in qofka soomaali-Itoobiyaanka ahi, uu shaki la&#8217;aan u yaqiinsado inuu Itoobiya isagu leeyahay, oo ay dalkiisii hooyo tahay xaq ahaan iyo xuquuq ahaan ba, oo uu la siman yahay muwaadiniinta kale ee Amxaarada, Oromada, Tigrayga iyo guud ahaan reer Itoobiya dhamaantood.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Why does Ethiopia left open, the biggest door that help terrorist organisation&#8217;s, the recruitment of the Somali jihadists?<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Do you know, Ethiopia is the only country that can make the horn of Africa a region of peace, because it has the one and only key to permanently lock, the door that most of the chaos and insecurities in this region came in?<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Do you know that since 60&#8217;s till now, the terrorist organisations was using for their somali jihadist recruitments, a scary rumours they share among somalis, which is &#8220;<em>Ethiopia is annexing our\/your land<\/em>&#8220;<\/li>\n<\/ul>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabsidii waagaa la inagu khiyaameeyay, ee ahayd Itoobiya ayaa ina qabsaneysa, waxay keentay in ay reer Somaliland ku dhacaan godkii balaayaysnaa, ee reer Somaliland uu dhiiga badani kaga daatay, ee libintii awoowayaasheenna ay ku gabnowday.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7990,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,61],"tags":[],"class_list":["post-7963","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qormo","category-siyaasad"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-150x150.png","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-300x164.png","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-768x419.png","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-1024x559.png","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Cabsidii waagaa la inagu khiyaameeyay, ee ahayd Itoobiya ayaa ina qabsaneysa, waxay keentay in ay reer Somaliland ku dhacaan godkii balaayaysnaa, ee reer Somaliland uu dhiiga badani kaga daatay, ee libintii awoowayaasheenna ay ku gabnowday.","magazineBlocksPostCategories":["Qormo","Siyaasad"],"magazineBlocksPostViewCount":66,"magazineBlocksPostReadTime":10,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png",1408,768,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-300x164.png",300,164,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-150x150.png",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-61\">Siyaasad<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Cabsidii waagaa la inagu khiyaameeyay, ee ahayd Itoobiya ayaa ina qabsaneysa, waxay keentay in ay reer Somaliland ku dhacaan godkii balaayaysnaa, ee reer Somaliland uu dhiiga badani kaga daatay, ee libintii awoowayaasheenna ay ku gabnowday.\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-06-21T12:56:22+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2026-07-07T13:13:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-1024x559.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1024\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"559\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"11 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika\",\"datePublished\":\"2026-06-21T12:56:22+00:00\",\"dateModified\":\"2026-07-07T13:13:57+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\"},\"wordCount\":1917,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png\",\"articleSection\":[\"Qormo\",\"Siyaasad\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\",\"name\":\"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png\",\"datePublished\":\"2026-06-21T12:56:22+00:00\",\"dateModified\":\"2026-07-07T13:13:57+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png\",\"width\":1408,\"height\":768},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Cabsidii waagaa la inagu khiyaameeyay, ee ahayd Itoobiya ayaa ina qabsaneysa, waxay keentay in ay reer Somaliland ku dhacaan godkii balaayaysnaa, ee reer Somaliland uu dhiiga badani kaga daatay, ee libintii awoowayaasheenna ay ku gabnowday.","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2026-06-21T12:56:22+00:00","article_modified_time":"2026-07-07T13:13:57+00:00","og_image":[{"width":1024,"height":559,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7-1024x559.png","type":"image\/png"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"11 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika","datePublished":"2026-06-21T12:56:22+00:00","dateModified":"2026-07-07T13:13:57+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/"},"wordCount":1917,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png","articleSection":["Qormo","Siyaasad"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/","name":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png","datePublished":"2026-06-21T12:56:22+00:00","dateModified":"2026-07-07T13:13:57+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/Gemini_Generated_Image_hpx7w0hpx7w0hpx7.png","width":1408,"height":768},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/06\/21\/itoobiya-waxay-haysaa-furaha-nabadda-ee-geeska-afrika\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Itoobiya waxay haysaa furaha nabadda ee Geeska Afrika"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":62,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7963","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7963"}],"version-history":[{"count":39,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7963\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8024,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7963\/revisions\/8024"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7990"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7963"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7963"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7963"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}