{"id":1326,"date":"2023-03-13T18:41:59","date_gmt":"2023-03-13T18:41:59","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1326"},"modified":"2023-03-14T11:08:04","modified_gmt":"2023-03-14T11:08:04","slug":"dadkaa-geesi-lagu-yahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/","title":{"rendered":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay!"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Libaaxu wuxuu libaax yahay, qiimihiisa iyo quruxdiisuna ay soo baxdaa, marka kaynta uu ku nool yahay dhir ku taalo, ubaxa iyo daaquna ay badan yihiin, si ugaadh uu la noolaado, oo uu ka soo dhex baxo, oo uu ku soo shaac baxaa, ay ugu timaado.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Se; hadii dhirta iyo daaqu ka go\u2019aan kaynta, oo ka dhamaadaan, ugaadhiina ka qaxdo, libaaxii haybada libaaxnimo lahaa, wuxuu noqdaa mid xumaada, oo xayawaanada ka u liita kasii liita.<\/p>\n\n\n<div class=\"wp-block-image is-style-default\">\n<figure class=\"aligncenter size-full\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" width=\"599\" height=\"388\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay1.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1328\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay1.png 599w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay1-300x194.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay1-535x347.png 535w\" sizes=\"(max-width: 599px) 100vw, 599px\" \/><\/figure><\/div>\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Iyada oo aynu ognahay in aan dad iyo xayawaan isku mid ahayn, oo Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu inoo sheegay, in Bini-Aadamka uu siiyay sharaf aanu siinin Makhluuqaadka kale ee uu abuuray oo idil, hadana aduunka waxa dul jooga oo dhan mid waliba si ayaa uu faa\u2019iido ugu leeyahay dadka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Hadaba tusaalahaa aynu libaaxa usoo qaadanay, hadii aynu uga faa\u2019iideysano dadka iyo sida ay ugu kala duwan yihiin dareenka iyo dadnimada, waxa inoo soo baxaysa in dadka qaarkii libaaxa oo kale yihiin, halka qaarkoodna dhirta iyo ubaxa oo kale ay yihiin, markaa aynu u kala qaadno dadkii labadan qaybood:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"has-black-color has-text-color wp-block-list\" style=\"font-size:20px\"><li>Qaybta 1<sup>aad<\/sup> waa dad kulul, ad-adag, ficil-na leh.<\/li><li>Qaybta 2<sup>aad<\/sup> waa dad qabaw, jil-jilicsan, raaxada-na jecel.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Hadaba xikmada Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ka leeyahay kala duwanaanshahaasi, waa mid aynaan maskaxdeena ka suurayn karaynin, hase-yeeshee inta inooga muuqataa, waa in labadan qaybood nolosha ay is-dhamaystirayaan, oo uu midiba midka kale faa\u2019iido ku qabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Dadka kululi hadii ay ficilkooda iyo feejignaantooda ugu adeegaan wanaaga iyo ilaalintiisa, dadka qabaw-na degenaanshaha maskaxdooda ay ku horumariyaan wanaaga, waxa ay labadooduba yeelanayaan qiimo iyo qaayo, oo mid waliba halkiisa ayaa uu hanad iyo haldoor ku noqonayaa. Laakiin hadii uu midiba midka kale naco, oo u fiir-fiirsado, isaga oo ceebihiisa raadinaya, dadka intii kululeyd waxa ay noqdaan dad aan tudhaale lahayn, oo u dhaqan eeg Bahalkii Dad-Cunka ahaa, dadka intii qaboobayd-na waxa ay noqdaan Dad-Duleysan oo laga toocsado.<\/p>\n\n\n\n<blockquote class=\"wp-block-quote has-black-color has-text-color is-layout-flow wp-block-quote-is-layout-flow\" style=\"font-size:20px;font-style:normal;font-weight:500\"><p><strong>Sheeko:<\/strong> Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: <em>qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud<\/em>, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa iyo dhirta hoostooda eeg-eegaanba, waxa mid waliba soo noqday isaga oo quustay, oo soo daalay, odeygii waxa uu ku qancay in saacadaa qaaliga ahi ka luntay, mar hadii intaas oo carruur ah, uu mid waliba muddo intaa leeg soo