{"id":2269,"date":"2023-06-30T14:18:56","date_gmt":"2023-06-30T14:18:56","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=2269"},"modified":"2025-02-17T19:51:28","modified_gmt":"2025-02-17T19:51:28","slug":"yaasiin-iyo-amiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/","title":{"rendered":"Yaasiin iyo Amiin"},"content":{"rendered":"\n<p>Waa goor galab ah, qiyaastii casar gaaban, oo salaadii makhrib ayaa soo dhow, aniga oo fadhiya masaajidka, oo dhabarka ku haya tiirarkii masaajidka mid ka mid ah, ayaa waxa albaabka masaajidka laga soo galo oo ii dhawaa soo istaagtay, gabadh yar xishoonaysa oo afka marada ku haysa, waxa ay soo riixaysay, oo ay wadday laba innamood oo yaryar, oo qiyaastii is-dherer leekaa, waxa aan u malaynayaa sida ay isugu eekaayeen in ay mataano ahaayeen, labis fiicanna ay u soo gelisay, waxa ay dooneysay in ay masaajidka qaybta ragga soo galaan, oo ku soo tukadaan si ay u soo bartaan salaada iyo masaajidkaba, se carruurta ayaa yar baqayay, oo kolba albaabka dib uga noqonayay, iyana kolba way ku soo riixaysay, oo gala halkan ayaan idinku sii sugayaaye, soo tukada ayay ku lahayd.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadibna markii aan fahmay qasdigeeda ayaan u yeedhay carruurtii, way ii yimaadeen, waxa aan ku idhi &#8220;<em>Hooyo way idin sugaysaa, oo idinkama tegeysa&#8217;e halkan ku tukada&#8230;<\/em>&#8220;, kadib labadoodii midba inta uu meel istaagay ayay salaadii bilaabeen in ay tukadaan, Maashaa Allaah way garanayeen sida loo tukado, oo hooyo fiican ayaa dhashay, da&#8217;dooda iyo fahamkoodu isma uu lahayn, hadaba sheekadan inta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay, labadan innamood mid waxa la yidhaahdaa Yaasiin, ka kalena waxa la yidhaa Amiin.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii ay salaadii bilaabeen dhaqdhaqaaqa guud ee tukashada way la haysteen, oo qiyaamkii iyo rukuucdii iyo sujuudiiba way sameynayeen, intii ay ku gudajireen tukashada, ayaa midkood oo akhrinayay faatixada aan ka dareemay in uu u baahan yahay in loo saxo, kadib markii ay dhameysteen tukashadii ayaan u yeedhay, oo is-idhi bal weydii wixii ay akhrinayeen, Amiin yare ayaan ku idhi &#8220;<em>Markii aad taagneyd maxaad akhriday&#8230;<\/em>&#8221; wuxuu igu yidhi <em>Alxamdu<\/em>, waxa aan ku idhi <em>bal akhri aan ku dhageystee?<\/em> kadibna wuxuu u akhriyay si fiican, oo aad garato in macalin fiican oo hooyadood ahi wax soo baray, markii uu Amiin yare dhameeyay faatixadii ayaa uu hadana bilaabay suuradii ku xigtay ee uu akhriyay, kadibna inta aan ka dhex galay ayaan ku idhi marka aad faatixada ama alxamdu dhameyso <em>Aaaaamiin <\/em>dheh, wuu ku soo celiyay faatixadii, markii uu dhameeyay ayuu yidhi <em>Aaaamiin<\/em>, kadibna suuradii kale bilaabay.<\/p>\n\n\n\n<p>Hadana Yaasiin yare ayaan ku idhi <em>bal adna akhri faatixada<\/em>, wuu akhriyay, se markii uu dhameeyay ayuu yidhi: <em>Yaaaaaaaaasiiiiiiiin<\/em>, oo kaaga daranta A-da ku xigta Y-da uu aad u jiidayo <em>Yaaaaaaasiin<\/em>, kadibna wuxuu bilaabay suuradii ku xigtay, show ninku markii aan Amiin yare ku lahaa <em>Aaamiin <\/em>dheh, ayuu u qaatay in faatixada marka la dhameeyo, uu qof kasta magaciisa sheegayo ama ku dhawaaqayo, kkkk waar ninku cajiibsanaaye! <\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan ku idhi: <em>Yaasiin ha odhanne Aaaamiin dheh<\/em>, wuxuu iigu jawaabay <em>may!<\/em> <em>aniga Yaasiin ayaa la i yidhaa kan ayaa Amiin la yidhaa<\/em>, waxa aan ku idhi <em>marka faatixada la dhameeyo Aaaamiin ayaa la yidhaa, oo qof kasta uu odhanayaa<\/em> <em>xataa aniguba Aaaamiin ayaan idhaa<\/em>, ninkii Yaasiin yare waan marsiin waayay inuu <em>Aaaamiin <\/em>yidhaa, waxa uu hadal ku soo idleeyay <em>Aniga Yaasiin ayaa la i yidhaa kan ayaa Amiin la yidhaa<\/em>, isaga oo walaalkii farta ku fiiqaya.<\/p>\n\n\n\n<p>Kadib ninkii yaasiin iyada oo aannaan isla fahmin inuu yidhaa <em>Aaaamiin<\/em>, ayay Hooyadii albaabkii naga soo yar eegtay, qiyaastii way raagsatay, kadib inta aan xagii albaabka u sii raacay, ayaan hooyadood ku idhi: <em>ninkan Yaasiin marka faatixada uu dhameeyo inuu Aaaaaaamiin yidhaa wuu iga diidaye<\/em> bal isku day inaad fahamsiiso, waadigan salaada intii kaleba baraye, waxa ay igu tidhi: <em>anba waan ku kari waayay, oo Aaaaamiintaba iska daa oo faatixada marka aad dhameyso hadana suuradda kale akhri ayaanu isku ogeyn<\/em> <em>inta uu ka caqliyeysanayo<\/em>.