{"id":2239,"date":"2023-06-12T08:41:39","date_gmt":"2023-06-12T08:41:39","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=2239"},"modified":"2023-12-26T08:27:59","modified_gmt":"2023-12-26T08:27:59","slug":"waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/","title":{"rendered":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>Siyaasadu<\/strong> waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: <strong>Siyaasadu<\/strong> waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Siyaasiguna<\/strong> waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi kara weydiimaha la xidhiidha saameynta dawladu ku yeelanayso bulshadeeda iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee xukuumadu yeelan karto.<\/p>\n\n\n\n<p>Qarniyadii u dambeeyay waxa si togan isu soo tarayay horumarka lagu sameynayay cilmigan siyaasada, kaasi oo sare u qaaday xirfadii siyaasiyiinta ee gudashada xilalka siyaasadeed ee ay u hayaan bulshooyinkooda, iyo weliba hanashada bulshada xilliga doorashooyinka, waxaana ka mid ah dhinacyada togan ee soo kordhay ee cilmigan la xidhiidha:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Ka qaybgalka doodaha la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee ka socda warbaahinta, halkaasi oo siyaasigu ku soo bandhigo heerka xog-ogaalnimadiisa iyo sida wax loo qaban karo, halka bulshaduna ay doodahaasi ka ogaadaan, oo ka qiimeeyaan siyaasiga iyo wacyigiisa siyaasinimo halka uu joogo, taasina waxay go&#8217;aamisaa mustaqbalka siyaasadeed ee siyaasigu leeyahay.<\/li>\n\n\n\n<li>Adeegsiga xisaabta gaar ahaan Statistics ka, taasi oo u fudeydinaysa siyaasiga, inuu kala shaandheeyo, oo ay khaanado ugu kala jiraan arrimaha isku murugsan, ee u baahan in si qoto-dheer loo dhex dhunbado.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<h2 class=\"wp-block-heading\">Qaybaha muhiimka ah ee cilmiga siyaasadu ka warramo waxa ka mid ah:<\/h2>\n\n\n\n<p><strong>Power <\/strong>oo noqonaya awooda uu siyaasigu u leeyahay inuu bulshada u jiheeyo halka uu la rabo, taasi oo ku iman karta labadan midood (Inuu <strong>qanciyo <\/strong>bulshada oo iyaga ogol ay u hogaansamaan iyo Inuu <strong>khasbo <\/strong>bulshada oo iyaga oo dirqiyan ay u hogaansamaan)<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Government <\/strong>oo noqonaysa hay&#8217;ada bulshadu ay u hogaansan yihiin ha qanciso ama ha khasabto&#8217;e.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Regime<\/strong> oo noqonaya Xeerarka, Dhaqamada iyo Caadooyinka ay dawladu ku hageyso ama ku hogaamineyso bulshadeeda.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Legitimacy<\/strong> oo noqonaysa adeecida iyo ogolaanshaha bulshadu ogol yihiin go&#8217;aanada ka soo baxa dawlada, dawladi waxa ay legitimate tahay marka bulshada ay hogaaminaysaa raacayaan wadooyinka ay u jeexdo ama aqbalayaan amarada ka soo fula, in dad badani adeeci waayaan dawladu waxa ay halis gelisaa jiritaanka dawladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Authority<\/strong> oo noqonaysa kalsoonida fulineed ee ay dawladi leedahay, ogow mar kasta oo adeecida bulshadu sareyso ama badato, waa mar kasta oo kalsoonida fulineed ee dawladu kor u kacdo, oo ay dawladu kula dhiiran karto bulshadeeda waxyaabo badan in ay ku fuliso ama la hor timaado, waxaasi haba noqdaan kuwo adag ama suuragalnimadoodu shaki leedahay&#8217;e.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Sovereignity <\/strong>oo noqonaysa xaqqa ay dawladi kalsoonideeda fulineed ugu soo bandhigto bulshadeeda iyo dalkeeda, ama madax-banaanida fulineed ee ay dawladi u leedahay dadkeeda iyo dalkeeda, waxa ay dawladi sovereign tahay marka amarkeeda iyo fulinteedu ka shaqeynayaan xuduudaheeda si aan habrasho lahayn, hadii go&#8217;aankii ama fulintii dawladu sii marayo cid kale oo bulshadu uga soo fasax-qaadato adeecideeda ama aqbalaadeeda, ogow dawladaasi ma madax-banaana.<\/p>\n\n\n\n<h2 class=\"wp-block-heading\">Dawladda iyo Jaadadkeeda\/Noocyadeeda<\/h2>\n\n\n\n<p>Si aynu u fahanno ama u baranno jaadadka dawladnimo iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee loo dhiso dawlad, waxa aynu ka soo istaagaynaa laba dhinac:<\/p>\n\n\n\n<ol class=\"wp-block-list\">\n<li>Mar waxa aynu dawladda ka soo eegaynaa inta qof ee leh awoodda fulinneed.<\/li>\n\n\n\n<li>Marna waxa aynu ka eegaynaa awooda ay dawladdu ku fuliso go&#8217;aamadeedu ilaa xad halka ay gaadhsiisan tahay.<\/li>\n<\/ol>\n\n\n\n<p><em>Marka aynu eegno dawladda inta qof ee awooda fulineed leh, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo.<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-table is-style-regular\"><table class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background has-fixed-layout\"><thead><tr><th><strong>Dawlad Nooceedu Yahay:<\/strong><\/th><th><strong>Inta Qof Ee Awood Fulineed Leh<\/strong>:<\/th><th><strong>Dalalka Leh Noocan Dawladeed<\/strong>:<\/th><\/tr><\/thead><tbody><tr><td>Talo-Wadaag (Dimuqraadiyad)<\/td><td>Taladu waa u dhex guud ahaan bulshada, waxaana lagu xakameeyaa xeerar-bulsho, oo iyaguna soo mara wada-tashi bulsho.<\/td><td>Badi dalalka caalamka ayaa qaatay noocan.<\/td><\/tr><tr><td>Boqortooyo<\/td><td>Waxa taliya hal qof, waana boqorka.<\/td><td>Sacuudiga iyo Jordan ayaa u ah tusaale fiican.<\/td><\/tr><tr><td>Kali-Talisnimo<\/td><td>Waxa taliya hal qof, waana ninka u sareeya, kaasi oo badanka xoog iyo af-gembi ku qabsada talada.