raadiyay, oo ay soo waayeen, kadib kuyar oo carruurta kale oo dhami yasi jireen, maadaama oo aanu u firfircooneyn sidooda oo kale, dadka waaweynina ay u yaqaaneen doqon, ayaa u yimid odeygii, waxa uu ku yidhi:\u201c<em>Adeer anna aan soo raadiyo\u2026\u201d<\/em> odeygii inta uu ku qoslay ayaa uu ku yidhi: \u201c<em>Waar doqon-yahaw sow kuwa carruurtii kaa fariidsaneyd oo dhami soo waayay\u2026 bal! Koley! Bal waayahaye orod oo soo raadi\u2026\u2026\u201d<\/em> Inankii yaraa wuxuu tagey beertii, waa kaligii, kadibna geed ayuu hoos fadhiistay, hadii uu odeygii arki lahaa, indhaha ayaa uu kala soo bixi lahaa, ileyn hawl ayaa loo diray, isna waa kan geedka hoos fadhiistaye, kii yaraa in-yar markii uu geedkii hoos fadhiyay, wuxuu maqlay shanqadhii saacada, wareegii ay irbada saacadu sameynaysay, dhegta ayaa uu la raacay, kadibna halkii ay taalay ayaa uu ka soo qaaday, carruurtii hore marka ay beerta yimaadaan, iyaga oo is-eryanaya, oo qos-qoslaya ayay raadinayeen, kadibna waxa ku adkaaneysay in ay maqlaan shanqadha saacada, kadib kii yaraa odeygii ayuu u keenay saacadii, dadkii way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen \u201c<em>Doqonkii ayaa maanta saacadii soo helay\u2026\u201d<\/em> odeygii oo la yaaban ayaa weydiiyay inankii yaraa: \u201c<em>Adeer sideed ku soo heshay!<\/em>\u201d, waxaa uu kii yaraa yidhi: \u201c\u2026 \u2026 \u2026 <em>Adeer mabaan doon-doonine, geedkaa weyn hoostiisa ayaan iska fadhiistay, kadibna shanqadheedii ayaa uun baan maqlay\u2026 \u2026 \u2026 \u2026 \u2026\u201d<\/em><\/p><cite>Sheekadani waxa aynu ka faa&#8217;iideynaa in degenaanta laga helo wax badan.<\/cite><\/blockquote>\n\n\n\n<p class=\"has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\">Hadaad u fiirsato maanta horumarka weyn ee sayniska iyo tiknoolajiyada dadku ay ka sameeyeen, horumarkaasi intiisa badan dadka horseedka ka ahi, waa dadka qabaw, ee aan dilka iyo dagaalka inta badan xiiseynin, taasina waxay ku tusaysaa, dadkeena iyo guud ahaan qaaradan afrika dadka ku nool, in ay u badan yihiin dadkii kululaa, mar hadii dadka kululi meel isugu soo hadhaan-na ama ay ku bataan, waynu sawiran karnaa waxa ka dhalanaya, waxa inaga maqan wax badan oo faa\u2019iido ah oo Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu siiyay dadka qaarkood, maxaa yeelay; waxa hore loo yidhi: Dadku wax-yar tare mooyee, Waxba ma-tare Ma laha\u2026 Dalalka horumaray waxa ay caan ku yihiin, in ay maalaan, oo ay ka faa\u2019iideystaan qof kasta oo bulshadooda ka mid ahi, wixii uu qaban karayo, oo aanay dadku magacyo kala yeelan, taasina waxa ay u diyaarsadeen nidaam ay ku wada noolaan karaan, qaybaha kala duwan ee dadku.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-2 is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img decoding=\"async\" width=\"606\" height=\"404\" data-id=\"1333\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax1.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1333\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax1.png 606w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax1-300x200.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax1-535x357.png 535w\" sizes=\"(max-width: 606px) 100vw, 606px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img decoding=\"async\" width=\"596\" height=\"335\" data-id=\"1332\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax2.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1332\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax2.png 596w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax2-300x169.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax2-535x301.png 535w\" sizes=\"(max-width: 596px) 100vw, 596px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"605\" height=\"404\" data-id=\"1334\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax3.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1334\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax3.png 605w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax3-300x200.