{"id":1481,"date":"2023-03-16T08:35:24","date_gmt":"2023-03-16T08:35:24","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1481"},"modified":"2025-02-17T19:52:12","modified_gmt":"2025-02-17T19:52:12","slug":"adeer-anna-aan-soo-raadiyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/","title":{"rendered":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026"},"content":{"rendered":"\n<p>Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: <em>qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud<\/em>, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa iyo dhirta hoostooda eeg-eegaanba, waxa mid waliba soo noqday isaga oo quustay, oo soo daalay, odeygii waxa uu ku qancay in saacadaa qaaliga ahi ka luntay, mar hadii intaas oo carruur ah, uu mid waliba muddo intaa leeg soo raadiyay, oo ay soo waayeen, kadib kuyar oo carruurta kale oo dhami yasi jireen, maadaama oo aanu u firfircooneyn sidooda oo kale, dadka waaweynina ay u yaqaaneen doqon, ayaa u yimid odeygii, waxa uu ku yidhi:\u201c<em>Adeer anna aan soo raadiyo\u2026\u201d<\/em> odeygii inta uu ku qoslay ayaa uu ku yidhi: \u201c<em>Waar doqon-yahaw sow kuwa carruurtii kaa fariidsaneyd oo dhami soo waayay\u2026 bal! Koley! Bal waayahaye orod oo soo raadi\u2026\u2026\u201d<\/em> Inankii yaraa wuxuu tagey beertii, waa kaligii, kadibna geed ayuu hoos fadhiistay, hadii uu odeygii arki lahaa, indhaha ayaa uu kala soo bixi lahaa, ileyn hawl ayaa loo diray, isna waa kan geedka hoos fadhiistaye, kii yaraa in-yar markii uu geedkii hoos fadhiyay, wuxuu maqlay shanqadhii saacada, wareegii ay irbada saacadu sameynaysay, dhegta ayaa uu la raacay, kadibna halkii ay taalay ayaa uu ka soo qaaday, carruurtii hore marka ay beerta yimaadaan, iyaga oo is-eryanaya, oo qos-qoslaya ayay raadinayeen, kadibna waxa ku adkaaneysay in ay maqlaan shanqadha saacada, kadib kii yaraa odeygii ayuu u keenay saacadii, dadkii way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen \u201c<em>Doqonkii ayaa maanta saacadii soo helay\u2026\u201d<\/em> odeygii oo la yaaban ayaa weydiiyay inankii yaraa: \u201c<em>Adeer sideed ku soo heshay!<\/em>\u201d, waxaa uu kii yaraa yidhi: \u201c\u2026 \u2026 \u2026 <em>Adeer mabaan doon-doonine, geedkaa weyn hoostiisa ayaan iska fadhiistay, kadibna shanqadheedii ayaa uun baan maqlay\u2026 \u2026 \u2026 \u2026 \u2026\u201d<\/em><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1482,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[58,1,56],"tags":[],"class_list":["post-1481","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qiso","category-qormo","category-sheeko"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-150x150.jpg","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-300x169.jpg","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-768x432.jpg","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-1024x576.jpg","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa [&hellip;]","magazineBlocksPostCategories":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"magazineBlocksPostViewCount":26,"magazineBlocksPostReadTime":2,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg",1200,675,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-300x169.jpg",300,169,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255-150x150.jpg",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-58\">Qiso<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-56\">Sheeko<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-03-16T08:35:24+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-02-17T19:52:12+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1200\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"675\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026\",\"datePublished\":\"2023-03-16T08:35:24+00:00\",\"dateModified\":\"2025-02-17T19:52:12+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\"},\"wordCount\":310,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg\",\"articleSection\":[\"Qiso\",\"Qormo\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\",\"name\":\"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg\",\"datePublished\":\"2023-03-16T08:35:24+00:00\",\"dateModified\":\"2025-02-17T19:52:12+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg\",\"width\":1200,\"height\":675},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2023-03-16T08:35:24+00:00","article_modified_time":"2025-02-17T19:52:12+00:00","og_image":[{"width":1200,"height":675,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026","datePublished":"2023-03-16T08:35:24+00:00","dateModified":"2025-02-17T19:52:12+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/"},"wordCount":310,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","articleSection":["Qiso","Qormo","Sheeko"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/","name":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026 - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","datePublished":"2023-03-16T08:35:24+00:00","dateModified":"2025-02-17T19:52:12+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/refresh-most-expensive-watches-ever-lead-1632255255.jpg","width":1200,"height":675},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/16\/adeer-anna-aan-soo-raadiyo\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Adeer anna aan soo raadiyo\u2026"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":101,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1481","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1481"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1481\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1483,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1481\/revisions\/1483"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1482"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}