{"id":6328,"date":"2024-09-01T18:29:17","date_gmt":"2024-09-01T18:29:17","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=6328"},"modified":"2025-12-09T16:17:01","modified_gmt":"2025-12-09T16:17:01","slug":"tuugii-aw-saliid-saliidle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/","title":{"rendered":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle)"},"content":{"rendered":"\n<p>Nin baa wuxuu ka sheekeeyay berigii 90-aadkii, tuug itixaan ah oo ugu soo dhacay bakhaar uu keligii dhex hurday.<\/p>\n\n\n\n<p>Isaga oo sifeynaya tuugii u soo dhacay ayaa wuxuu yidhi: <\/p>\n\n\n\n<p><em>Wuxuu ahaa nin gaaban oo dhulka u dhaw, oo show markaa uu soo dhacayay uun madaxa na soo dhukurtay, waxaan ku gartay sidaan gun xagtin leh iyo xaadi toona ugu oolin madaxiisa, calashaan sibibix weeyi madaxiisu lagu silbanayo\u2026<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full is-style-rounded\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" width=\"299\" height=\"168\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/image.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-6329\"\/><\/figure>\n\n\n\n<p><em>Waxa dhukurnaanta timaha kaba sii daran, waa mudh iyo gacan, calashaan dharkii oo dhan wuu iska soo wada bixiyay, inkaarqabuhu markaasuu saliidna isku soo dhabooqay, oo jidhkiisa oo dhan xag walba soo marsaday, sida ay saliidu uga da&#8217;ayso korkiisa waxaan u malaynayaa inuu daasad Ok-dii ah dusha isaga keenay, yacnii inuu saliid ku soo maydhay ayaad moodaa\u2026<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img decoding=\"async\" width=\"225\" height=\"225\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/image-1.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-6332\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/image-1.png 225w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/image-1-150x150.png 150w\" sizes=\"(max-width: 225px) 100vw, 225px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Kadibna xilli qiyaastii noqonaysa saq-badhkii, ayaa tuugaa qaawan ee saliida isku soo dhabooqay, uu iiga soo dhacay meel uu maalinkii show sii dalooshaday.<\/p>\n\n\n\n<p>Isaga oo maqalkii lacagta ka jabinaya qufulkii ku xidhnaa, ayaa uun baan ku toosay dhawaqa dubihii uu la dhacayay qufulka.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadibna aniga oo indhaha maraanmaranaya, oo ileyn hurdadii baa igu badh go&#8217;dayoo waa xili xun eh, ayaan si hambabarsan u idhi: <em>Waar waa ayo\u2026 Waa kuma ninka wax tumayaa\u2026<\/em><\/p>\n\n\n\n<p>Kuye: <em>naa baajuun yahay buuqa naga daa, dadka ha nagu toosinne\u2026<\/em><\/p>\n\n\n\n<p>Waar ninku indho-adagaa, anigii ayaabu ii hanjabayaa, inta aan xagiisii u soo dhaqaaqay, ayaan dagaal ku bilaabay, ileyn gartay oo waa tuug eh, feedh iyo laag iyo gacan-qaadis ayaan kolba la tiigsadaa, marka aan ku dhufto ayaan dib uga soo gurtaa, bal inuu cararo inkaarme markaad xanuujiso, ileyn waa tuuge.<\/p>\n\n\n\n<p>Bal cilmiga Illaahay; isagu ilama ba dagaalamo&#8217;e hawshiisa ayuu iska wataa, oo dubihii ayaa uu la dhacayaa qufulkii, mar marka aan aad ugu soo dhawaado ama jugta aan ku badiyo, ayaa uu igu waabiyaa dubaha, oo dib aan uga soo boodaa ileyn waa dubbe&#8217;e, weliba madaxa dubaha weynidiisa waxaad garanaysaa inuu ahaa tuug sii arkay qufulka ku xidhan khasnadda ama maqalka bakhaarka, ileyn waa kan soo qaatay dubbihii jabintiisa ku haboonaaye.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii uu carari waayay si kasta oo aan feedh iyo laag ula dhacay, waxaan ku tashaday oo aan is-idhi <em>qabo&#8217;oo ku dhag<\/em> hadaba&#8230;<\/p>\n\n\n\n<p>Bal itixaanka <strong>Illaahay<\/strong>; gacantiiba ha kuu qaban karto, halkii aan qabtaaba way ii soo siibataa uun, xataa feedhka iyo laadka ayaa mararka qaarkood ka silbanayay, inta uu xariifnimadiisa dhinac isku barbariyo, dhowr goor ayaa feedhkii inta uu ka silbaday korkiisa, aan ku dhuftay jiingadii ama mafrashii alaabtu taalay.