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax3-535x357.png 535w\" sizes=\"(max-width: 605px) 100vw, 605px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"599\" height=\"302\" data-id=\"1331\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax4.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1331\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax4.png 599w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax4-300x151.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/libaax4-535x270.png 535w\" sizes=\"(max-width: 599px) 100vw, 599px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n\n\n<div class=\"wp-block-image\">\n<figure class=\"aligncenter size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"779\" height=\"190\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1335\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori.png 779w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori-300x73.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori-768x187.png 768w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori-535x130.png 535w\" sizes=\"(max-width: 779px) 100vw, 779px\" \/><\/figure><\/div>\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-default is-cropped wp-block-gallery-2 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"606\" height=\"390\" data-id=\"1337\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori1.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1337\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori1.png 606w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori1-300x193.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori1-535x344.png 535w\" sizes=\"(max-width: 606px) 100vw, 606px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"604\" height=\"377\" data-id=\"1336\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori2.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-1336\" srcset=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori2.png 604w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori2-300x187.png 300w, https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/qori2-535x334.png 535w\" sizes=\"(max-width: 604px) 100vw, 604px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n\n\n\n<blockquote class=\"wp-block-quote has-text-align-left has-black-color has-text-color is-layout-flow wp-block-quote-is-layout-flow\" style=\"font-size:20px;font-style:normal;font-weight:500\"><p><strong>Sheeko<\/strong>: Xuseen waa nin aan dagaalka jeclayn, hadii lala dagaalamo isagu farba fiiqi maayo ama wuu baxsadaa ama wuu ooyaa, dadka qaarkii waxa ay yidhaahdaan Waa Doqon! qaarna waxa ay yidhaahdaan Waa Fulay! Xuseen Hooyadii maalin walba aqal ayay hortaagan tahay, oo ay ku leedahay: \u201c\u2026 <em>Maydin naga ceshani inankiinaa\u2026 bal muxuu u geystay, uu ku dilayaa\u201c <\/em>ha ugu sii darnaadaan laba qoys oo ay jaar ahaayeene, kuwaasi waxa ay ugu jawaabi jireen: \u201c\u2026 \u2026<em>Anaga subax walba aqalka ashkato ha noola soo hortaagnaanine\u2026 \u2026 Naayaa! waa ninkaa weyne dee ha iska celiyo\u2026 \u2026 \u2026 \u2026\u201c<\/em><\/p><p>Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye waxa uu Qur\u2019aanka inoogu sheegay, in noloshu ay maanta iyo berri tahay, oo marka aad imtixaaman tahay, dad kula mid ah ayaa barwaaqeysan, marka aad barwaaqeysan tahayna, dad kula mid ah ayaa imtixaaman\u2026<\/p><p><strong>{\u0625\u0650\u0646 \u064a\u064e\u0645\u0652\u0633\u064e\u0633\u0652\u0643\u064f\u0645\u0652 \u0642\u064e\u0631\u0652\u062d\u064c \u0641\u064e\u0642\u064e\u062f\u0652 \u0645\u064e\u0633\u064e\u0651 \u0627\u0644\u0652\u0642\u064e\u0648\u0652\u0645\u064e \u0642\u064e\u0631\u0652\u062d\u064c \u0645\u0650\u0651\u062b\u0652\u0644\u064f\u0647\u064f \u06da \u0648\u064e\u062a\u0650\u0644\u0652\u0643\u064e \u0627\u0644\u0652\u0623\u064e\u064a\u064e\u0651\u0627\u0645\u064f \u0646\u064f\u062f\u064e\u0627\u0648\u0650\u0644\u064f\u0647\u064e\u0627 \u0628\u064e\u064a\u0652\u0646\u064e \u0627\u0644\u0646\u064e\u0651\u0627\u0633\u0650\u2026 \u0627\u0644\u0627\u064a\u0629}<\/strong><\/p><p><strong><u>\u0633\u0648\u0631\u0629 \u0627\u0644\u0639\u0645\u0631\u0627\u0646<\/u><\/strong><\/p><p>Xuseen waxbarashada ayuu jeclaa, wuxuu dhibkaa ku jiro-ba, wakhtigii ayaa is-badalay, muddo kadib waxa xaalkii noqday sidani.