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa goor galab ah, qiyaastii casar gaaban, oo salaadii makhrib ayaa soo dhow, aniga oo fadhiya masaajidka, oo dhabarka ku haya tiirarkii masaajidka mid ka mid ah, ayaa waxa albaabka masaajidka laga soo galo oo ii dhawaa soo istaagtay, gabadh yar xishoonaysa oo afka marada ku haysa, waxa ay soo riixaysay, oo ay wadday laba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2270,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[58,1,56],"tags":[],"class_list":["post-2269","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qiso","category-qormo","category-sheeko"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502-150x150.jpg","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502-290x300.jpg","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502-768x794.jpg","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-916x1024.jpg","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Waa goor galab ah, qiyaastii casar gaaban, oo salaadii makhrib ayaa soo dhow, aniga oo fadhiya masaajidka, oo dhabarka ku haya tiirarkii masaajidka mid ka mid ah, ayaa waxa albaabka masaajidka laga soo galo oo ii dhawaa soo istaagtay, gabadh yar xishoonaysa oo afka marada ku haysa, waxa ay soo riixaysay, oo ay wadday laba [&hellip;]","magazineBlocksPostCategories":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"magazineBlocksPostViewCount":10,"magazineBlocksPostReadTime":3,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg",966,999,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502-290x300.jpg",290,300,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502-150x150.jpg",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-58\">Qiso<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-56\">Sheeko<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waa goor galab ah, qiyaastii casar gaaban, oo salaadii makhrib ayaa soo dhow, aniga oo fadhiya masaajidka, oo dhabarka ku haya tiirarkii masaajidka mid ka mid ah, ayaa waxa albaabka masaajidka laga soo galo oo ii dhawaa soo istaagtay, gabadh yar xishoonaysa oo afka marada ku haysa, waxa ay soo riixaysay, oo ay wadday laba [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-06-30T14:18:56+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-02-17T19:51:28+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"966\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"999\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Yaasiin iyo Amiin\",\"datePublished\":\"2023-06-30T14:18:56+00:00\",\"dateModified\":\"2025-02-17T19:51:28+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\"},\"wordCount\":587,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg\",\"articleSection\":[\"Qiso\",\"Qormo\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\",\"name\":\"Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg\",\"datePublished\":\"2023-06-30T14:18:56+00:00\",\"dateModified\":\"2025-02-17T19:51:28+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg\",\"width\":966,\"height\":999},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Yaasiin iyo Amiin\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Waa goor galab ah, qiyaastii casar gaaban, oo salaadii makhrib ayaa soo dhow, aniga oo fadhiya masaajidka, oo dhabarka ku haya tiirarkii masaajidka mid ka mid ah, ayaa waxa albaabka masaajidka laga soo galo oo ii dhawaa soo istaagtay, gabadh yar xishoonaysa oo afka marada ku haysa, waxa ay soo riixaysay, oo ay wadday laba [&hellip;]","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2023-06-30T14:18:56+00:00","article_modified_time":"2025-02-17T19:51:28+00:00","og_image":[{"width":966,"height":999,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Yaasiin iyo Amiin","datePublished":"2023-06-30T14:18:56+00:00","dateModified":"2025-02-17T19:51:28+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/"},"wordCount":587,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","articleSection":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/","name":"Yaasiin iyo Amiin - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","datePublished":"2023-06-30T14:18:56+00:00","dateModified":"2025-02-17T19:51:28+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/cartoon-funny-two-little-boys-hugging-vector-29013542-e1688200044502.jpg","width":966,"height":999},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/30\/yaasiin-iyo-amiin\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Yaasiin iyo Amiin"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":227,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2269","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2269"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2269\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2273,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2269\/revisions\/2273"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2270"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2269"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2269"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2269"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}