<\/p>\n\n\n\n<p>Woxogaa kadib na waxaa u furmay qufulkii oo kala jabay.<\/p>\n\n\n\n<p>Bal hadda eeg waan dhex joogaa bakhaarka, oo weliba la dagaalamayaa, isna gasta oo uu ii jaro markaan ku dhufanayo feedh, ama dib uu iiga yara baxo kolkaan laagayo, amaba dubaha oo uu ila soo tiigsado, anna aan dib uga cararo mooyee, hawshiisa iyo jebinta qufulka mar kaliya kama uu joogsanayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii uu qufulkii jabiyay, inta uu maqalkii furay ayuu la baxay lacagtii oo habeysan \ud83d\udcb8<\/p>\n\n\n\n<p>Ciil weynaa; xalay oo dhan ayaan habaynayay \ud83d\udcb8, oo aan midba mid dulsaarayay noodhisku \ud83d\udcb8 sida ay u kala cadad weyn ama yar yihiin \ud83d\udcb8, bal hadii ay dhex daadsanaan lahayd uun lacagtu maqalka, sow wuxuun kamay hadheen marka uu cararo.<\/p>\n\n\n\n<p>Lacagtii oo habeysan \ud83d\udcb8 labada geesoodna uu cinjir kaga xidhan yahay, ayuu qaatay oo la cararay \ud83d\udcb8, kadibna halkii dalooshay ee uu jiingada ka soo galay, ayuu sidii dabaasha (diving) isugu tuuray.<\/p>\n\n\n\n<p>Anna inta aan ka daba booday, ayaan labada cagood ku dhagay, oo dib u soo jiiday.<\/p>\n\n\n\n<p>Bal hadaba ibtilo waa tane; adba xajin kar oo gacmuhu ha hayn karaan ba, isagu hore ayuu isu riixayaa si uu daloolka uga duso, labadii gacmood ee aan isugu geeyay xajintiisuna dib ayay uga soo siibanayaan, oo waan arkayaa, dee maxaan sameyn.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii aan arkay inuu iga wada muruxsanayo, oo halkii dalooshay uu dibada uga baxayo, qaarkiisii horena dibada joogaba, ayaan ciilkii dhabarka iyo qaarka dambe kaga tuntay, oo ku joog-joogsaday, marna tantoomooyin bilaa tudhaale ah kala dhacay, se waxaan jugeeyaba toos ayuu uga baxay daloolkii.<\/p>\n\n\n\n<p>Ogowoo mudada ay waxaas oo dhami ku dhacayaan 5-daqiiqo kama badna, markii aan ku soo toosay ilaa iyo markaa uu daloolka ka baxay, awawgii la gub wuxuu ahaa xariif gacantu u fadhido, oo diyaarsan, weliba bakhaarka sii sahansaday, oo halka uu soo dalooshaday iyo, halka maqalka lacagtu ku yaallo iyo, qufulka ku xidhan khasnadu inta uu leeg yahay iyo, wax badan sii deraaseeyay ayuu ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Inta aan albaabkii furay, ayaan ka daba tagayoo aan daba cararay, oo igamuu dheeraynine waan gaadhay kolkiiba, markii ay iigu dhawayd in aan qabto, waxay ahayd markii uu deyr ama gidaar doonay inuu fuulo, kadibna aan ku dhagay dhexda, oo labadaydii gacmood intaan dhexdiisa isugu geeyay, aan midba mid ku maray si xoog ah, calashaan waxaad moodaa in aan labadayda gacmood sidii xadhiga oo kale isugu guntay, ciilka i haya darteed.<\/p>\n\n\n\n<p>Bal xariifnimadiisa; sidii giraanta waa kaa isu wareejiyay, oo kolna wejigiisu isoo eego, kolna qadaadku igu soo jeestay, korna wuu isu caabinayaa isaga oo gidaarkii cuskanaya, si uu uga dhumbado gacmaha aan ku xajinayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii aan gartay inuu iga sii dhumbanayo, oo isna kor u socdo, labadaydii gacmood ee giraanta uu ku dhex jiro aan ka dhigayna, ay siibanayaanoo hoos u sii socdaan, misgaha kolkii ay joogeen oo uu toos uga wada dhex baxayo, waanigaa bahal qaniinyo ah ku dhajiyay.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadibna dubihii oo meel madaxa u dhaw uu haysto, ayuu halkaa dhakada ama nasinta igaga jugeeyay, ileyn caadi iilamuu tiigsan karaynin oo waanigan ku maran&#8217;e, calashaan madaxii dubaha iyo gacantiisii oo wada socda ayuu igu feedhay, markaas ayaan xanuunkii sii daayay, oo uu isna gidaarkii ka dhacay.