<\/p><p>Waa tan Xuseen Hooyadii, waxa la taagan laba dumar ah, waa dumarkii ay jaarka ahaayeen, ee marka ay u ashkato tagto u soo hanjabi jiray, dumarkii mid ayaa hadlaysa, waxa ay leedahay: \u201c<em>\u2026 Edo waadigii ogaa\u2026 waxa aan hilib ku iibin jiray halkan hiliblaha, suuqii imika wuu nagu xun yahay, xalay dab maanu shidan\u2026 inankaygana waad ogtahay sida uu qaadka u cuno\u2026\u201d <\/em>Xuseen Hooyadii ayaa ugu jawaabtay: \u201c<em>Dee markaa maxaan kula qabta, sowkii <\/em>Xuseen <em>inanka mushahar u qoray\u2026 \u2026, ee shaqaalaha ku daray\u2026\u201d, <\/em>hadana waa ta hadalkii sii wadatay ee tidhi: \u201c<em>Waa run Edo macaan! naguma filna mushaharkii, Xuseen noogu sheeg inuu noo kordhiyo mushaharka\u2026\u201d, <\/em>Xuseen Hooyadii iyadu sidii ay ugu jawaabi jireen ugumay jawaabine, waxay ku tidhi: \u201c\u2026 \u2026 \u2026 <em>Haye! anaa u sheegi, hadii ay suurtogal noqoto wuu idiin kordhini\u2026 \u2026 \u2026 \u2026\u201d<\/em><\/p><p>Hadana dumarka tii labaad ayaa hadashay, waxa ay leedahay: \u201c<em>Edo Macaaneey!!! inankii Jaamac-Xoog qabsin ayaa laga qalayaa, intii uu <\/em>Xuseen <em>waxbaranayay isna qaad ayaa uu cunayay\u2026 \u2026, qaadkii ayaa qabsinadii xidhay\u2026\u201d <\/em>kadibna waxa ay Xuseen Hooyadii ku tidhi: \u201c<em>Illaahay qaliinka ha u fududeeyo\u2026 Maxaan kula qabtaa\u2026\u201d, <\/em>waxa ay ku jawaabtay: \u201c<em>Edo Macaaneey! Waanu soo oodanay! Waxba faraha kuma hayno, dee Xuseen noogu sheeg ha ka bixiyo saaxiibkii qaliinka\u2019e\u2026\u201d <\/em>Xuseen Hooyadii waxay ugu jawaabtay: \u201c<em>Waan u sheegi, wixii uu idin la qaban karayo, wuu idinla qaban doonaa\u2026\u201d<\/em><\/p><p>Waa kan Xuseen-na, wuxuu kala-wada, oo maamulayaa ganacsi aad loo qalabeeyay, oo waxa iib iyo buuq ka socda aanad maleyni karaynin.<\/p><p>Waa kan Jaamac-Xoog, dusha ayuu ka raran yahay, waa kii ay Hooyadii u cabanaysay Xuseen Hooyadii, ee qabsinka laga qalayay iyo Ninkii kale ee isna Hooyadii doonaysay in mushaharka loo kordhiyo, labaduba waxaa ay xamaaliin ka yihiin ganacsigan Xuseen maamulaha ka yahay, labadan nin waxay ahaayeen kuwii ugu dhibka badnaa Xuseen waagii hore, mar kasta oo ay arkaan way eryan jireen, hadii ay qabtaana way garaaci jireen.<\/p><p>Sidii ay shaqadu u socotay, Jaamac-Xoog oo ordaya ayaa u soo galay Xuseen, shaadhkiisu wuu kala jeedaa, waxa la moodaa in la soo rifay, wuxuu orodkii ku tagay kursigii Xuseen fadhiyay xagiisa dambe, isaga oo gariiraya ayaa uu yidhi: \u201c<em>Xuseenoow\u2026 Xasan Is-Koris sow ma-garaneysid, ninkii baryahanba wuu igu wareegayaa, waxa uu doonayaa in uu igu dhagaroobo, shaqada dhexdeeda ayaa imika dirqi la igaga qabtay, nafta uun baan iga bixin, aniguna nin xanuunsanaya ayaan ahay, qabsin iyo calool is-taagba waan leeyahay, oo waadiga og! wax kalena nagama dhexeeyaan ninkaase, caqaar jaad ah oo maalin aan ka cunay ayaa uu wali iga daba socdaa\u2026, Niyoow! <\/em>Xuseen<em>oow nin wanaagsan ayaan kugu ogaa! ninkaa nasoo kala gaadh, inta aan arrinku intan ka sii cuslaanin\u2026 \u2026 \u2026<\/em><\/p><p>Xuseen waa uu u caqli celiyay Jaamac-Xoog, is-maba uu dhibine Xasan is-koris oo isna xamaaliinta ka mid ah, ayaa uu u gacan haadiyay, markii uu u yimid, aad ayaa uu u waaniyay, kadib wuxuu weydiiyay: &nbsp;<em>Xasanoow!!!! Ninkii Jaamac wuu kaa cabanaya\u2026 Maxaad ku haysataa?<\/em> Xasan is-koris isaga oo sharfaya Xuseen ayaa uu ku yidhi: <em>\u201c\u2026Niyaw caqaar jaad ah oo uu iga cunay ayaa aan weli ka daba socdaa, oo uu isiin laayahay\u2026\u201d, <\/em>inta uu lacag jeebka ka soo saaray Xuseen, ayaa uu ku yidhi: \u201c<em>Intaana caqaartii u qaado, intaa kalena shaah ku cab, ninkaana dib ha ula hadlin\u2026 \u2026 \u2026 imikana isa saamaxa\u2026\u201d <\/em>kadibna iyaga madaxa foorarinaya, ayaa uu midiba midkii kale ku yidhi Saamaxnaakum!