{"id":1742,"date":"2023-03-19T08:48:25","date_gmt":"2023-03-19T08:48:25","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1742"},"modified":"2023-03-19T10:53:57","modified_gmt":"2023-03-19T10:53:57","slug":"dhaqan-akhris","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/","title":{"rendered":"DHAQAN AKHRIS"},"content":{"rendered":"\n<p>Xikmaddu ma\u2019aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa\u2019idaysigiisa.<\/p>\n\n\n\n<p><a><\/a>Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo waqti u go\u2019an. Haddii aad sidaas isu tusto waxaa hubaal ah in ay kugu adkaan doonto caadada wax akhrisku.<\/p>\n\n\n\n<p>Halkan waxa aan kugula wadaagayaa dhowr talo oo ku dhaqankoodu kaa caawinaya wax akhriska.<\/p>\n\n\n\n<p>1. YEELO HALBEEG AKHRIS:<\/p>\n\n\n\n<p>Nafta bani\u2019aadamku waa ay ku dhiirataa qabashada hawlaha ay ogtahay, in ay ku gaadhayso yool ay leedahay.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211; Samayso qoondo buuggaag ah oo aad muddo go\u2019an ku akhrido; dheh, toddobaad, bil, 6 bilood ama sannad.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211; Dooro buuggaagta aad akhriyeyso; inta badan doorashadooda waxaa kaa caawin kara:<\/p>\n\n\n\n<p>1. Yeelo Mawduuc gaar aad ugu takhasusayso oo aad akhriskiisa xoogga saarayso, adiga oo aan ka tegeyn akhriska buuggaagta kale ee ku soo jiidata.<\/p>\n\n\n\n<p>2. Dooro qoraayo aad buugtooda si gaar ah u ugaadhsato.<\/p>\n\n\n\n<p>3. Akhri faallooyinka, akhrisyada iyo qiimaynta lagu sameeyo buugta, si aad uga dhex aragto kuwa lagu talinayo akhriskooda.<\/p>\n\n\n\n<p>4. Tag rugaha iibka kutubta oo isha mari hadba buugta cusub ee soo korodha, si aad uga doorato kuwa ku soo jiita.<\/p>\n\n\n\n<p>5. Buug tiro badan mar keliya ha wada iibsan.<\/p>\n\n\n\n<p>6. Weligaa ha dhammaysan buug aanad ku qancin ama xiisayn qaybihiisa hore markaad akhrido.<\/p>\n\n\n\n<p>7. Diyaarso liiska buuggaagta aad xiisaynayso akhriskooda ee ay tahay in aad muddadaas ku akhrido.<\/p>\n\n\n\n<p>2. DOORO WAQTI KU FIICAN AKHRISKA, LAAKIIN HA ISKU WAAJIBIN!<\/p>\n\n\n\n<p>Waa ay fiicantahay in aad jadwal go\u2019an u samaysato akhriska, laakiin naftaada habarin in waqtigaas iyo akhriska ay isku xidho, tusaale ahaan haddii waqtigaasi si uun kuu dhaafo in ay u qaadato in akhriskii maalintaasi baaqday.<\/p>\n\n\n\n<p>Waqtiga aad akhriska u goynaysaa ha noqdo mid kala duwan, tusaale ahaan Maalintii dhor jeer oo mid kastaa daqiiqado go\u2019an yahay. Waxa aynu odhan karnaa; qadada kaddib, 20 daqiiqo, hurdada ka hor 30 daqiiqo, subaxda hore 40 daqiiqo, iwm.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa iyaduna xal fiican ah in aad mar kasta gacanta ku sidato buugga akhriskiisu kuu socdo, si firaaqo kasta oo aad hesho aad uga faa\u2019idayso. Baska, maqaaxida inta aad shaaha ama ballanta sugayso, xiisadaha waxbarashada dhexdooda, iwm.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa Qoray: <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/marjaankam?__cft__[0]=AZW-wtAQBQ3yyObQ0JzvwRK5ua04mEWPluSAqmcGMLEXqBNm22250s-t7_59tejLe8n67_Hml-88B5FwmmdFBdbFVJZRUTOS6cPmPDzexMXH-iI_YN_nbiizbvxaVwMsWGXI1zfhVZ1P97kHu7q19UDVifMPQcdgbazeWexseFB1MpV4Yq5C0biTtStO0-32L1k&amp;__tn__=-UC%2CP-R\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\">Kamaal Marjaan<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xikmaddu ma\u2019aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa\u2019idaysigiisa. Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1743,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,1],"tags":[],"class_list":["post-1742","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaal","category-qormo"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-150x150.jpg","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-300x157.jpg","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-768x403.jpg","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-1024x537.jpg","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Xikmaddu ma\u2019aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa\u2019idaysigiisa. Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo [&hellip;]","magazineBlocksPostCategories":["Maqaal","Qormo"],"magazineBlocksPostViewCount":7,"magazineBlocksPostReadTime":2,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg",1200,629,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-300x157.jpg",300,157,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students-150x150.jpg",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-59\">Maqaal<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xikmaddu ma\u2019aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa\u2019idaysigiisa. Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-03-19T08:48:25+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-03-19T10:53:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1200\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"629\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"DHAQAN AKHRIS\",\"datePublished\":\"2023-03-19T08:48:25+00:00\",\"dateModified\":\"2023-03-19T10:53:57+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\"},\"wordCount\":374,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg\",\"articleSection\":[\"Maqaal\",\"Qormo\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\",\"name\":\"DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg\",\"datePublished\":\"2023-03-19T08:48:25+00:00\",\"dateModified\":\"2023-03-19T10:53:57+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg\",\"width\":1200,\"height\":629},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DHAQAN AKHRIS\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Xikmaddu ma\u2019aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa\u2019idaysigiisa. Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo [&hellip;]","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2023-03-19T08:48:25+00:00","article_modified_time":"2023-03-19T10:53:57+00:00","og_image":[{"width":1200,"height":629,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"DHAQAN AKHRIS","datePublished":"2023-03-19T08:48:25+00:00","dateModified":"2023-03-19T10:53:57+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/"},"wordCount":374,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","articleSection":["Maqaal","Qormo"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/","name":"DHAQAN AKHRIS - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","datePublished":"2023-03-19T08:48:25+00:00","dateModified":"2023-03-19T10:53:57+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/reading-list-for-high-school-students.jpg","width":1200,"height":629},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/19\/dhaqan-akhris\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DHAQAN AKHRIS"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":76,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1742","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1742"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1742\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1746,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1742\/revisions\/1746"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1743"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1742"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1742"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1742"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}