<\/p>\n\n\n\n<p>Woxogaa ayaan sii daba orday, se markii uu ila fogaaday oo suuqii uu igala baxay, ayaa inta aan dhagax faraqa ka buuxsaday, shiid iyo cayuun ku harqiyay, mooyaan dhagaxaantii aan ku tuuray in qaar ku dhaceen iyo in kale, kadibna waan isaga soo hadhay.<\/p>\n\n\n<div class=\"mzb-banner-posts mzb-banner-posts-d0387e3d  mzb-heading-layout-2-style-1\"><div class=\"mzb-post-heading mzb-heading-layout-2 mzb-heading-layout-2-style-1\"><h2 class=\"mzb-heading-text\">SHEEKOOYIN KALE<\/h2><div class=\"mzb-view-more\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/category\/qormo\/sheeko\/\" rel=\"nofollow\">\n                <p>Eeg Dhamaan<\/p><svg aria-hidden=\"true\" focusable=\"false\" width=\"24\" height=\"24\" class=\"magazine_blocks-icon\" xmlns=\"https:\/\/www.w3.org\/2000\/svg\" viewBox=\"0 0 24 24\"><path d=\"M21.8 12l-7-6v5H2v2h12.8v5l7-6z\" \/><\/svg>\n            <\/a><\/div><\/div><div class=\"mzb-posts mzb-layout-3 mzb-layout-3-style-1\"><div class=\"mzb-post mzb-first-post--highlight\"><div class=\"mzb-featured-image opacity\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/02\/02\/takhsiinta-ii-sii-hay\/\" alt=\"Takhsiinta ii sii hay !\"\/><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image.png\" alt=\"Takhsiinta ii sii hay !\"\/><\/a><\/div><div class=\"mzb-post-content\"><div class=\"mzb-post-meta\"><span class=\"mzb-post-categories\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/category\/qormo\/\" rel=\"category tag\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/category\/qormo\/sheeko\/\" rel=\"category tag\" class=\"category-link category-link-56\">Sheeko<\/a><\/span><\/div><h3 class=\"mzb-post-title\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2026\/02\/02\/takhsiinta-ii-sii-hay\/\">Takhsiinta ii sii hay !<\/a><\/h3><div class=\"mzb-post-entry-meta mzb-meta-separator--outline-circle\"><\/div><\/div><\/div><div class=\"mzb-post\"><div class=\"mzb-featured-image opacity\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2025\/04\/27\/waabu-soo-qurux-badnaanayaa\/\" alt=\"WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA\"\/><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/2f5843b5-37ef-4dac-a9b2-b154e29038e0.png\" alt=\"WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA\"\/><\/a><\/div><div class=\"mzb-post-content\"><h3 class=\"mzb-post-title\"><a href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2025\/04\/27\/waabu-soo-qurux-badnaanayaa\/\">WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA<\/a><\/h3><div class=\"mzb-post-entry-meta mzb-meta-separator--outline-circle\"><\/div><\/div><\/div><\/div><\/div>\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator has-alpha-channel-opacity\"\/>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-buttons has-custom-font-size has-large-font-size is-content-justification-space-between is-nowrap is-layout-flex wp-container-core-buttons-is-layout-1 wp-block-buttons-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-button\"><a class=\"wp-block-button__link wp-element-button\" href=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\">HOME<\/a><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wuxuu ahaa nin gaaban oo dhulka u dhaw, oo show markaa uu soo dhacayay uun madaxa na soo dhukurtay, waxaan ku gartay sidaan gun xagtin leh iyo xaadi toona ugu oolin madaxiisa, calashaan sibibix weeyi madaxiisu lagu silbanayo\u2026<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6347,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[58,1,56],"tags":[],"class_list":["post-6328","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qiso","category-qormo","category-sheeko"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid-150x150.jpg","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid-300x200.jpg","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Wuxuu