&#8230;<\/p><p>Waxa uu Jaamac u sheegay in Hooyo la soo hadashay, waxa uu weydiiyay Jaamac-Xoog, maxaad iigu sheegi wayday in qabsin ku hayo? Imika iska jooji shaqada, oo naso, anigaa u diri kharaska ku baxaya qaliinka\u2019e, dhakhtarka iiga soo qaad warqada boonada ee laguu soo jaro\u2026\u201d Xuseen ayaa xasuustay waayihii hore iyo nimankani sidii ay isku ahaayeen, waxa uu yidhi: \u201cILLAAHAY Cilmigiisu Badanaa\u2026<em> Shalay! Waxa aan khaati ka joogay nimankaa Iska-Celintooda\u2026 \u2026 \u2026 Maantana! Waxa aan khaati ka joogaa Kala-Celintooda\u2026\u201d<\/em><\/p><\/blockquote>\n\n\n\n<blockquote class=\"wp-block-quote has-black-color has-text-color is-layout-flow wp-block-quote-is-layout-flow\" style=\"font-size:20px;font-style:normal;font-weight:500\"><p><strong>Sheeko:<\/strong> Wuxuu yidhi iyada oo aan ka cararayo mid inkaar-qabe ah, oo isoo eryaday ayuu i arkay, kadibna dadka intii i arkeysay ayaa mid kasta isoo haaraamayaa, oo i leeyahay fuley yahaw! doqon yahaw! maad iska celisid? maxaad la soo ordaysay?<\/p><p>Meel halkan ah ayaan soo fadhiistay, aniga oo isla yaaban, oo aad isu haaraamaya, oo naftayda canaananaya &#8220;<em>Doqon yahaw waa runtoode maxaad la soo ordaysay? miyaad iska celisid? Fuley!!!<\/em>&#8220;<\/p><p>Inta uu afkiisa aad ugu soo dhaweeyay dhegtayda, ayuu igu yidhi &#8220;<em>waad ku saxan tahay inaad iskaga carartay inkaar-qabaha, isagaa doqon ah, oo aan garaneynin dagaal-sokeeye iyo waxa uu yahay?<\/em>&#8220;<\/p><p>Waanigaa hoos u idhi &#8220;Beenaale! waad igu diganeysaa, kuwaa fuleyga iyo doqonka igu leh ayaa iiga kaa talo fiican, oo dantayda iyo sidii ii fiicneyd igu dhiirigelinaya&#8230;&#8221;, isagu ima maqlayo, maxaa yeelay; niyada ayaan iskala hadlayaa, oo aan hadaladani ka leeyahay.<\/p><p>Isaga oo hadalkii sii wata, anna aanan xagiisaba jaleecaynin ileyn digasho ayaan u arkaaye, wuxuu ii raaciyay &#8220;<em>Weligaa colaad-sokeeye ka fogow, waxa laga dhaxlaa dagaal-midgaan, dagaal-midgaankana waxa laga dhaxlaa adduun iyo aakhiro seeg, oo adduunyadana ciil iyo xasad ayaad ku noolaan, aakhirana aayo-la&#8217;aan ayaa quraanka Illaahay inoogu sheegay dhaxalkiisa&#8230;<\/em>&#8220;<\/p><p>Wuxuu yidhi: &#8220;<em>qofka aydaan kala maqnaaneynin, ee aad mar walba iska ag-muuqaneysaan, waxay dantu ku faraysaa inaad la heshiiso, oo aad ka fogaato wax kasta oo colaad idiin horseedi kara, colaada sokeeye ma dhamaato jeeroo ay dadka iyo duunyadaba wada idleyso, kolkaa colaad-sokeeye qofkii aad kala kulanto <em>intaad u dul-qaadan karto dhibkiisa u adkeyso,<\/em><\/em> <em>hadii uu is-moog noqdo oo dulqaadku uga sii darayona, ka fogow inta aad ka fogaan karto<\/em>, <em>se ha ku dhicin dabin kuu horseeda in nolosha kooban ee aad nooshahay kaaga dhamaato hamuun dhiig-daadin iyo ka fikirka qaababka kala duwan ee bini-aadamka loo dhibo ama qudha looga gooyo, Illaahay ka magan-gal xaalad noocaasi ah inaad dantu kugu kalifto&#8230;<\/em>&#8220;<\/p><\/blockquote>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-pullquote has-black-color has-text-color\" style=\"font-size:20px\"><blockquote><p>Sideedaba adduunyadu,<\/p><p>way suuro badan tahay oo,<\/p><p>waxa ay salaba MARISAA (Illaahay Amarkii!),<\/p><p>reer saaka buuxoo,<\/p><p>mid ay soori wayday,<\/p><p>saacidaa markiisooy,<\/p><p>sixin hoo tidhaahdaa(Illaahay Amarkii!),<\/p><p>ka sareedadeedii,<\/p><p>suxulada ka leefoow,<\/p><p>saaduf yaanay kugu ridin,<\/p><p>sahwi iyo is-garanwaa(Illaahay Amarkii!)\u2026 \u2026 \u2026<\/p><cite><em>Ereyadii: Abwaan Xasan CabdiLlaahi \u201cGaney\u201d<\/em><\/cite><\/blockquote><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-pullquote has-black-color has-text-color\"><blockquote><p>Mar buu ku wanaajiyaa,<\/p><p>wakhtigu kuu hiiliyaa(Illaahay Amarkii!),<\/p><p>walaalkiis kaa dhigaa,<\/p><p>sidii waqal kuu da&#8217;aa,<\/p><p>weedhaadana lagu qoslaa,<\/p><p>dadkana tahay ruux la wayn,<\/p><p>mar baad kala weecataan,<\/p><p>waayuhu cadaw kuu noqdaa(Illaahay Amarkii!),<\/p><p>wacdigaad aadmiga fartaa,<\/p><p>mar buu wadhi kuu dhallaa.