<\/td><td>Maxamed Siyaad Barre, Sadaam Xuseen, Macamar Qadaafi, IQK&#8230;<\/td><\/tr><tr><td>Saldannad<\/td><td>Waxa taladu gaar u tahay koox ama qoys dhaxal u leh talada.<\/td><td>Madax-dhaqameedka qabaa&#8217;illada<\/td><\/tr><tr><td>Tala-Maroorsi<\/td><td>Waxa taliya koox isku heer ama isku madarasad ah.<\/td><td>Nidaamyada ay dhisaan kooxaha budhcad diimeedka ah.<\/td><\/tr><\/tbody><\/table><\/figure>\n\n\n\n<p><em>Marka aynu ka soo joogsanno ama ka soo eegno dawlada awoodeedda fulineed ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-table is-style-regular\"><table class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background has-fixed-layout\"><thead><tr><th>Dawlad Nooceedu Yahay:<\/th><th>Awoodeeda Fulintuna Tahay:<\/th><th>Tusaaleyaal Nooca Dawladaasi ah:<\/th><\/tr><\/thead><tbody><tr><td>Totalitarian<\/td><td>Waa dawlad aaminsan in ay maamusho gabi ahaanba nolosha bulshada, taasi oo dhaqdhaqaaq kasta oo qofku sameynayaa uu yahay mid ay dawladu jihaynayso, tasarufka dadka oo ku jaan go&#8217;an inta dawladu ogoshahay.<\/td><td>Waqooyiga Kuuriya, waxa soo raaca nidaamyada macangaga ah, ee talo-maroorsigu u yahay mabda&#8217;a.<\/td><\/tr><tr><td>Constitutional<\/td><td>Waa dawlad maamulkeedu ku eeg yahay inta xeerarkeedu u jideynayo, arrin kasta iyo qayb kasta oo nolosha bulshada ka mid ah oo ay dawladaasi iyo bulshadeedu isla gartaan in xeer loo sameeyo, ayaa ay dawlada awoodeeda fulineed ku joogtaa.<\/td><td>Waxa tusaale u ah wadamada reer galbeedka iyo badi dalalka qaatay Dimuqraadiyada xeerarka ku dabran.<\/td><\/tr><tr><td>Anarchist<\/td><td>Waa dawlad taag daran, oo aan lahayn awood fulineed, taasi oo dadkeeda badankiisu aanay u hogaansanayn.<\/td><td>Noocan dawladnimo waxa adduunka dadyowga ku nooli tusaale u soo qaataan Soomaaliya ama Soomaalida.<\/td><\/tr><\/tbody><\/table><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda. Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn. Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2254,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,61],"tags":[],"class_list":["post-2239","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qormo","category-siyaasad"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science-150x150.jpg","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science-300x200.jpg","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science-768x511.jpg","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda. Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn. Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi [&hellip;]","magazineBlocksPostCategories":["Qormo","Siyaasad"],"magazineBlocksPostViewCount":9,"magazineBlocksPostReadTime":4,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg",800,532,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science-300x200.jpg",300,200,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science-150x150.jpg",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-61\">Siyaasad<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda. Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn. Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-06-12T08:41:39+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-12-26T08:27:59+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"532\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?\",\"datePublished\":\"2023-06-12T08:41:39+00:00\",\"dateModified\":\"2023-12-26T08:27:59+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\"},\"wordCount\":821,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg\",\"articleSection\":[\"Qormo\",\"Siyaasad\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\",\"name\":\"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg\",\"datePublished\":\"2023-06-12T08:41:39+00:00\",\"dateModified\":\"2023-12-26T08:27:59+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg\",\"width\":800,\"height\":532},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda. Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn. Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi [&hellip;]","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2023-06-12T08:41:39+00:00","article_modified_time":"2023-12-26T08:27:59+00:00","og_image":[{"width":800,"height":532,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?","datePublished":"2023-06-12T08:41:39+00:00","dateModified":"2023-12-26T08:27:59+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/"},"wordCount":821,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","articleSection":["Qormo","Siyaasad"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/","name":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan? - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","datePublished":"2023-06-12T08:41:39+00:00","dateModified":"2023-12-26T08:27:59+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/political-science.jpg","width":800,"height":532},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":195,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2239"}],"version-history":[{"count":18,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4066,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239\/revisions\/4066"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2239"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2239"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2239"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}