ahaa nin gaaban oo dhulka u dhaw, oo show markaa uu soo dhacayay uun madaxa na soo dhukurtay, waxaan ku gartay sidaan gun xagtin leh iyo xaadi toona ugu oolin madaxiisa, calashaan sibibix weeyi madaxiisu lagu silbanayo\u2026","magazineBlocksPostCategories":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"magazineBlocksPostViewCount":43,"magazineBlocksPostReadTime":5,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg",640,427,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid-300x200.jpg",300,200,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid-150x150.jpg",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-58\">Qiso<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-56\">Sheeko<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wuxuu ahaa nin gaaban oo dhulka u dhaw, oo show markaa uu soo dhacayay uun madaxa na soo dhukurtay, waxaan ku gartay sidaan gun xagtin leh iyo xaadi toona ugu oolin madaxiisa, calashaan sibibix weeyi madaxiisu lagu silbanayo\u2026\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-09-01T18:29:17+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-12-09T16:17:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"427\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle)\",\"datePublished\":\"2024-09-01T18:29:17+00:00\",\"dateModified\":\"2025-12-09T16:17:01+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\"},\"wordCount\":961,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg\",\"articleSection\":[\"Qiso\",\"Qormo\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\",\"name\":\"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg\",\"datePublished\":\"2024-09-01T18:29:17+00:00\",\"dateModified\":\"2025-12-09T16:17:01+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg\",\"width\":640,\"height\":427},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Wuxuu ahaa nin gaaban oo dhulka u dhaw, oo show markaa uu soo dhacayay uun madaxa na soo dhukurtay, waxaan ku gartay sidaan gun xagtin leh iyo xaadi toona ugu oolin madaxiisa, calashaan sibibix weeyi madaxiisu lagu silbanayo\u2026","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2024-09-01T18:29:17+00:00","article_modified_time":"2025-12-09T16:17:01+00:00","og_image":[{"width":640,"height":427,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle)","datePublished":"2024-09-01T18:29:17+00:00","dateModified":"2025-12-09T16:17:01+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/"},"wordCount":961,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","articleSection":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/","name":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle) - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","datePublished":"2024-09-01T18:29:17+00:00","dateModified":"2025-12-09T16:17:01+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/awsaliid.jpg","width":640,"height":427},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2024\/09\/01\/tuugii-aw-saliid-saliidle\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Tuugii Aw-Saliid (Saliidle)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":352,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6328","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6328"}],"version-history":[{"count":22,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6328\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7526,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6328\/revisions\/7526"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6347"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6328"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6328"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6328"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}