<\/p><cite><em>Ereyadii: Abwaan Xasan CabdiLlaahi \u201cGaney\u201d<\/em><\/cite><\/blockquote><\/figure>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Libaaxu wuxuu libaax yahay, qiimihiisa iyo quruxdiisuna ay soo baxdaa, marka kaynta uu ku nool yahay dhir ku taalo, ubaxa iyo daaquna ay badan yihiin, si ugaadh uu la noolaado, oo uu ka soo dhex baxo, oo uu ku soo shaac baxaa, ay ugu timaado. Se; hadii dhirta iyo daaqu ka go\u2019aan kaynta, oo ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1327,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[57,1],"tags":[],"class_list":["post-1326","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-ogaalkay","category-qormo"],"magazineBlocksPostFeaturedMedia":{"thumbnail":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay-150x150.png","medium":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay-300x170.png","medium_large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","large":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","1536x1536":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","2048x2048":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png"},"magazineBlocksPostAuthor":{"name":"Qoraha Qormooyinka","avatar":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g"},"magazineBlocksPostCommentsNumber":false,"magazineBlocksPostExcerpt":"Libaaxu wuxuu libaax yahay, qiimihiisa iyo quruxdiisuna ay soo baxdaa, marka kaynta uu ku nool yahay dhir ku taalo, ubaxa iyo daaquna ay badan yihiin, si ugaadh uu la noolaado, oo uu ka soo dhex baxo, oo uu ku soo shaac baxaa, ay ugu timaado. Se; hadii dhirta iyo daaqu ka go\u2019aan kaynta, oo ka [&hellip;]","magazineBlocksPostCategories":["Ogaalkay","Qormo"],"magazineBlocksPostViewCount":8,"magazineBlocksPostReadTime":10,"magazine_blocks_featured_image_url":{"full":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png",606,344,false],"medium":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay-300x170.png",300,170,true],"thumbnail":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay-150x150.png",150,150,true]},"magazine_blocks_author":{"display_name":"Qoraha Qormooyinka","author_link":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"},"magazine_blocks_comment":0,"magazine_blocks_author_image":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/155605cbcce4d21824f111c79a867bad?s=96&d=mm&r=g","magazine_blocks_category":"<a href=\"#\" class=\"category-link category-link-57\">Ogaalkay<\/a> <a href=\"#\" class=\"category-link category-link-1\">Qormo<\/a>","yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Libaaxu wuxuu libaax yahay, qiimihiisa iyo quruxdiisuna ay soo baxdaa, marka kaynta uu ku nool yahay dhir ku taalo, ubaxa iyo daaquna ay badan yihiin, si ugaadh uu la noolaado, oo uu ka soo dhex baxo, oo uu ku soo shaac baxaa, ay ugu timaado. Se; hadii dhirta iyo daaqu ka go\u2019aan kaynta, oo ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"SOMALILAND MAANTA\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-03-13T18:41:59+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-03-14T11:08:04+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"606\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"344\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Qoraha Qormooyinka\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"10 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\"},\"author\":{\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\"},\"headline\":\"Dadkaa Geesi Lagu Yahay!\",\"datePublished\":\"2023-03-13T18:41:59+00:00\",\"dateModified\":\"2023-03-14T11:08:04+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\"},\"wordCount\":1934,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png\",\"articleSection\":[\"Ogaalkay\",\"Qormo\"],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\",\"name\":\"Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png\",\"datePublished\":\"2023-03-13T18:41:59+00:00\",\"dateModified\":\"2023-03-14T11:08:04+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png\",\"width\":606,\"height\":344},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dadkaa Geesi Lagu Yahay!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"description\":\"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization\",\"name\":\"SOMALILAND MAANTA\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png\",\"width\":500,\"height\":500,\"caption\":\"SOMALILAND MAANTA\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb\",\"name\":\"Qoraha Qormooyinka\",\"sameAs\":[\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\"],\"url\":\"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA","og_description":"Libaaxu wuxuu libaax yahay, qiimihiisa iyo quruxdiisuna ay soo baxdaa, marka kaynta uu ku nool yahay dhir ku taalo, ubaxa iyo daaquna ay badan yihiin, si ugaadh uu la noolaado, oo uu ka soo dhex baxo, oo uu ku soo shaac baxaa, ay ugu timaado. Se; hadii dhirta iyo daaqu ka go\u2019aan kaynta, oo ka [&hellip;]","og_url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/","og_site_name":"SOMALILAND MAANTA","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed","article_published_time":"2023-03-13T18:41:59+00:00","article_modified_time":"2023-03-14T11:08:04+00:00","og_image":[{"width":606,"height":344,"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","type":"image\/png"}],"author":"Qoraha Qormooyinka","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"Qoraha Qormooyinka","Est. reading time":"10 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/"},"author":{"name":"Qoraha Qormooyinka","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb"},"headline":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay!","datePublished":"2023-03-13T18:41:59+00:00","dateModified":"2023-03-14T11:08:04+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/"},"wordCount":1934,"publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","articleSection":["Ogaalkay","Qormo"],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/","name":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay! - SOMALILAND MAANTA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","datePublished":"2023-03-13T18:41:59+00:00","dateModified":"2023-03-14T11:08:04+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#primaryimage","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/dadkaa-geesi-lagu-yahay.png","width":606,"height":344},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/2023\/03\/13\/dadkaa-geesi-lagu-yahay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dadkaa Geesi Lagu Yahay!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#website","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","name":"SOMALILAND MAANTA","description":"Ka Akhriso Qormooyin Xiiso Leh","publisher":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#organization","name":"SOMALILAND MAANTA","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","contentUrl":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/1.png","width":500,"height":500,"caption":"SOMALILAND MAANTA"},"image":{"@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/WarsameIsmaaciilAxmed"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/#\/schema\/person\/93afc3ea340d73151feaf52df5e1c1bb","name":"Qoraha Qormooyinka","sameAs":["https:\/\/soomaal.net\/qormo"],"url":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/author\/soomaal_admin\/"}]}},"views":44,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1326"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1326\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1343,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1326\/revisions\/1343"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1327"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalilandmaanta.com\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}